Ururka Dhallinyarada ee Cafaariigsi

Ururka Dhallinyarada ee Cafaariigsi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka Dhallinyarada ee Cafaariigsi, Non-Governmental Organization (NGO), Pepsi Area agagaarka Jaamacada Hargaysa, Hargeisa.

From all of us at  , we extend our warmest wishes this May 1st to every dedicated worker in the humanitarian sector.We d...
01/05/2025

From all of us at , we extend our warmest wishes this May 1st to every dedicated worker in the humanitarian sector.

We deeply appreciate your tireless commitment and the vital role you play in this crucial mission.

Happy Workers' Day!


Hal guri, hal geed. Hadh iyo hoosiis. Hir iyo hiraal.Hambalyo maalinta dhirta Somaliland.
15/04/2025

Hal guri, hal geed. Hadh iyo hoosiis. Hir iyo hiraal.

Hambalyo maalinta dhirta Somaliland.

29/03/2025

"Soo afmeeridda barnaamijkii quudinta dadka qaba xanuunka maanka iyo abaalmarinta hawlwadeennadii ka shaqaynayay arrintaa khayriga ah"

26/03/2025

Hawlgalka quudinta dadkeena qaba xanuunada maskaxdu weli si toosa ayay u socdaan tan iyo bilawgii bisha ramadaan.

Ururku waxa uu cidkasta oo muxsin ah uga codsanayaa inuu soo taageero ciidsiinta dadkeena qaba xanuunka maskaxda isaga oo kusoo hagaajinaya wixii tabaruc ah lanbarada iyo akoonada hoose.

Zaad: 63- 7447884 EDahab: 65-7237991

Dahabshiil Bank: HRGD 100886

Amal Bank: 1014790919



Iyada oo lagu jiro aakhirka bishii barakaysnayd ee Rabadaan, waxa uu Ururku weli si xidhiidh ah u wadaa barnaamijkii quu...
25/03/2025

Iyada oo lagu jiro aakhirka bishii barakaysnayd ee Rabadaan, waxa uu Ururku weli si xidhiidh ah u wadaa barnaamijkii quudinta dadka qaba xanuunada maanka ee uu bilowgii bilaabay. Waxa soo qabsoomay qaybintii raashinnada qoysaska, iyo qaybintii cuntada karsan ee maalin kasta oo weli xidhiidh u socota. Haddana waxa socda ciidsiintii dadkaasi. Fadlan ka qaybqaado oo nala ciidsii walaal aan innala ciidi karin oo farxadda innala qaybsan doona Insha Allah.

Sawirradani waa hawlgalkii team-ka ururka ee qaybinta cuntooyinka iyo qaabkii ay u wadeen hawsha.

Fadlan, caawi walaal baahan, iskaa ama nagala qayb qaado oo ajarkaa ha beerdarrayn.

11/03/2025

-aad

Ururku waxa uu raashin dhammaystiran uu gaadhsiiyay 10 qoys oo danyar ah. Waa wejigii koowaad ee qaybinta raashinnada. Ururka shaqadiisa ugu weyn bisha Rabadaan waa in uu cunto u kariyo oo uu halkooda ugu geeyo dadka maanka ka xanuunsan inta lagu jiro bisha Rabadaan. Dadkaas waxa jira qoysas danyar ah oo iyaga oo guryahooda jooga aan helin wax ay ku karsadaan. Dadkaas baan iyagana isku daynaa in aan raashinno dhammaystiran u qaybino.

Waxa nagala qayb qaatay oo aan aad ugu mahadnaqaynaa:
1. Shirkadda Dahabshil
2. Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa
3. Alraxma Charity
4. Horn Petroleum
5. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga

03/03/2025

Warbixintani waxa ay daarran tahay barnaamijka quudinta dadka qaba xanuunada maanka oo shalay si toos ah noogu bilowday. Barnaamijka oo si joogto ah u socday siddeeddii sano ee ugu danbaysay.

