Federation of Jubaland Trade Unions-FEJTU.

Federation of Jubaland Trade Unions-FEJTU. FEJTU is a dedicated federation committed to representing and advocating for the rights & interests of workers across Jubaland state.

We stand united to ensure fair treatment, equitable pay, safe working conditions, awareness & justice for all Workers.

تَقَبَّلَ اللهُ مِنَّا وَمِنْكُمْ صَالِحَ الأَعْمَالِMaamulka iyo Xubnaha Xidhiidhka Guud Urarada Shaqaalaha Jubaland ee...
19/03/2026

تَقَبَّلَ اللهُ مِنَّا وَمِنْكُمْ صَالِحَ الأَعْمَالِ
Maamulka iyo Xubnaha Xidhiidhka Guud Urarada Shaqaalaha Jubaland ee FEJTU waxay hambalyo kal iyo laab ah u dirayaan dhammaan shaqaalaha Jubaland iyo eheladooda munaasabadda Ciidul Fidriga owgeed.

Ciid wanaagsan dhammaan Shaqaalaha Jubaland!

09/01/2026
Maanta waxaan u dabaaldegaynaa maalinta qiimaha badan ee 21-ka November, oo loo asteeyay Maalinta Macallinka Soomaaliyee...
21/11/2025

Maanta waxaan u dabaaldegaynaa maalinta qiimaha badan ee 21-ka November, oo loo asteeyay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed. Waa maalin lagu sharfo doorka macallinka ee dhismaha aqoonta, hanuuninta jiilasha, iyo kobcinta mustaqbalka ummadda.

Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Jubbaland ee FEJTU wuxuu u taagan yahay difaaca xuquuqda macallimiinta, kor u qaadidda tayadooda, iyo abuurista deegaan waxbarasho oo sharaf leh. Macallinku waa laf-dhabarta waxbarashada, wuxuuna mudan yahay qadarin joogto ah.

Inkasta oo macallinka Soomaaliyeed uu wajahayo duruufo adag, taageero dhaqaale oo kooban, iyo qalab waxbarasho oo aad u liita, hadana waxaa uu si niyad-sami leh u guttaa waajibaadkiisa maalin kasta si uu u dhiso jiil waxgarad ah oo bulshada anfaca.

FEJTU waxa ugu baaqayaa shacabka iyo dowladaba in la xoojiyo taageerada macallinka, lana muujiyo maamuus dheeri ah. Macallinku waa iftiinka bulshada.

The Federation of Jubaland Trade Unions (FEJTU) proudly joins the global community in commemorating the International Da...
21/09/2025

The Federation of Jubaland Trade Unions (FEJTU) proudly joins the global community in commemorating the International Day of Peace 2025. This day reminds us that peace is not only the absence of conflict but also the presence of justice, dignity, and respect for all. For workers and their families, peace represents the foundation upon which fair labor practices, decent livelihoods, and sustainable development can flourish.

The pursuit of peace remains essential to ensuring that workers’ rights are safeguarded and their voices heard. Trade unions play a vital role in fostering dialogue, reducing inequality, and promoting social cohesion. By championing the rights of workers, FEJTU contributes to building an inclusive society where justice and fairness are central pillars of peace.

This year’s observance calls for a renewed commitment to cooperation and solidarity. Peace can only be achieved when governments, institutions, civil society, and workers stand together in partnership. FEJTU reaffirms its dedication to peaceful solutions, constructive engagement, and advocacy for labor rights as part of a broader vision of social stability and prosperity.

On this International Day of Peace, FEJTU calls upon all stakeholders to strengthen dialogue, uphold human rights, and invest in opportunities that empower people. By advancing both peace and social justice, we can create a future where every worker, every family, and every community in can thrive in security, dignity, and hope.

11/09/2025

Forced labour❌
Decent work✅

Everyone has the right to work in freedom and dignity.

08/09/2025

While progress has been made, many women still face barriers to entering, staying, and advancing in .

🚨 Urgent reforms are needed – not someday. NOW.

Read more: https://ow.ly/HIV050VbEEH

Waxaa Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay Shirweynaha Ol-olaha Shaqaalaysiinta Dumarka ee Heer Agaasime Guud, Waaxeed iyo Qe...
01/09/2025

Waxaa Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay Shirweynaha Ol-olaha Shaqaalaysiinta Dumarka ee Heer Agaasime Guud, Waaxeed iyo Qeybeed.

Shirkan oo socday muddo Saddex maalmood ah, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiyada Shaqaalaha Rayidka ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug.

Intii uu socday shirka, waxaa diiradda la saaray dardargelinta dadaallada ku aaddan shaqaaleysiinta iyo kor u qaadidda kaalinta haweenka ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan heerarka hoggaan iyo go’aan gaarsiineed.

Ka qaybgalayaashu waxay si weyn u bogaadiyeen natiijooyinka ka soo baxay shirkan, iyaga oo hoosta ka xariiqay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah, si loo xaqiijiyo hirgelinta siyaasadaha awood-siinta haweenka.

Gabagabadii, waxaa la isla gartay in la sameeyo qorshe wadajir ah oo lagu mideysan yahay, loogana gol leeyahay in la helo hannaan caddaalad ku dhisan oo dumarka Soomaaliyeed ay si buuxda ugu helaan fursado shaqo iyo hoggaanba.

Shirka ayaa lagu soo xiray jawi isfaham iyo isku duubni ku dheehan tahay, iyadoo laga muujiyay rajo wanaagsan oo ku aaddan hirgelinta qodobbadii ka soo baxay.

