Journalists Association of Jubaland

Call Directions Website Contact the organization

Journalists Association of Jubaland Journalists' Association of Jubaland (JAJ) is membership based non-profit and non-political organization based in Kismayo, Jubaland State of Somalia.

It was established on 7th June 2006 to protect and promote the rights and freedoms of speech.

PRESS RELEASEJubbaland Military Court Concludes Hearing in the Murder Case of Journalist Abshir Khalif ShiideKismayo, So...
21/07/2026

PRESS RELEASE

Jubbaland Military Court Concludes Hearing in the Murder Case of Journalist Abshir Khalif Shiide

Kismayo, Somalia – The Military Court for the Armed Forces and Serious Crimes of the Jubbaland State of Somalia has officially concluded the hearing of the criminal case against Ibrahim Osman Lasow, who is accused of the murder of the late journalist Abshir Khalif Shiide, a media professional who was working in Kismayo.

During the proceedings, the Office of the Public Prosecutor argued that the accused intentionally committed the killing and requested the court to impose the appropriate punishment in accordance with the law.

In response, the defense counsel maintained that the incident was not intentional but rather an accidental occurrence while the accused was carrying out his security duties. The defense urged the court to take into account the circumstances surrounding the incident before reaching its verdict.

Following the presentation of arguments from both the prosecution and the defense, Colonel Abdullahi Mahmud Ibrahim, President of the Jubbaland Military Court for the Armed Forces and Serious Crimes, announced that the hearing had been formally concluded.

He further stated that the court has entered the deliberation stage and will issue its judgment on the case at a later date after carefully reviewing all the evidence and legal arguments presented during the proceedings.

The case has attracted significant public and media attention due to the death of journalist Abshir Khalif Shiide. The court's forthcoming verdict is expected to provide legal clarity regarding responsibility for the incident and conclude one of the most closely followed criminal cases in Jubbaland.

WAR-SAXAAFADEEDMaxk**adda Ciidamada Jubbaland oo Soo Gabagabeysay Dhageysiga Kiiska Dilka Wariye Abshir Khaliif ShiideKi...
21/07/2026

WAR-SAXAAFADEED

Maxk**adda Ciidamada Jubbaland oo Soo Gabagabeysay Dhageysiga Kiiska Dilka Wariye Abshir Khaliif Shiide

Kismaayo, Soomaaliya – Maxk**adda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Ibraahim Cismaan Laasow, oo loo haysto dilka Alle ha u naxariistee wariye Abshir Khaliif Shiide, oo ka mid ahaa saxafiyiintii ka howlgelayay magaalada Kismaayo.

Intii uu socday dhageysiga dacwadda, Xafiiska Xeer Ilaalinta Dowladda Jubbaland ayaa maxk**adda horgeeyay doodihiisa iyo caddeymaha uu ku taageerayo eedda loo haysto eedeysanaha. Xeer Ilaalintu waxay ku dooday in falka lagu eedeeyay Ibraahim Cismaan Laasow uu ahaa dil ula kac ah, waxayna maxk**adda ka codsatay in lagu xukumo ciqaabta uu sharcigu dhigayo.

Dhanka kale, qareenka difaaca eedeysanaha ayaa si adag uga hor yimid doodda Xeer Ilaalinta, isagoo sheegay in dhacdada aysan ahayn fal ula kac ah, balse ay ahayd shil si k**a’ ah u dhacay xilli eedeysanuhu gudanayay waajibaadkiisa amni. Qareenku wuxuu maxk**adda ka codsaday inay tixgeliso duruufaha kiiska iyo doodaha difaaca ka hor inta aan la gaarin go’aan k**a dambeys ah.

Markii la dhageystay doodaha labada dhinac, Guddoomiyaha Maxk**adda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland, Gaashaan Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa ku dhawaaqay in dhageysiga dacwadda si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maxk**addu ay gashay marxaladda go’aan ka gaarista kiiska, isagoo xusay in xukunka dacwaddan lagu dhawaaqi doono waqti dambe, kaddib marka ay maxk**addu dhammeystirto qiimeynta caddeymaha, doodaha Xeer Ilaalinta iyo difaaca.

Kiiskan ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada iyo bahda warbaahinta, maadaama uu la xiriirayo dilka wariye Abshir Khaliif Shiide, waxaana la filayaa in xukunka maxk**addu uu caddeyn dheeraad ah ka bixiyo mas'uuliyadda kiiskan.