Siddeeddaa sano waxa gacanta koowaad ahaa welina ah bulshada reer Somaliland oo ganacsato, samafalayaal iyo dawladba leh. Kuwaas oo u jooga sidii ay dadkooda u caawin lahaayeen.

Cid kasta oo jecel in ay ka qaybqaadataana waxa ay qaadhaankeeda ku soo hagaajin kartaa numberada iyo accounts-ka muuqaalka ka muuqda. Ama waxa aad nagu soo booqan kartaa xafiiska ururka oo ku yaalla galbeedka Jaamacadda Hargeysa.

Aan wanaagga iyo waxtarka dadkeenna isu kaashanno.

Ururku waxa uu jiray muddo toddoba sano ah oo uu si xidhiidh ah oo mutadawnimo ah ugu adeegayay bulshada. Shaqooyinka wa...
15/02/2025

Ururku waxa uu jiray muddo toddoba sano ah oo uu si xidhiidh ah oo mutadawnimo ah ugu adeegayay bulshada. Shaqooyinka waaweyn ee uu fuliyay waxa ka mid ah: barnaamijka quudinta dadka qaba xanuunada maanka ee aan soomi karin bisha Rabadaan. Kaas oo uu si maalinle ah u quudin jiray 100 ilaa 120 qof maalintii, sida oo kale ciidsiintoodii. Iyo weliba taageeridda qoysaska danyarta ah ee aan quud ay ku soomaan ama ay ku ciidaan heli karin.

Haddana, waxa u qorshaysan in uu sii wado oo uu hawsha sii ballaadhiyo. Waxa uu Ururku ku tiirsan yahayna waa qaadhaanka bulshada dhexdeeda oo keli ah iyo taageerada muxsiniinta.

Fadlan, ka qaybqaado oo ku darso wixii aad awooddo.

Quudi qof, ciidsii qof, caawi qoys ama ba se ka badi.

Hambalyo, Muwaahib Maxamed Yuusuf oo ka mid noqotay dhallinyarada reer Somaliland ee ka qaybgali doona barnaamijka "Afri...
28/01/2025

Hambalyo, Muwaahib Maxamed Yuusuf oo ka mid noqotay dhallinyarada reer Somaliland ee ka qaybgali doona barnaamijka "African Youth Leadership Diplomatic Conference" kaas oo 23 - 25-ka February ka qabsoomi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Hambalyo Muwaahib iyo dhammaan dhallinyarada kale ee reer Somaliland ee shirkaas ka qaybgali doonaba.



Follow this link to join my WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/Jezsw5Pyd2Z3r8RENUxAiw**Muwaadin Waxa Dib loo Fura...
18/01/2025

Follow this link to join my WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/Jezsw5Pyd2Z3r8RENUxAiw

**Muwaadin Waxa Dib loo Furay Barashada Dastuurka iyo Dawladnimada kaas oo Ay Qabanayso Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka .*

*Fadlan ka Faa'ideyso Fursaddu waa Lacag la'aan, Waxaanad helaysaa shahaado Caddeyn u ah in aad Tababarka Qaadatay.*

*Si laguu diwaangeliyo La xidhiidh numberadan: 063-4763573 ama 0633676746.*

Ururka Dhallinyarada ee Cafaarigsi waxa uu bulshaweynta reer Somaliland ugu hambalyaynayaa curashada sannadka cusub ee  ...
01/01/2025

Ururka Dhallinyarada ee Cafaarigsi waxa uu bulshaweynta reer Somaliland ugu hambalyaynayaa curashada sannadka cusub ee #2025.

Sannad wanaagsan

20/12/2024

muuqaalka qaybintii agabka Dhaxantire iyo ereyo muhiim ah oo uu ka yidhi maayarxigeenka Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa Khadar Nuur

Address

Pepsi Area Agagaarka Jaamacada Hargaysa
Hargeisa
252

Telephone

+252637447884

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Dhallinyarada ee Cafaariigsi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ururka Dhallinyarada ee Cafaariigsi:

Share