Jubbaland youth league JYL-Kismayo

Jubbaland youth league JYL-Kismayo about the youth

BAAQA DIGNIINTA DEG-DEGT AH EE EL-NIÑOUrurka Dhalinyarada Jubbaland (Jubbaland Youth League - JYL)Kuna Socota: Dhammaan ...
01/10/2026

BAAQA DIGNIINTA DEG-DEGT AH EE EL-NIÑO
Ururka Dhalinyarada Jubbaland (Jubbaland Youth League - JYL)
Kuna Socota: Dhammaan Bulshada Reer Jubbaland (Gaar ahaan Dadka Dega Agagaarka Webiyada Jubba iyo Deegaannada Hoose)
DIGNIIN: LOOGU TALAGALAY DHAMMAAN SHACABKA JUBBALAND
Ururka Dhalinyarada Jubbaland (JYL) wuxuu baaq digniin deg-deg ah u dirayaa dhammaan bulshada ku dhaqan deegaannada Jubbaland, gaar ahaan dadka ku nool meelaha u dhow webiga Jubba, deegaannada hoose, iyo kaamamka dadka soo barakacay, ka dib marka ay soo bateen baaqyada roobabka waaweyn ka dhashay El-Niño.
KHATARTA LA SADAALINAYO:
* Daadadka iyo Fatahaadaha: Waxaa la filayaa roobab ka xoog badan kuwa caadiga ah oo keeni kara Fatahaad Webiga Jubba ah.
* Go'itaan Waddooyinka: Waddooyinka ku xira magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinka ayaa laga yaabaa inay go'aan, taas oo adkeyneysa isku socodka iyo gaarsiinta gargaarka.
* Cudurrada Faafa : Fatahaadaha iyo biyaha fadhiista waxay keeni karaan cudurrada biyaha ka dhasha sida Shuban-biyoodka Xoogga leh iyo Duumada (Malaria).
TALLOOYIN MUHIIM AH OO DHALINYARADA JYL SOO JEEDINAYAAN:
* U Guura Meelaha Sareeysa: Dadka degan dhabaha webiga iyo dhulka hooseyso waa inay isla markiiba isu diyaariyaan u guuridda dhulka sareeya.
* Amniga Raashinka iyo Biyaha: Keydso biyaha nadiifka ah, raashinka aan dhakhso u xumaaneyn, iyo dawooyinka aasaasiga ah.
* Badbaadi: Ka fogaada goobaha biyaha badan fadhiyaan iyo meelaha ay ku go'an yihiin xadadka korontada ama webiga fatahay.
* Isku-duubni iyo Garab-staag: Dhalinyarada deegaanka waxaa la farayaa inay u diyaar-garoobaan caawinta waayeelka, carruurta, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Tariikhda: Oktoobar 2026
Jubbaland Youth League (JYL)

04/06/2026

# BAAQ NABADEED
KA: Ururka Dhalinyarada Jubbaland Youth League (JYL)
KU: Dhamaan Dhinacyada ku Dagaalamaya Magaalada Muqdisho
Horta, naxdin iyo calool-xumo weyn bay dhalinyarada Jubbaland iyo soomaaliya u tahay in maanta oo la filayay horumar iyo nabad, ay magaaladii caasimadda ahayd ee Muqdisho dib uga soo cusboonaadaan dagaallo sokeeye iyo barakac cusub.
Guddoomiyaha Ururka Jubbaland Youth League iyo dhammaan xubnaha dallada oo isku duuban, waxay baaqan nabadeed u dirayaan walaalaha ku dhiig-baxaya Caasimadda:
* Joojinta Dagaalka Shuruud la'aan: Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa in la joojiyo xabadda, la damiyo colaadda, dhiigga dambe ee ku daadanaya caasimaddana la badbaadiyo.
*Wada-hadal iyo Tanaasul: Qori dambe iyo xabbadi xal ma keenayso. Waxaan leenahay miiska wada-hadalka ha la isugu yimaado, tanaasulna ha loo muujiyo danta guud iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Badbaadinta Shacabka: Shacabka reer Muqdisho ma mudna in markale la barakiciyo, hantidooda la gubo, dhalinyaradoodana loo dilo dagaal aan micno lahayn. Waa in la ixtiraamaa nolosha iyo amniga rayidka.
>Farriinta Guddoomiyaha JYL:
> "Caasimadda dalku waa muraayaddii qaranka iyo mustaqbalkii dhalinyarada Soomaaliyeed. Qoriga hoos ha loo dhigo, caqligana ha la kaashado. Nabadda Muqdisho waa nabadda Soomaaliya oo dhan."
Waxaan Ilaah uga baryaynaa in dalkeenna iyo dadkeennaba uu dhibka ka dulqaado, quluubta walaalahana isu soo dhoweeyo.
Nabaddu waa Nolosha!