PRESS RELEASEJournalists Association of JubalandDate: 13 June 2026The Journalists Association of Jubaland (JAJ) continue...
13/06/2026

PRESS RELEASE

Journalists Association of Jubaland

Date: 13 June 2026

The Journalists Association of Jubaland (JAJ) continues to closely monitor the proceedings in the murder case of the late journalist Abshir Khalif Shiide. Today, the Military Court and Serious Crimes Court of the Jubaland State convened the second hearing of the case.

The accused, Ibrahim Osman Laasow, is facing charges related to the killing of journalist Abshir Khalif Shiide, a member of the media community in Jubaland, who was killed on 3 March 2026. The case has attracted significant attention from journalists, civil society organizations, and all those concerned with justice, accountability, and press freedom.

During today's hearing, the prosecution presented its argument that the accused intentionally committed the murder of the late journalist. The defense counsel, however, argued that the death resulted from an unintentional act and urged the court to consider the defense's position.

After hearing submissions from both sides, the court concluded the second hearing and announced that further sessions would be held to continue the proceedings. The court also directed the prosecution to present additional evidence and supporting materials relevant to the case in order to ensure a fair and transparent judicial process.

The Journalists Association of Jubaland welcomes the progress made in the case and the continuation of the judicial process. The Association reiterates the importance of ensuring that the case is handled with fairness, transparency, independence, and due process. Delivering justice for journalist Abshir Khalif Shiide remains essential for his family, the media community, and the people of Jubaland as a whole.

The Association further emphasizes that attacks, threats, and other forms of violence against journalists pose a serious threat to freedom of expression, access to information, and media independence. JAJ therefore calls upon the relevant security and judicial institutions to strengthen efforts to protect journalists and ensure accountability for anyone responsible for crimes committed against members of the press.

“We continue to closely follow every stage of the case concerning the killing of journalist Abshir Khalif Shiide. Today's hearing represents an important step in the pursuit of justice. We urge all institutions involved in the case to ensure that the proceedings are conducted in accordance with the law and with full transparency and fairness. Journalists deserve safety and the freedom to perform their professional duties without fear of attacks, intimidation, or violence.” The Chairperson of the Journalists Association of Jubaland, Khadar Iman Dhaqan, stated.

The Journalists Association of Jubaland will continue to monitor the case until a final verdict is reached, while standing in solidarity with the family of the late journalist, the media community, and all those seeking justice for Abshir Khalif Shiide.

END

WAR-SAXAAFADEEDUrurka Suxufiyiinta Jubbaland (JAJ)Taariikh: 13 Juun 2026Ururka Suxufiyiinta Jubbaland (JAJ) ayaa si dhow...
13/06/2026

WAR-SAXAAFADEED

Ururka Suxufiyiinta Jubbaland (JAJ)

Taariikh: 13 Juun 2026

Ururka Suxufiyiinta Jubbaland (JAJ) ayaa si dhow ula socday qabsoomidda garmaqalka 2-aad ee kiiska dilka marxuum wariye Abshir Khaliif Shiide, kaas oo maanta ka dhacay Maxk**adda Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Jubbaland.

Eedeysanaha Ibrahim Cismaan Laasow ayaa loo haystaa kiiska dilka wariyaha marxuumka ah oo ka tirsanaa bahda warbaahinta Jubbaland, kaas oo la dilay 03 Maarso 2026. Kiiskan ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bahda warbaahinta, bulshada rayidka ah iyo dhammaan dadka daneeya xaqiijinta caddaaladda iyo ilaalinta xorriyadda saxaafadda.

Intii uu socday garmaqalka maanta, Xeer Ilaalinta ayaa maxk**adda horgeysay eedeynta ah in eedeysanuhu geystay dil kas ah oo loo geystay marxuum wariye Abshir Khaliif Shiide. Dhanka kale, qareenka difaaca eedeysanaha ayaa ku dooday in dhacdadu aysan ahayn dil qorsheysan balse ay ku timid k**a’, isaga oo maxk**adda ka codsaday inay tixgeliso doodda difaaca.

Markii ay dhegeysatay doodaha labada dhinac, Maxk**addu waxay soo xirtay garmaqalka 2-aad ee kiiska iyadoo shaacisay in fadhiyada dambe lagu sii ambaqaadi doono dhageysiga dacwadda. Sidoo kale, Maxk**addu waxay ku amartay Xeer Ilaalinta inay keento cadaymaha iyo xogaha dheeraadka ah ee la xiriira kiiska si loo xaqiijiyo hannaanka garsoor ee caddaaladda ku dhisan.