Guddoomiyaha Guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Jubaland (FEJTU), Mudane Maslah Omar, ayaa ku sharfanaa ka qeybgalka S...
30/08/2025

Guddoomiyaha Guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Jubaland (FEJTU), Mudane Maslah Omar, ayaa ku sharfanaa ka qeybgalka Shirka Isutagga Dowlad Goboleedyada ee Kordhinta Shaqaaleynta Haweenka ee xilalka Agaasime Guud, Agaasime Waaxeed iyo Madaxa Qeybaha, kaas oo lagu qabtay Kismaayo intii u dhaxeysay 30-ka Agoosto – 1-da Sebteembar.

Shirkan muhiimka ah waxaa soo qabanqaabiyey Wasaaradaha Shaqada & Arrimaha Bulshada iyo Guddiyada Adeegga Rayidka, iyadoo ay taageerayaan World Bank Group oo qeyb ka ah mashruuca SERP (Somalia Enhancing Public Resource Management Project). Ujeedadiisu waa in la xoojiyo sinnaanta jinsiga iyo xaqiijinta in haweenku si cadaalad ah loogu matalo hoggaanka hay’adaha dowliga ah.

FEJTU waxay si buuxda u taageeraysaa hindisahan taariikhiga ah, maadaama uu la jaanqaadayo hadafkeena guud ee ah dhismaha goob shaqo oo loo wada dhan yahay, fursado siman oo shaqo, iyo awoodsiinta haweenka in ay si muuqata uga qeyb qaataan hay’adaha go’aan qaadashada.

Shirka waxaa si rasmi ah uga qeybgalay masuuliyiin heer qaran iyo heer dowlad goboleed, oo ay kamid yihiin: Wasiirka Qorsheynta Mudane Abdirahman, Wasiir Ku-xigeenka Shaqada & Arrimaha Bulshada Mudane Qoshow, Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Rayidka Jubaland Mudane Siyad Aress, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Mudane Rabi. Sidoo kale, waxaa ka qeybgalay madax iyo masuuliyiin ka socday hay’ado iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Jubaland (FEJTU) wuxuu markasta garab taagan yahay dadaallada lagu horumarinayo, dhismaha awood wadaag dhab ah, iyo xaqiijinta ka qeybgalka dhallinyarada iyo haweenka si loo dhiso bulsho cadaalad iyo horumar ku dhisan.

Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Weynaha Jubaland (Federation of Jubaland Trade Unions-FEJTU) waxa uu si weyn ogaqayb galay u...
25/08/2025

Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Weynaha Jubaland (Federation of Jubaland Trade Unions-FEJTU) waxa uu si weyn ogaqayb galay una soo dhaweynayaa dadaalka weyn ee ay wadaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubaland iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee ku aaddan kor u qaadidda shaqooyinka haweenka.

​Waxaan ka qeyb galnay daah-furka iyo soo-xidhitaanka aqoon-isweydaarsi muhiim ah oo lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Aqoon-isweydaarsigan oo socday muddo shan maalmood ah, laga bilaabo 23-28 August 2025, ayaa looga gal lahaa in lagu xoojiyo doorka haweenka ee shaqaalaha dowladda lana kordhiyo tirada haweenka ee haya jagooyinka sare sida Agaasime Guud, Agaasime Waaxeed, iyo Madax Qaybeed.

​FEJTU waxay aaminsan tahay in barnaamijkan uu yahay mid ku habboon waqtigan, uuna horseedi doono horumar muuqda iyo ka qaybgal firfircoon oo haweenka Jubaland ay ku yeeshaan dhammaan heerarka maamulka dowladda.

​Waxaan rajaynaynaa in aqoon-isweydaarsigan uu noqdo mid miro dhal ah, oo lagu gaaro ujeeddooyinkii loo qabtay.

International Labour Organization

fans

The Chairperson General of the Federation of Jubaland Trade Unions (FEJTU) participated in the high-level campaign aimed...
25/08/2025

The Chairperson General of the Federation of Jubaland Trade Unions (FEJTU) participated in the high-level campaign aimed at Increasing Female staff recruited at Director General, Director of Department, and Head of Section positions. This important initiative represents a milestone in advancing gender equality, inclusivity, and fair representation across public institutions.

The campaign, held in Kismayo and organized by the Ministry of Labour and Social Affairs in collaboration with the Civil Service Commission of Jubbaland, with support from the World Bank, brought together leaders and stakeholders to discuss ways of enhancing women’s participation in senior leadership. It emphasized the critical role of female professionals in shaping governance and strengthening institutions.

In his remarks, the Chairperson General of FEJTU reaffirmed the federation’s strong commitment to empowering women in the workplace. He stressed that prosperity and sustainable progress can only be achieved when women are given equal opportunities to serve in decision-making roles, thereby ensuring balance, inclusivity, and effectiveness in leadership.

FEJTU continues to advocate for policies and programs that support fairness, meritocracy, and inclusivity. By encouraging women to take on senior leadership positions, FEJTU believes that stronger institutions and a more just society will emerge, inspiring future generations to pursue leadership without barriers.

°°°°°°°°°°°°°°°°°End°°°°°°°°°°°°°°°°

Head of Communication and awareness.
Email: [email protected]
Tell: +254614224006

Address

K2
Kismayo

Telephone

+252614097925

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Federation of Jubaland Trade Unions-FEJTU. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Federation of Jubaland Trade Unions-FEJTU.:

Share

Category