Qofka Soomaaliga ah ee dhallinyarada ah wiil/gabar, si uu u noqdo qof nolosha ku guuleysta, maxay tahay inuu sameeyo? Wa...
28/02/2026

Qofka Soomaaliga ah ee dhallinyarada ah wiil/gabar, si uu u noqdo qof nolosha ku guuleysta, maxay tahay inuu sameeyo? Waa maxay waxa maskaxdiisa ku soo ridaya inuu u baahanyahay guul nololeed inuu qofkaa gaaro? Muxuu yahay sawirka uu maskaxda ku heysto ee tusaya guusha? Yaa looga arkaa gudaha bulshada Soomaaliyeed inuu yahay qofka guuleystay?

Aragtidayda intaan oo su’aalood , waxaan ku koobaya jawaabahooda; si jiil dhallinyaro ah ay u noqdaan kuwa gaara guul nololeed, waxay u baahanyihiin anshax iyo caadooyin hagaya , guul laguma helo si kedis ah, lamana dhaxlo. Waxaa la gaaraa marka ay jirto jid la maro, iyo dad kaa horreeyay oo raad toosan ka tegay oo aad kaga dayan karto oo si fudud u noqonaysa maahmaahda Soomaaliyeed ee tiraahda; Ratiga dambe ratiga h**e saan-qaadkiisa ayuu leeyahay! Xilliyada qofka uu naftiisa la hadlayo oo go’aamo nololeed gaarayo , waa marka uu u baahanyahay wax dhiirrigelinaya iyo wax uu tusaale u adeegsado.

Bulshada Soomaaliyeed , waxay la dhibtoonayaan caadooyin iyo hab dhaqan nololeed oo ku hagaya xaalad burbur ah. Qofka Soomaaliga ah wuxuu doonayaa nolosha inay si iskiid ah u dhisanto , si fudud oo waddooyin laga boodey leh in lagu dhiso, qof kasta wuxuu dhexda uga jira riyo nololeed, laakin waa kuwa yar inta wax sax ah u qabanaysa si ay nolosha si sax ah ugu dhisaan, inta badan waxaan hiigsanayna nolosha inay si hadyad ah wax walba ku hesho, mana dooneyno si dabiici ah oo dadaal, hal-abuur iyo howl leh inaan nolosha ku dhisno.

Labo arrinba waa xaalad ay tahay in deg deg loo suuliyaa, middi waa nolosha iyada dhan musuqa lagu dhisayo, cidda la hiigsado ee guusha nolosha inay gaareen bulshadeena ay u arkaan, waa kuwa dhaca hantida dadweyne, mid awood dawladeed ay dhaceen ama hab kale oo naxariis darro ah ha umaraan e, tan labaad waa inaysan jirin wax mas’uuliyad iyo qiyam ah; qofkeen ma doonayo ficilkiisa inuu noqdo mid dan guud looga faa’iideysto, nolosheenna waa mid han gaaban oo qabyaalad , bahdil iyo mustaqbalkeeda loo daba fadhistay inta burburinaya karaamadeena.

Bulshada Soomaaliyeed, maanta waxay u baahanyihiin jiil waxgal ah oo maskaxda ka fakarta ee aan caloosha u fakarin, jiil wax u qabanaya si qiyam nololeed uu u dhiso, jiil diyaar u ah inay dhisaan wacyigooda, aqoontooda iyo aragtidooda. Ilaahay marka uu ina soo saarayay wuxuu inoo caddeeyay waddada loo qaado nolosha qiyamka leh oo si kooban u ah , waa in jidka khaldan laga leexdo oo aaminaad rabbi lagu dhisaa nolosha. Tan u dambeysa ummad ahaan waxaana u baahanay nafteena inaan ka saarno xaaladan qalafsan oo mid wadaniyad iyo aragtida qomiyadeed leh aan ka dhigno. Eeg 40-kii sanno ee u dambeysay ma jiro cid god gashay iyadoo xasuus qarameed ka tagtay, hadana ciddi meel kale inoogama imaan doonto haddii aanan iska leexin cid kasta oo aan lahayn wax looga daydo ee waddada saxan inagu haga, mustaqbal waarana ku hoggaamiya bulshada.

Ramaadan wanaagsan. Ilaahay tubta toosan ha inagu hago.

Ururka Dhalinyarada ah ee jubbaland youth league JYL wuxuu utaaganyahay Sare uqaadida Aqoonta Da' yarta Soo koreysa.
02/02/2026

Ururka Dhalinyarada ah ee jubbaland youth league JYL wuxuu utaaganyahay Sare uqaadida Aqoonta Da' yarta Soo koreysa.

09/12/2025

Early Warning Alert on Drought in Somalia (Issued: 8 December 2025)

Somalia is experiencing a rapidly worsening drought, with severe to extreme drought conditions nationwide following the failed October to December 2025 Deyr rains.
• Water sources are depleting, and livelihoods are collapsing as crop harvests fail, livestock weaken and die, and population displacements rise, and the January to March 2026 dry Jilaal season is expected to worsen impact.
• The worsening drought is expected to trigger widespread population displacementEarly Warning Alert on Drought in Somalia (Issued: 8 December 2025), hunger and malnutrition unless urgent and timely actions are taken.

Address

Aargo
Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jubbaland youth league JYL-Kismayo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share