Ururka Suxufiyiinta Jubbaland wuxuu soo dhoweynayaa horumarka ay dacwaddu gaareyso iyo sii socoshada hannaanka garsoorka, isagoo mar kale adkeynaya muhiimadda ay leedahay in kiiskan lagu dhammeeyo si caddaalad, hufnaan iyo madax-bannaani leh. Ururku wuxuu aaminsan yahay in helitaanka caddaaladda wariye Abshir Khaliif Shiide ay muhiim u tahay qoyska marxuumka, bahda warbaahinta iyo guud ahaan bulshada Jubbaland.

Ururku wuxuu sidoo kale xusayaa in dilalka, handadaadaha iyo tacaddiyada kale ee loo geysto saxafiyiinta ay khatar ku yihiin xorriyadda hadalka, helitaanka xogta iyo madaxbannaanida warbaahinta. Sidaas darteed, JAJ wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha amniga iyo garsoorka inay sii xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo badqabka wariyeyaasha iyo la xisaabtanka cid kasta oo ku lug yeelata tacaddiyada ka dhanka ah saxafiyiinta.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Jubbaland, Khadar Iimaan Dhaqan, ayaa yiri:

“Waxaan sii wadeynaa la socodka dhammaan marxaladaha kiiska dilka wariye Abshir Khaliif Shiide. Garmaqalka maanta wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay geeddi-socodka lagu xaqiijinayo caddaaladda. Waxaan ku boorrineynaa dhammaan hay’adaha ku shaqada leh kiiskan inay hubiyaan in dacwaddu ku socoto si waafaqsan sharciga, hufnaan iyo cadaalad buuxda leh. Wariyeyaashu waxay mudan yihiin badqab iyo jawi ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo iyagoo aan ka cabsi qabin weerarro ama tacaddiyo.”

Ururka Suxufiyiinta Jubbaland wuxuu sii wadi doonaa la socodka kiiskan ilaa laga gaarayo go’aan k**a dambeys ah, isagoo garab taagan qoyska marxuumka, bahda warbaahinta iyo dhammaan dadka u taagan xaqiijinta caddaaladda.

DHAMMAAD

WAR-SAXAAFADEEDUrurka Suxufiyiinta Jubbaland (JAJ)Taariikh: 18 May 2026Ururka Suxufiyiinta Jubaland ayaa soo dhoweynaya ...
18/05/2026

WAR-SAXAAFADEED
Ururka Suxufiyiinta Jubbaland (JAJ)

Taariikh: 18 May 2026

Ururka Suxufiyiinta Jubaland ayaa soo dhoweynaya qabsoomidda garmaqalka 1-aad ee kiiska dilka marxuum wariye Abshir Khaliif Shiide, kaas oo dhacay Sabtidii, 16 May 2026, kana dhacay Maxk**adda Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Jubbaland.

Eedeysanaha Ibrahim Cismaan Laasow ayaa loo haystaa kiiska dilka marxuumka oo kamid ahaa wariyeyaasha ka howlgalayay Jubbaland, dilkaas oo dhacay 03 Maarso 2026.

Fadhiga maxk**adda waxaa guddoomiyay Guddoomiyaha Maxk**adda Darajada 1-aad iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Jubbaland, waxaana kasoo qeyb galay Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, ehelada marxuumka, qareenka difaaca eedeysanaha iyo mas’uuliyiin ka socday Journalists Association of Jubaland.

Intii uu socday fadhiga, xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay eedaha loo heysto eedeysanaha, halka qareenka difaaca uu ka hadlay difaaca muwakilkiisa. Maxk**addu waxay ugu dambeyn soo xirtay garmaqalka 1-aad iyadoo lagu balansan yahay fadhiyaal kale oo dambe.

Ururka Suxufiyiinta Jubaland waxay adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay in cadaalad hufan, madax-bannaan oo degdeg ah loo helo kiiskan, si loo xaqiijiyo cadaaladda marxuumka iyo qoyskiisa.

