31/07/2025
Nasriin waxa ku dhacay oo loo cabudhiyay ayaa ah innay gabadh tahay ; marka waxkasta oo kale laga yimaado oo qabyaalad iyo musuq wadanka ka jirra.
Maaha uun innay tan nasriin un ku dhacday ee wa caqabad haysata gabadh-kasta oo han leh ,doonaysana innay hiigsato xilalka noocana.
Hogaan un maaha ee goobaha shaqada ee caadiga marka wiil iyo gabadh ay isku shaqo iyo role yihiin waxaa ahmiyada la siiyaa wiilka ,tiiyoo loo arkayo in ayna gabadhu awaad u lahayn in ay si guul ah u qabto role ka ay ku leedahy shaqada. Sida saxdaa tan cagsigeeda gabdhaha ayaa ka shaqo hufan ragga oo ka daacadsan marka shaqo la qabanayo; ee tan kaliya waxay noqotay wax dhaqan ah oo ay dad badani u adeegsadan innay diin tahay!!
Caqabdo badan ayaa hor yaala gabadh kasta oo shaqaysa ama rabta innay wax ka badasho bulsho rag iyo dumarba aaminsan in aanay gabadh waxba qabsan karin.