Alibaashe

Alibaashe Run ka Hadal Beenta ka fogoow

Muwaadinka reer Somaliland oo looga digay in uu ka tago kaadhkiisa aqoonsiga ,fadlan muwaadin ku safar adoo sita kaadhka...
10/01/2026

Muwaadinka reer Somaliland oo looga digay in uu ka tago kaadhkiisa aqoonsiga ,fadlan muwaadin ku safar adoo sita kaadhka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland

Sugaay Jawaabta Imaaraadka Carabta.Soomaaliya ayaa sheegtay in ay mamnuucday in ay Hawadeeda soo galaan Diyaaradaha Daga...
10/01/2026

Sugaay Jawaabta Imaaraadka Carabta.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay mamnuucday in ay Hawadeeda soo galaan Diyaaradaha Dagaalka iyo Xamuulka Qaada Dawladda Imaaraadka Carabta oo Marka Ay siyaasad noqoto hormuud u ah Dalalka Carabta.

Waxa ay dawladda Soomaaliya ka cadhootay Sida ay jiibta iyo Jaanta isula heleen Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Somaliland Dalkii ugu horeeyay Aqoonsaday.

talaabadan ayaa ah mid aan marnaba u cuntami doonin Dawladda Imaaraadka Carabta oo ay dhinaca kalena col la ah Dalka Jabuuti.

Waxa halkaasi ka soo dhawaanaysa in Imaaraadka Carabtu uu Saaxiibtinimada Somaliland ugu Abaal Gudo aqoonsi, maadaama ay Baryahanba hadal hayntu taagnayd, si ay u hesho xulafo Cusub oo bogcad wanaagsan ka degan Gobolka Geeska Afrika.

Waa Suurtogal in ay Imaaraadka Carabta oo rogaal celis ahi ay arrintaasi kaga dhabeeeyaan dhawaan si ay Xukuumadda Somaliland oo ay baryahan seetadu ugu duuban tahay ay u xaqiiqsato In Somaliland ay heshay mid ka mid ah Dalalka Islaamka hadda hormuudka u ah.

03/01/2026

Trump, ayaa u sheegay Fox News inuu si toos ah gurigiisa raaxada ee Mar-a-Lago uga daawanayay howlgalkii lagu qabtay madaxweynaha Venezuela,Nicolas Maduro, isagoo intaa ku daray ;”Waxaan dareemayay sidii inaan daawanayo barnaamij telefishin.”

03/01/2026

Wafti Culus oo u hogaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka JSL Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa safar shaqo ugu baxay Gobolada Galbeedka SL.

India Oo Safka Dalalka Aqoonsanaya Somaliland Soo Gashay!Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Dalka India uu kaalmaha H...
29/12/2025

India Oo Safka Dalalka Aqoonsanaya Somaliland Soo Gashay!

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Dalka India uu kaalmaha H**e kaga jiro Wadamada ku dhawaaqaya Aqoonsiga Somaliland.

India in dhaweyd Waxa ay si dhaw ula
Socotay Arrimaha Gobolka Geeska Afrika, Waxaana Raysal Wasaaraha Dalkaasi uu dhawaan Yimid Itoobiya Oo Deris la ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Si Kastaba ha ahaatee Wararka sheegaya in ay ay India oo kaalinta Labaad kaga jirto Wadamada Aqoonsanaya Somaliland ayaa caawa sii xoogaystay.

India Iyo Pakistan meel ma wada Mari karaan, maadaama ay Pakistan Cambaaraysay Aqoonsiga Somaliland ay heshay India ayaa iyana Dariiqa israaliyiinta oo ay saaxiibo dhaw yihiin in ay maraan laga sugayaa.