Ururku wuxuu sidoo kale xusayaa in weerarrada lagu hayo wariyeyaasha iyo bahda warbaahinta ay khatar weyn ku yihiin xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda, isagoo ugu baaqaya hay’adaha dowladda inay xoojiyaan ilaalinta saxafiyiinta kana shaqeeyaan la xisaabtanka cid kasta oo ku kacda tacaddiyada ka dhanka ah warbaahinta.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Jubaland, Khadar Iimaan Dhaqan, ayaa yiri:

“Dilka loo geystay wariye Abshir Khaliif Shiide wuxuu ahaa dhacdo si weyn uga nixisay bahda warbaahinta iyo shacabka Jubbaland. Garmaqalka dhacay Sabtidii, 16 May 2026, wuxuu muujinayaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca cadaaladda iyo isla xisaabtanka. Waxaan ugu baaqeynaa maxk**adda inay xaqiijiso hannaan garsoor oo caddaalad ah, hufan oo degdeg ku socda. Wariyeyaashu waa inay helaan ammaan iyo xorriyad ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo iyagoo aan cabsi iyo handadaad la kulmin.”

Ururka Suxufiyiinta Jubaland wuxuu sii wadi doonaa la socodka kiiskan, isagoo garab taagan qoyska marxuumka, bahda warbaahinta iyo dhammaan cid kasta oo raadineysa caddaaladda wariye Abshir Khaliif Shiide.

DHAMMAAD

PRESS STATEMENTJournalists Association of Jubaland (JAJ)Date: 18 May 2026The Journalists Association of Jubaland welcome...
18/05/2026

PRESS STATEMENT
Journalists Association of Jubaland (JAJ)

Date: 18 May 2026

The Journalists Association of Jubaland welcomes the commencement of the first hearing in the case concerning the killing of journalist Abshir Khaliif Shiide, which took place on Saturday, 16 May 2026, before the Military Court and Serious Crimes Court of the Government of Jubaland.

The accused, Ibrahim Cismaan Laasow, is facing charges related to the murder of the late journalist Abshir Khaliif Shiide, a respected member of the media community in Jubaland. The killing occurred on 03 March 2026.

The hearing was presided over by the Chairman of the First Degree and Serious Crimes Court of Jubaland and attended by representatives of the Military Prosecution Office, members of the victim’s family, the defense counsel of the accused, and officials from the Journalists Association of Jubaland.

During the session, the prosecution presented the charges against the accused, while the defense counsel addressed the court on behalf of his client. The court subsequently adjourned the proceedings, with additional hearings expected in the coming sessions.

The Journalists Association of Jubaland reiterates the importance of ensuring an independent, transparent, and timely judicial process that guarantees justice for the late journalist and his family.

The Association further stresses that attacks against journalists and media professionals represent a serious threat to freedom of expression and press freedom. JAJ calls upon the relevant authorities to strengthen the protection of journalists and ensure accountability for crimes committed against members of the media.

Speaking on behalf of the Association, Khadar Iman Dhaqan, Chairperson of the Journalists Association of Jubaland, stated:

“The killing of journalist Abshir Khaliif Shiide deeply shocked the media community and the people of Jubaland. The hearing held on Saturday, 16 May 2026, marks an important step toward justice and accountability. We urge the court to ensure a fair, transparent, and timely judicial process. Journalists must be able to carry out their professional duties free from fear, intimidation, and violence.”

The Journalists Association of Jubaland will continue to closely monitor the case and stand in solidarity with the family of the late journalist, media colleagues, and all those seeking justice for Abshir Khaliif Shiide.

END

WAR-SAXAAFADEEDTaariikh: 03 Maarso 2026Ururka Suxufiyiinta Jubaland (JAJ)Inaalilaahi wa innaa illeyhi raajicuun.Ururka S...
03/03/2026

WAR-SAXAAFADEED

Taariikh: 03 Maarso 2026
Ururka Suxufiyiinta Jubaland (JAJ)

Inaalilaahi wa innaa illeyhi raajicuun.

Ururka Suxufiyiinta Jubaland (JAJ) ayaa magaalada Kismaayo ku qabtay kulan Duco iyo Qur’aan aqris ah oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Wariye Abshir Khaliif Shide, oo si arxan darro ah loogu dilay magaalada Kismaayo.

Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen saxafiyiin kala duwan, bahda warbaahinta iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, ayaa ahaa mid si qoto dheer loogu muujinayay murugada iyo tiiraanyada ka dhalatay geerida marxuumka. Intii uu socday kulanka, dhammaan ka qeybgalayaashu waxay Alle uga baryeen marxuum Abshir Khaliif Shide inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa iyo guud ahaan bahda saxafiyiinta Jubaland.

