Kaabe & Kulan

Kaabe & Kulan Qarnigaad ku nooshay
Hadii aad qamarkiyo
Qoraxdiisa noqon karin
Tariikhad lagu qoray
Qof ka muuqda Noqo
Qor………team kaab iyo kulan

Waa malin kale iyo kal kale  iyo baramaamij kle
27/08/2025

Waa malin kale iyo kal kale iyo baramaamij kle

27/08/2025
26/08/2025

Warbaahinta ay leedahay dawladda Qatar ee Al-jazeera ayaa maqaal dheer ka qortay arrimaha Aqoonsiga Somaliland gaar ahaanna in uu Trump ku hawlan yahay sidii uu ugu dhawaaqi lahaa aqoonsi iyo iskaashi uu Maraykanku la yeesho Somaliland.

Warbixinta waxa lagu sheegay in markii ugu horraysay taariikhda uu Madaxweyne Maraykan soo hadal qaaday aqoonsi la siiyo Somaliland taas oo ahayd mid aan dhicin 34-kii sano ee la soo dhaafay. Al-jazeera waxa ay xustay in Maraykanku uu aqoonsan karo Somaliland wakhti xaadirkan isaga oo ka eegaya danihiisa gobolka Geeska Afrika oo ay fulin karto gaar ahaanna loollanka Shiinaha iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah.

Sidoo kale waxay tilmaantay in ay dawladda Soomaaliya walaac xooggan ka qabto aqoonsi la siiyo Somaliland iyada oo ku doodaysa in ay iman doonaan meelo kale oo iyaguna ku dhawaaqi doona in ay goonni isu taageen balse qodobkan ayay Jazeera sheegtay in uu yahay mid aan dhinaca Maraykanka ku weynayn marka la eego danaha uu hadda ka lee yahay Somaliland.

Warfidiyeenadda dunida ugu waaweyn sida CNN, AP, AFP, Reuters, France24, Bloomberg,Telegraph, Newyork times, Newsweek, Al- Carabiya, Al-jazeera iyo Sky news ayaa muddooyinkii dambe si weyn u faallaynayey arrimaha aqoonsiga Somaliland iyaga oo si cad u sheegay in sannadkan Somaliland ka duwan tahay sidii h**e iyada oo ay si weyn u xoogaysatay rajada laga qabo in ay markii koowaad hesho aqoonsi Caalami kaas oo ka imanaya dawladda dunida ugu saamaynta badan ee Maraykanka iyo dalal kale oo la filayo in ay dhowaan soo shaac baxaan.

Gallaydh TV

26/08/2025

✨ COMING SOON ✨
KAABE IYO KULAN

“ _Kulmiska Haldoorka iyo Bulshada”_

Waxaa soo socda barnaamij xiiso iyo qiimo badan leh oo ay soo agaasimeen Kaabe iyo Kulan. Ujeeddadiisu waa in uu isku keeno haldoor iyo bulsho si wadajir loogu falanqeeyo arrimaha muhiimka ah ee nolosha bulshada iyo horumarkeeda.

📌 Barnaamijkan wuxuu noqon doonaa:

♤Meel lagu kulmiyo aqoonta iyo waayo-aragnimada.

♤Goob aragti cusub dhalinaysa.

♤Madal lagu xoojiyo is-dhexgalka bulshada iyo haldoorada.

💡 U diyaar garooba waayo-aragnimo cusub oo maskaxda taaban doonta!

https://chat.whatsapp.com/KCSuBSnJIPE1Yw3lwAljAJ?mode=ac_t

22/08/2025
20/08/2025

Hadii aay salaad iyo ducadu noqdaan
Dhaqankag ogow guush wax noqon doontaa
Hab nolaleedkag
Supax wcn shalinyro

Address

Hargeisa
Hargeysa
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaabe & Kulan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share