FIMO

FIMO We empower and advocate for the advancement of female journalists.

We are a non-governmental female media development organization, focusing on the enhancement of the quality and diversity of media in Somaliland with a particular focus on women in media.

Kulan Afur ah oo ay isugu yimaadeen hablaha Saxaafadda iyo hablaha culumada ee Caynu Nasiixa ayaa daaranaa dhiiri galint...
07/03/2026

Kulan Afur ah oo ay isugu yimaadeen hablaha Saxaafadda iyo hablaha culumada ee Caynu Nasiixa ayaa daaranaa dhiiri galinta barnamijyada diiniga ah iyo ka Faa'iidaysiga bisha barakaysan Ee Ramadaan.

Ugu danbayn waxa goobta lagu abaal mariyay Saxafiyad Hoodo Maxamed Jaamac Shahaado sharaf ay ku mutaysatay samaynta barnaamijyada Diiniga ah.

Waxa kulanka Iska kaashaday Dallada Caynu Nasiixa iyo Ururka Habalaha Saxafiiyinta ah ee FIMO

 : Kulanka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hoggaanka Ururrada Saxaafadda Somaliland oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka.Kulankan a...
01/03/2026

: Kulanka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hoggaanka Ururrada Saxaafadda Somaliland oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka.

Kulankan ayaa saaka dhexmaray hoggaanka sare ee Ururrada Saxaafadda Somaliland iyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Kulanka ayaa lagaga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen dardargelinta ansixinta Xeerka Saxaafadda Somaliland ee horyaalla Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ilaalinta anshaxa saxaafadda iyo ka hortagga waxyaabaha liddiga ku ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee bulshada Somaliland. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga harlay arrimaha la xidhiidha xadhigga soo noq-noqda ee suxufiyiinta iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa.

Intii uu kulanku socday, waxaa la isla qiray doorka wax-ku-oolka ah ee ay warbaahinta madaxa-bannaan ka qaadatay halganka aqoonsi-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, midaynta bulshada, iyo adkaynta qaranimada dalka. Ugu dambayntii, waxaa lagu heshiiyey in kulamadan ay noqdaan kuwo joogto ah, si, si wadajir ah xal waara looga gaadho arrimaha mudnaanta u leh horumarinta saxaafadda iyo danaha qaranka.

Dhanka ururada waxaa goob-joog ahaa: guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, guddoomiyayaasha ururada suxufiyiinta haweenka ee WIJA iyo FIMO. Sidoo kale, dhinaca Wasaaradda waxaa kulanka ka soo qayb-galay: Wasiir-ku-xigeenka ahna ku-simaha wasiirka oo isagu kulanka isugu yeedhay, La-taliyaha Wasiirka ee arrimaha warbaahinta, agaasimaha iyo agaasime-ku-xigeenka waaxda Wada-xidhiidhka, agaasimayaasha Waaxyaha Telefishanka qaranka, Radio Hargeysa iyo Qorsheynta.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, wada shaqayn iyo ballan-qaad ku saabsan xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Ururrada Saxaafadda Somaliland, iyada oo la isla oggolaaday in wada hadalladu sii socdaan, lagana soo qayb-geliyo daneeyayaasha kala duwan.

Somaliland: Wasaaradda Gaashaandhigga JSL ayaa habeenimadii xalay kulan casho sharaf u samaysay Warbaahinta kala duwan e...
31/01/2026

Somaliland: Wasaaradda Gaashaandhigga JSL ayaa habeenimadii xalay kulan casho sharaf u samaysay Warbaahinta kala duwan ee dalka. Kulankan ayaa ahaa casuumad rasmi ah oo ay si wadajir ah u sameeyeen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana ka soo qayb-galay Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud iyo masโ€™uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaraddaas, hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, wakiillo ka socday ururrada saxaafadda haweenka ee WIJA iyo FIMO iyo suxufiyiin kala duwan oo ka kala socday warbaahinta dalka.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in si rasmi ah loogu mahadceliyo warbaahinta Somaliland doorka masuuliyadda iyo naf-hurnimada leh ee ay ka qaateen xoojinta midnimada bulshada, difaaca qaddiyadda iyo qarannimada Somaliland, iyo kor u qaadista wacyiga qaran,

20/01/2026

Daneeyayaasha xeerka Saxaafadda Somaliland iyo ururada gabdhaha ee saxafadda oo uu horkacayo Ururka SOLJA ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada JSL. Waxayna guddida la wadaageen aragtida ay saxaafaddu ka qabto xeerka iyo talooyinka muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah hirgalinta xeer dabaqa warbaahinta Somaliland.

