02/05/2026
Halgan iyo hal adayg ayaynu kaga soo gudubnay duruufo badan mujaahidad Sahra halgan Alle hala abaaliyo siday qaranka Somaliland 40 sano oo naf hur ah oo ilaa imika sii socda ay ugu hurtay wasaaraduna ku mahadsanid xuska dadkeena mudan in la qiimeeyo
Fannaanadda caanka ah ee Mujaahid Sahra Halgan oo ku sugan shirkii lagaga dhawaaqayey dib ula soo noqoshada qarannimada Somaliland 18 may 1991-kii. Sahra ayaa kamid ahayd fannaaniinta ka qaadayay heesaha halganka ee dalka.
35 sanno kaddib maanta weli waxa ay kamid tahay fannaaniinta qaranka ku difaaca hibadooda faneed.
Wasaaradda Warfaafintu waxa ay maalin walba idiin soo gudbin doontaa sawir qof saameyn ku leh Somaliland oo shirka joogay, xuquuqda sawirradu waxa ay u dhowrsan tahay Wasaaradda Warfaafinta
Sawirrada waxa qaaday suxufi sarre Xasan Shukri.