24/08/2025
WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: 28/8/2025
Xilka Qaadis iyo Isku Shaandheyn ka dhacday Hoggaanka Dhalinyarada Daa’uud
Guddoomiyaha Dhalinyarada Daa’uud, Mudane Saciid Muxudiin Afrax , ayaa maanta ku dhawaaqay xilka qaadis iyo isku shaandheyn cusub oo ka dhacday hoggaanka sare ee dhalinyarada.
Go’aanka ayaa lagu sheegay in xilkii Xoghayaha Guud ee Dhalinyarada Daa’uud laga qaaday Marwo Zamzam Maxamed Axmed, iyadoo xilkaas lagu beddelay Marwo Aamino Xasan Axmed.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in isbeddelkan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu dar-dargelinayo howlaha dhalinyarada, isla markaana lagu xoojinayo hufnaanta iyo wada-shaqeynta guddoomiyaha iyo xubnaha hoggaanka kale.
“Waxaan hubaa in Marwo Aamino Xasan Axmed ay si hufan ugu adeegto dhalinyarada Daa’uud, isla markaana ay ku soo kordhin doonto karti iyo hufnaan cusub,” ayuu yiri Mudane Saciid Muxudiin Afrax.
Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Marwo Zamzam Maxamed Axmed shaqadii iyo waqtiyadii ay ku bixisay gudashada xilka, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar mustaqbalka.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Dhalinyarada Daa’uud