“Waxa uu yidhi Madaxweynuhu Waan Kibir Jabinayaa, taas Waxa aanu ka diidnay Madaxweyne Badhaadhe Ilaa Saylac Xukuma,  oo...
28/12/2025

“Waxa uu yidhi Madaxweynuhu Waan Kibir Jabinayaa, taas Waxa aanu ka diidnay Madaxweyne Badhaadhe Ilaa Saylac Xukuma, oo Boqolaal Diyaaradood iyo Ciidamo haysata,Saa Waaba Nin Jid Keliya Mara oo Kaas Dekeda Mara”Xildhibaan Dubbe

Madaxweynihii H**e ee Somaliland ayaa Gurigiisa ku soo dhaweeyay Golaha Deegaanka ee Caasimadda oo Uu Hogaaminayo Duqa C...
28/12/2025

Madaxweynihii H**e ee Somaliland ayaa Gurigiisa ku soo dhaweeyay Golaha Deegaanka ee Caasimadda oo Uu Hogaaminayo Duqa Caasimaddu Iyo Xildhibaan Naasir Yuusuf Qodax oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa Gurigiisa si gaar ah ugu casuumay Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax.
28/12/2025

Madaxweyne Cirro ayaa Gurigiisa si gaar ah ugu casuumay Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax.

Xafiiska Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Maraykanka, ayaa si mug leh  ugu mahadceliyay Dawladda Israa’iil tallaabad...
27/12/2025

Xafiiska Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Maraykanka, ayaa si mug leh ugu mahadceliyay Dawladda Israa’iil tallaabada ay ku aqoonsatay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna waxa Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Maraykanku ku sheegay dhambaal ay soo saaray oo lagu sharraxay in ictiraafkani aanu ka turjumayn keliya qiyamka dimuqraaddiyadeed ee ay wadaagaan labada dal,hase ahaatee uu iftiiminayo doorka istaraatijiyaddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaadanayso xasiloonida iyo ammaanka Geeska Afrika.

"Muddo ka badan 30 sannadood, Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd dawlad dimuqraadi ah oo leh maamul taabogal ah, isla markaana noqotay tiir xasilloon oo ka dhex muuqda gobolka," ayaa lagu yidhi qoraalka Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Maraykanka.

Warku wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay si joogto ah u hirgelisay doorashooyin xor ah oo hal qof iyo hal cod ah, iyadoo awooda la iskugu wareejiyo hab nabdoon oo ka duwan gobolka.

Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Maraykanku wuxuu muujiyay u diyaar garowga Jamhuuriyadda Somaliland ee ku wajahan dhisida iskaashi istaraatiiji ah oo ay la yeellato Dawladda Israa’iil, kaas oo diiradda saaraya wada-shaqayn amni, ganacsi, maalgashi, iyo horumar dhaqaale oo waara.

Amniga Caasimadda Hargeysa oo la xoojiyey Ictiraafkii kadib iyo Ciidanka Booliska JSL oo door muuqda ka qaadanaya.Ciidan...
27/12/2025

Amniga Caasimadda Hargeysa oo la xoojiyey Ictiraafkii kadib iyo Ciidanka Booliska JSL oo door muuqda ka qaadanaya.

Ciidanka Booliska oo ku jira heegan iyo feejignaan dheeraad ah ayaa si dhow isha ugu haya goobaha ay dad weynuhu isugu yimaaddaan iyo guud ahaan shaaricyada caasimadda kuwaasi oo ay kala socdaan qalab casri ah iyo Kamaraddaha wax duuba ee CCTV Camera.

Shacabka hargeysa ayaa sidoo kale la faray in ay laamaha amniga soo war galiyaan haddii ay la kulmaan wax nabadda iyo xasiloonida dalka wax u dhimaya.

Hooyo xalaal miirad ah oo ku faraxsan rajada wacan iyo jidka uu qaaday Qarankeedu.📸Future Brothers
27/12/2025

Hooyo xalaal miirad ah oo ku faraxsan rajada wacan iyo jidka uu qaaday Qarankeedu.

📸Future Brothers

“Ictiraafka dartii anigu meherkayga bilaash ayaan ka dhigi doonaa” Hargeysa iyo Farxada Aqoonsiga
27/12/2025

“Ictiraafka dartii anigu meherkayga bilaash ayaan ka dhigi doonaa” Hargeysa iyo Farxada Aqoonsiga

Address

GABILEY
Hargeisa
00252

Telephone

+252634463139

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Alibaashe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share