29/07/2026
Dood-wadaaggii ay xalay qabatay Dallada NAFIS waxaa lagu falanqeeyey caqabadaha hortaagan joojinta Gudniinka Hablaha (FGM/C) iyo Tacadiyada Ku Salaysan Jinsiga (GBV), iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo iskaashiga, kor loogu qaadayo wacyigelinta bulshada, isla markaana lagu xoojinayo ilaalinta haweenka iyo gabdhaha.
Ka qaybgalayaashu waxay sidoo kale ugu baaqeen Baarlamaanka Somaliland, hay'adaha dowladda iyo dhammaan daneeyayaasha ay khusayso inay dardargeliyaan ansixinta xeerka lagu joojinayo Gudniinka Hablaha, si loo xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo gabdhaha.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan martidii sharafta lahayd, panelists-kii, ururrada haweenka, wakiilladii dhallinyarada, iyo dhammaan ka qaybgalayaashii doodda oo aragtiyahooda iyo talooyinkooda qiimaha leh ku biiriyey doodda.
Muuqaalka oo dhamaystiran ee dood-wadaagga waxaan idinla wadaagi doonnaa dhawaan.