Geed Beer Rejo Beer

Geed Beer Rejo Beer Our goal is to make Somaliland green again. We are a volunteering initiative aimed at planting trees throughout Somaliland. Together we can make a difference.

Geed Beer, Rejo Beer
Plant a Tree, Plant Hope

We are a non profit organisation aimed at planting trees throughout Somaliland. Our mission: Is to educate and inspire people to plant trees within Somaliland and help reduce the impact of climate change. Our vision: A greener, brighter future for Somaliland. Our values: To be open, honest and transparent. Waxan Nahay Urur Is Xilqaamay Ahmiyadisuna ta

hay Inan Geedo Ka Beerno Somaliland oo Dhan. Hadafkaygu imika waa : Inaan Wax Barno Isla Markana Tusale wacan u noqono in Dadku Beeran Geedo wadankena Somaliland iyagoo tasina ay Yareen Karto Cimilada Is Badalaysa . Hiigsigaygu:waa Dhul Caqaaran oo Somaliland mustaqbalka dhow hesho. Dabecadayduna :Wa inaan ahaano dad furfuran Daacad Iyo Aaminaad Leh . Inagoo Isku Duuban oo mida Heer Wan Gaadhi Karnaa .

Geed Beer Rejo Beer  💚 🌳  Maalinta Qaran ee Dhir Beerista JSL , 15 April 2026. Hambalyo Ciidanka Booliska JSL  , Waxa aa...
15/04/2026

Geed Beer Rejo Beer 💚 🌳 Maalinta Qaran ee Dhir Beerista JSL , 15 April 2026.

Hambalyo Ciidanka Booliska JSL , Waxa aanu aaminsanahay in door shariif ah aad ka ciyaari kartaan Cagaaran oo leh Mustaqbal ifaya. Talo iyo Tusaale la xidhiidha arimaha Dhirta diyaar baanu idiinla nahay mar kasta.

Hambalyo 🌳 💚

Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa saaka ka qaybgalay munaasibadda xuska dhir-beerista, isaga oo geedkii ugu horreeyay ka beeray Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Geed beer oo rejo beer.

15/04/2026

waxa ay idinla Wadaagaysaa Bogaadinta Munaasibada Maalinta Qaran ee Dhir Beerista JSL.

Hadii aad u baahan tahay noocyo kaladuwan oo dhir ah oo aad ka beerto Gurigaaga, Meheradaada ama Goobtaada Shaqo ka soo dalbo Dukaanka Dhirta ee

HAMBALYO 💚🌳 Geed Beer Rejo Beer 💚 🌳

Hambalyo, Xuska Munaasibadda Qaran ee Dhir Beerista JSL   . Ciidamada Qaranka ee Kaladuwan door laxaadle ayey ka qaadan ...
15/04/2026

Hambalyo, Xuska Munaasibadda Qaran ee Dhir Beerista JSL .

Ciidamada Qaranka ee Kaladuwan door laxaadle ayey ka qaadan karaan hadii si fiican loogu qorsheeyo goobaha iyo Kaymoleyda ee aynu u baahanahay in dib loo soo nooleeyo.

Geed Beer Rejo Beer 💚 🌳

22/03/2026

Geed Beer Rejo Beer 💚 🌳 🌱🌧🌧

27/02/2026
14/01/2026

Geed Beer Rejo Beer 💚 🌳

Thanks Cumaraawi 😊

13/01/2026

Waxaa sharaf noo ah inaan maanta aragno midhaha talooyinkii aanu u soo jeedinay Maamulka Degmada Berbera sannadkii 2018. Qorshihii aanu maalintaa dejinay ee ahaa in magaalada xoolaha laga saaro, dhireyntana laga bilaabo goobaha dadwaynaha (Xafiisyadda Dawlada, Dugsiyada Waxbarashada, Masaajidda iyo goobaha Caafimaadka), wuxuu maanta horseeday bilic, qurux iyo hadh lagu raaxaysto.

2018 kii Waxaanu Maayarka la wadaagnay qorshe cad oo si dhab ah u taabanaya caqabadaha Dhirta Magaalada haysta iyo talaabooyinka ay tahay in la qaado oo ay markaa laf-dhabar u ahayd in Xoolaha Magaalada laga saaro!

Laga soo bilaabo maalintaa ilaa Maanta oo aynu joogno waxaa si guul ah u socda fulinta iyo ka dhabeynta aragtidaasi.

Waxaanu hambalyeynaynaa Shacabka reer Berbera ee garowsaday muhiimada ay dhirtu u leedahay Magaalada; - Reer Berbera ha ogaadaan in barnaamijka Geed Beer ay iyagu iska leeyihiin.

Waxa aanu halkan ka cadeynaynaa in aanu mar walba diyaar u nahay in aanu door muhiim ah ka ciyaarno dejinta istaraatiijyada lagu dhireynayo magaalooyinka kale ee dalka, si aynu u gaadhno yoolkeenna ah: Somaliland oo mar kale cagaara.

🌳💚

Maayir Abdi Shakur  Shaqada dhirbeerista Degmada Berbera wuxuu ugu hagar baxay sidii ay ahayd!. Waxa aanu uga mahadnaqay...
04/01/2026

Maayir Abdi Shakur Shaqada dhirbeerista Degmada Berbera wuxuu ugu hagar baxay sidii ay ahayd!. Waxa aanu uga mahadnaqaynaa Maareynta Xoolaha iyo Joogteynta Beerista Dhirta ee Sanad walba la sii wado beerista. Tani waxa ay wax way ka tari doonaa cimilada iyo bilicda magaalada.

Berbera iyo dadkeeda waxa ay tusaale nool u noqonayaan Magaalooyinka Dalkeena oo dhan.

Hambalyo

💚🌳✅️

Saaka 6:00am subaxnimo ayaa deegaankan oo codka shinbiraha iyo neecawda dhirta ay dabayshu ku dhufanayso ku warsaday Gudoomiyaha Degmada Berbera Duqa(Mayor) Cabdishakuur Cidin.

Documentary ka Hadlaya dhirta iyo cimiladda Berbera.

Address

Hargeysa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Geed Beer Rejo Beer posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Geed Beer Rejo Beer:

Share