11/08/2026
๐๐จ๐จ๐ช๐๐ฌ๐ก๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐-๐ค๐ฎ๐ฎ๐ซ-๐ ๐๐ฅ๐ข๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐๐ ๐๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐ฒ๐จ.
Maanta anagoo ka kooban xubnaha Dallada Bulshada Rayidka Jubaland ee Jubbaland Non State Actors Association iyo PAC waxaan booqasho iyo u-kuur-galid ku sameynay xaaladda maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee degmada Kismaayo.
Intii ay booqashadu socotay, waxaan kulan iyo wareysi la yeelannay Taliyaha Ciidamada Asluubta Dowladda Jubbaland iyo madaxda kale ee maamulka xabsiga, iyadoo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee xabsiga iyo duruufaha ay ku nool yihiin maxaabiistu.
Sidoo kale, waxaan si toos ah u indho-indheynay xaaladda nololeed ee maxaabiista, waxaana wareysiyo la yeelannay qaybaha kala duwan ee maxaabiista, gaar ahaan maxaabiista loo haysto dambiyada madaniga ah, kuwaas oo qaarkood u xiran deymo iyo arrimo kale oo la xiriira khilaafaadyo iyo dambiyo aan ahayn kuwa culus.
Waxaan rajeynaynaa in, annagoo kaashanayna Alle SWT, ganacsatada, culimada, hayโadaha xuquuqul insaanka, bulshada rayidka ah iyo muxsiniinta, aan maalmaha soo socda gacan ka geysan doonno sidii loo heli lahaa xalal waara, looguna guuleysan lahaa sii-deynta maxaabiis badan oo ay suuragal tahay in kiisaskooda lagu xalliyo cafis, heshiis, magdhow ama waddooyin kale oo sharci ah.
Waxaan aaminsanahay in maxbuusnimadu aysan ahayn oo keliya arrin ciqaabeed, balse ay sidoo kale ku jirto dib-u-heshiisiin, caddaalad, baniโaadannimo iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
๐๐๐๐๐๐๐๐
__________________________________________
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
[email protected]
๐
๐๐๐๐๐จ๐จ๐ค: https://www.facebook.com/junsaa11?mibextid=LQQJ4d
๐๐๐๐ฌ๐ข๐ญ๐: http://junsaa.org
๐๐ฆ๐๐ข๐ฅ: [email protected]
๐๐ฆ๐๐ข๐ฅ ๐: [email protected]
Email:[email protected]