14/08/2023
Magaca buuga: Zero To One.
Waa dhigane ku saabsan bilaabida ganacsi iyo sida loo dhiso mustaqbalka.
Zero To One: Waa qoraal ku saabsan bilaabida ganacsi, ama sida loo dhiso mustaqbalka waa buug 2014 uu qoray ganacsade Maraykan ah iyo maalgaliyaha Peter Thiel oo ay wada qoreen Blake Masters. Buuggu waa ururinta fikradaha Thiel ee ku saabsan hal-abuurka ganacsiga iyo ikhtiraaca. Thiel waxa uu ku dooday in habka ugu wanaagsan ee lagu abuuri karo shay qiimo leh (value) ay tahay in la dhiso wax cusub (ka tag 0 ilaa 1), halkii aad ka "ka dheegan lahayd oo aad horumarin lahayd" (ka gudub 1 ilaa n). Waxa kale oo uu ku dooday in tartanka uu yahay mid xad dhaaf ah (dad tiro badan ku tartamayaan), isla markaana ay tahay in ganacsatadu ay xoogga saaraan siday u heli lahaayen Monopoly “oo ah shay keligii u xidhan iibintiisa ama soo dejintiisa”.
Buuggu wuxuu u qaybsan yahay saddex qaybood:
Qaybta I: Bilowga Adduunka (The Startup Worldview)
Qaybta II: Eber ilaa Hal (Zero to One)
Qaybta III: Tartanka (Competition)
Qaybta I, Thiel waxa uu kaga hadlay muhiimada ay u leedahay in aad naftaadu u fikirto inay wax cusub ikhtiraacdo ama abuurto. Waxa uu ku dooday in dunidu ay ka buuxaan "dheegtayaal" kuwaas oo aad u xiiseynaya inay lacag sameeyaan halkii ay ka samayn lahaayeen shay qiimo leh. Waxa kale oo uu ku dooday in sida ugu wanaagsan ee guusha lagu gaadhi karo ay tahay in aad samayso waxa aanay inta badan bulshadu sameyn ama aanay cid kaleba h**e isugu dayin.
Qeybta II, Thiel wuxuu ka hadlayaa habka "ka kacdo 0 ilaa 1." Waxa uu ku dooday in ay muhiim tahay in xoogga la saaro sidii loo abuuri lahaa wax cusub oo gaar ah, halkii laga dheegan lahaa oo lagana horumarin lahaa wixii h**e u jiray. Waxa uu sidoo kale ku doodayaa in ganacsatadu ay diiradda saaraan abuurista monopolies, halkii ay la tartami lahaayeen shirkadaha kale.
Qeybta III, Thiel wuxuu ka hadlayaa muhiimada tartanka ganacsi. Waxa uu ku dooday in tartanka inta badan la badiyo ama xad-dhaafka ahi uu dhab ahaantii cabudhin karo hal-abuurka. Waxa kale oo uu ku doodayaa in ganacsatadu ay xoogga saaraan abuurista "monopoly" si loo gaaro guulo.
Zero to One waxa buugan dadka qaar ku ammaaneen aragtidooda ku aaddan hal-abuurka ganacsiga (entrepreneurship) iyo ikhtiraaca (innovation). Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay aragtideeda aan munaasibka iyo waaqiciga toona ahayn. Guud ahaan, buuggu waa mid fikir-kicin/fikir-carin iyo muran badan leh, oo bixinaya aragti gaar ah oo ku saabsan adduunka bilowga ganacsi iyo hal-abuurka cusub.
Waa kuwan qaar ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee buugga laga qaadan karo:
• Habka ugu wanaagsan ee lagu abuuri karo shay qiimo leh waa "in la dhiso wax cusub" (ka bilow 0 ilaa 1), halkii aad ka "dheegan lahayd oo hagaajin/horumarin lahayd" (ka tag 1 ilaa n).
• Tartanku aad buu u badan yahay. Ganacsatadu waa inay diiradda saaraan abuurista monopolies, halkii ay la tartami lahaayeen shirkadaha kale.
• Xirfadda ugu muhiimsan ee hal-abuuruhu waa awoodda fikir ee uu leeyahay.
• Waa inaad xoogga saartaa abuurista/ikhritaacida shay gaar ah oo qiimo leh, halkii aad wax ka dheegan lahayd si fudud.
• Waa inaad diyaar u noqotaa inaad halis gasho amaba aad qaadato wado khatar ah oo aad ku guul dareysato. Guuldarradu waa qayb lagama maarmaan ah oo ka mid ah safarka ganacsiga.
• Waa in aad u heellan tahay fikraddaada oo aad diyaar u tahay inaad si adag u shaqeyso si aad ugu guulaysato ama uga midho-dhaliso.
Haddii aad xiisaynayso hal-abuurka ganacsiga iyo hal-abuurka/ikhtiraaca, markaa waxaan ku talinayaa inaad akhrido Zero to One. Waa buug fakar badan iyo muran badan oo bixiya aragtiyo gaar ah oo ku saabsan aasaasida ganacsi iyo hal-abuurka/ikhriraaca.
Koobidii iyo turjumudii Ridwan Du'alleh