Marxuumka ayaa saaka lagu aasay qabuuraha Baarcaleen ee duleedka magaalada Kismaayo, iyadoo ay ka qeybgaleen ehel, asxaab, saxafiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankan Qur’aanka iyo ducada ah wuxuu ahaa mid lagu muujinayo midnimo, murugo wadaag iyo isku duubni ay muujiyeen saxafiyiinta Jubaland, kuwaas oo si wadajir ah ugu duceeyay walaalkoodii iyo saaxiibkoodii ay waayeen.

Saxafiyiintii goobta ka hadashay ayaa si cad ugu baaqay Dowladda Jubbaland in si degdeg ah loo helo caddaaladda marxuumka, isla markaana la dardargeliyo baaritaanka kiiska, si loo horkeeno sharciga cid kasta oo ku lug leh falkaas foosha xun. Waxay sidoo kale codsadeen in la xaqiijiyo badqabka iyo amniga saxafiyiinta ka howlgala Jubaland, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo iyagoo aan cabsi qabin.

Ururka Suxufiyiinta Jubaland (JAJ) wuxuu markale tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Abshir Khaliif Shide, wuxuuna ku adkaysanayaa baaqiisa ku aaddan helitaanka caddaalad iyo ilaalinta xorriyadda saxaafadda.

— DHAMMAAD —

Ururka Journalists Association of Jubaland ayaa galabta kulan Quraan akhris, tacsi iyo duco ah oo usameeyay, Alle ha u n...
03/03/2026

Ururka Journalists Association of Jubaland ayaa galabta kulan Quraan akhris, tacsi iyo duco ah oo usameeyay, Alle ha u naxariistee marxuum Wariye Abshir Khaliif Shide, oo habeenkii xalay ahaa gacan ka xaqdaran ku dishay gudaha magalada Kismaayo.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen guud ahaan bahda saxaafada ee howlgala deegaanada Jubaland, ayaa marxuumka Eebbe uga baryay in Jannadii Firdowsa uu ka waraabiyo, iyagoo iskula dardaarmay Alle ka cabsi iyo in mar waliba la badiyo ducada loo niyeysanayo saaxibkood ku baxay gacanta Askari katirsan Ciidanka Booliska Jubaland.

Ururka Saxaafiyiinta Jubaland (JAJ), oo kaashanaya Xafiiska Xuquuqul Insaanka iyo Badqabka  (HRPG)Kismaayo ee United Nat...
16/12/2025

Ururka Saxaafiyiinta Jubaland (JAJ), oo kaashanaya Xafiiska Xuquuqul Insaanka iyo Badqabka (HRPG)Kismaayo ee United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia iyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Jubbaland, ayaa maanta magaalada Kismaayo 25 Weriye oo ay ku jiraan (3 Wareiye ) oo dhoobley ka yimid uga bilaabay tababar laba maalmood ah oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha, Xorriya ka hadalka, iyo Ilaalinta Saxaafiyiinta.

🗓 Taariikhda: Diseembar 16–17, 2025
📍 Goobta: Kismayo
👥 Kaqaybgalayaal: 25 saxaafi, oo ay ku jiraan saddex saxaafi oo ka yimid Dhobley.

📌 Waxyaabaha lagaga hadlay Maanta (Maalinta 1aad):
✅ Isdiiwaangelinta & hadalka furitaanka
✅ Hordhac nidaamyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha
✅ Xoriyatul qawlka marka la eego caalamka iyo Soomaalida
✅ leyli kooxeed & dood furan oo ku saabsan caqabadaha ka jira warbaahinta Jubaland

Waxaan faraxsanahay in aan horumarinno waxbarashada, wadahadalka, iyo midnimada bulshada saxaafiyiinta Jubaland.

Ha moogaan warbixin dheeraad ah!



IN ENGLISH

Today in Kismayo, the Journalists Association of Jubaland (JAJ), in partnership with the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia Human Rights and Protection Group (HRPG) Kismayo Office and Jubaland Ministry of Information, Culture, and Tourism, launched a two-day training on Human Rights, Freedom of Expression, and Media Protection.

🗓 Dates: December 16–17, 2025
📍 Location: Kismayo
👥 Participants: 25 journalists, including three colleagues joining us from Dhobley.

📌 Day 1 highlights include:
✅ Registration & opening remarks
✅ Introduction to international human rights systems
✅ Freedom of expression in international and Somali contexts
✅ Group exercises & open discussions on challenges in Jubaland media

We are excited to foster learning, dialogue, and solidarity among media professionals in Jubaland.

Stay tuned for more updates!

Address

Kismayo

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252770666606

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Journalists Association of Jubaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Journalists Association of Jubaland:

Shortcuts

Share