Somaliland Kidney Association

Somaliland Kidney Association 🔹 Ururka Dadka Kalyaha Loosifeeyo Ee SOMALILAND

Somaliland Kidney Dialysis Association waa codka bukaannada kelyaha ee aan cidina u hadlin.

Markii codkayagu aamusey, annaga ayaa isu tashanay si naloo maqlo, naloo arko, naloo garab istaago.

04/01/2026
Wacyi galin cafimad
04/01/2026

Wacyi galin cafimad

📢 Codka Dadka kalyaha loosifeeyo (Dialysis)Somaliland Kidney Dialysis Association waa urur ay aasaaseen bukaannada kelya...
01/01/2026

📢 Codka Dadka kalyaha loosifeeyo (Dialysis)

Somaliland Kidney Dialysis Association waa urur ay aasaaseen bukaannada kelyaha laftoodu. Waxaan nahay dadka keliya ee xanuunkooda la nool, balse codkooda aan la maqal. Ma jirto cid si joogto ah noogu hadasha, dhibaatooyinkeenna u gudbisa bulshada iyo dawladaba.

Waxaan la nool nahay cudur noloshaydu ay ku tiirsantahay mishiin. Mishiin baa naga keena kaadiida, haddana marar badan ma helno wakhti nagu filan. Dawo joogto ah ma helno, daryeel dhammeystiranna ma helno. Maalin kasta bukaan cusub ayaa nagu soo biiraya, halka qaar kalena ay udhintaan wacyigelin la’aan baahsan iyo dareen la’aan bulsho.

Waxaan la hadalnaa bulshada, balse jawaab k**a helno. Waxaan eegnaa haldoorka bulshada abwaanada, qoraayaasha, aqoonyahanka, dhakhaatiirta, iyo saxafadda, haddana codkayagu magaadhayo halka aanu rabanay . Dawladuna si dhab ah ugama howl gasho xaaladda adag ee bukaannada kelyaha ku sugaanyhiin.

Ururkan waxaan u samaysanay:
• In codkeenna kor loo qaado.
• In dhibaatooyinkeenna la maqlo lana arko.
• In bulshadeennu garab nagu istaagto.
• In dawladdu mas’uuliyad iska saarto.
• Inaan helno deegaan aan ku noolaan karno oo nafteennu ku badbaado.

Waxaan nahay dadka ugu nugul bulshada. Xanuunkayagu nama sugo, waqtina ma sugo. Caqabadaha na hor yaalla ee dhaqaale, daawo la’aan, qalab la’aan, iyo daryeel la’aan, dhammaantood waxay si toos ah u saameeyaan nolol maalmeedkeenna.

Annagu ma nihin urur ka hadlaya bukaannada kelyaha.
Annaga ayaa bukaannadii ah.
Waxaan codsanaynaa hal shay oo keliya: in naloo maqlo, lana nala garab istaago.

Alla mahad leh

26/12/2025
28/08/2025

Xanuunka kelyaha waa dhibaato sii kordhaysa oo bulshada ku baahsan, gaar ahaan dadka qaba sonkorow iyo dhiigkarka. Wacyigelin, ka hortag iyo baaritaan h**e ayaa ah habka ugu fiican ee lagu yareyn karo xaaladahaas.

06/05/2024

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland Kidney Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share