03/08/2026
๐๐๐ญโ๐ฌ ๐๐ฅ๐๐ง๐ญ ๐๐จ๐ฉ๐ โ ๐๐๐ฃ๐จ ๐๐๐๐ซ ๐ฑ
Iyadoo dunidu weli ka doodayso yoolalka cimilada iyo sidii loo xoojin lahaa la qabsiga isbeddelka cimilada, dalalka qaar ayaa ficil ku muujinaya masuuliyadda deegaanka.
Maanta waxay samaynaysaa mid ka mid ah abaabulada ugu waaweyn ee dhir-b**rista caalamka, iyadoo malaayiin muwaadiniinteeda ahi ay hal maalin gudaheed b**rayaan ๐๐๐ ๐๐จ๐ช๐จ๐ฅ ๐จ๐จ ๐ฆ๐ข๐ฅ๐ฒ๐๐ง ๐จ๐จ ๐ ๐๐๐. Tani ma aha oo keliya olole dhir-b**ris ah, balse waa qorshe qaran oo la xidhiidha soo celinta dhulka, adkaysiga cimilada iyo sugidda amniga cuntada.
Itoobiya waxay tusaale u tahay sida Afrika ay u hoggaamin karto mustaqbalkeeda cimilada.๐๐๐ฅ๐ค๐ฎ-๐๐ก๐๐ ๐ ๐ ๐ฌ๐๐ง๐๐๐ค๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐ฒ ๐๐ญ๐จ๐จ๐๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐ฌ๐๐ง๐๐๐ค๐๐ง ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฅ๐๐ญ๐๐ฒ โ๐๐๐ฃ๐จ ๐๐๐๐ซโ (๐๐ฅ๐๐ง๐ญ ๐๐จ๐ฉ๐) wuxuu xambaarsan yahay fariin ah in geed b**ristu aysan ahayn oo keliya tallaabo deegaanka lagu ilaalinayo, balse ay tahay maalgelin mustaqbalka, adkaysiga cimilada, iyo nolosha jiilasha soo socda.
๐๐ก๐๐ง๐ค๐ ๐ค๐๐ฅ๐, ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ oo ka mid ah dhulka ugu nugul xaalufka iyo in uu noqdo lama deegaan, waxay u baahan tahay in si dhab ah dib loogu eego xaaladda deegaanka. Iyadoo maalin kasta ay dhacdo jarista dhirta iyo hoos u dhaca tayadda deegaanku, weli ma muuqato qorshe qaran oo dhir-b**ris iyo soo celinta deegaanka ah oo si joogto ah,isla markaana cilmi ku dhisan loo abaabulay. Dhir b**ristu ma aha in ay noqoto munaasabad sannadkii hal mar la qabto oo keliya; waa in ay noqotaa siyaasadda qaranka oo mudnaan leh, oo leh qorshe, miisaaniyad, hayโad isku dubbaridda iyo la xisaabtan joogto ah.
Sida Raโiisul Wasaaraha Itoobiya uu barnaamijka Green Legacy uga dhigay mid hoos yimaada xafiiskiisa Madaxtooyadda si loo hubiyo hoggaaminta iyo isku-xidhnaan qaran, Somaliland waxay u baahan tahay in arrinta dhir-b**rista iyo soo nooleynta deegaanka la siiyo ahmiyad gaar ah.
Waxa kale oo muhiim ah in si cilmiyeed loo qiimeeyo heerka xaalufka deegaanka ee dalkeenna marayo, si loo fahmo khasaaraha jira, loona sameeyo qorshe wax-ku-ool ah oo lagu badbaadinayo dhirta, daaqa iyo nidaamka wada-oolka deegaanka.
**r