Ururka Saxafiyiinta haweenka ee FIMO ayaa manta Hargeisa ku qabtay kulan laga hadlaayey, caqabadaha haysta warbaahinta S...
08/11/2025

Ururka Saxafiyiinta haweenka ee FIMO ayaa manta Hargeisa ku qabtay kulan laga hadlaayey, caqabadaha haysta warbaahinta Somaliland, halka uu marayo xeerka saxaafadda ee Somaliland iyo sida wax looga qaban karo wararka been abuurka ah ee bulshada loo gudbiyo.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen 20 hablood oo ka tirsan saxafiinta magaalada Hargeisa ayaa waxa soo qabanqaabisay ururka FIMO oo kaashanaya Komiishanka Xuquuqal insaanka Qaranka. Waxaa furitaanka hadalo ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta JSL, Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiin Haweenka ee WIJA iyo Agaasimaha Ururka saxafiyiinta Somaliland ee Solja.

05/11/2025

Waxa caawa Hargeisa lagu qabtay munaasibadda Shukri Xariir Award oo ah tartan abaalmarin ah oo loogu magac daray Alle ha naxariiste Shukri Xariir oo ka mid ahayd haldoorka saxaafadda Somaliland, kaas oo ay soo qabanqaabiyen ururka WIJA. Agaasimaha Ururka Habalah Saxafadda Somaliland ee FIMO Warda Ahmed Roble oo ka qaybgashay munaasibadda ayaa xustay doorkii Muhiimka ahaa ee Shugri Xariir iyo Safiya Cali Yuusuf Kasoo qaateen horumarka saxafadda iyo halgankii dalkaba๐Ÿ™๐Ÿคฒ

Hargeysa, 3 November 2025โ€“ Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay Kula...
04/11/2025

Hargeysa, 3 November 2025โ€“
Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay Kulanka Saddex-biloodlaha ah ee Isku-xidhka Daneeyayaasha Xuquuqda Aadamaha, kaas oo ka qabsoomay Hoteelka Jees*.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb-galay Xubno ka kala socday Hay'adaha Dawladda, Golayaasha Baarlamanka iyo Ururada Saxafadda ee kala ah SOLJA, WIJA iyo FIMA iyo ururada kale ee rayidka ah ee ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda aadamaha wadanka.

๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—บ๐—ต๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—นan ๐—บ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—บ ๐—ฎ๐—ต ๐—น๐—ฎ ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐˜„๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—พ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ.Muhiima...
22/10/2025

๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—บ๐—ต๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—นan ๐—บ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—บ ๐—ฎ๐—ต ๐—น๐—ฎ ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐˜„๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—พ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ.

Muhiimadda kulanka ayaa daaranayid Adkaynta nabada Gobalka Sanaag,

02/09/2025
Dhammaan Hambalyo Ardayada Jaamacada Hargeysa ee saaka ka qalin bedelanaya. gaar  Ahaan waxaan u Hambalyaynayaa bahada w...
28/08/2025

Dhammaan Hambalyo Ardayada Jaamacada Hargeysa ee saaka ka qalin bedelanaya. gaar Ahaan waxaan u Hambalyaynayaa bahada warbaahinta ee ka baxaysa kuliyada Saxaafadda..

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo warbaahinta madaxabannaan ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo lagaga hadlay xaaladda...
26/08/2025

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo warbaahinta madaxabannaan ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo lagaga hadlay xaaladda warbaahinta, xadhigga soo noqnoqda ee weriyeyaasha, iyo sidii loo dedejin lahaa ansixinta xeerka saxaafadda Somaliland.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen wasiirrada Madaxtooyada, Warfaafinta, Caddaaladda, iyo Arrimaha Gudaha, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa jawi wada-shaqayn

Kulanka waxa uu noqonayaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dhisidda jawi saxaafadeed oo xor ah, sharci ku dhisan, isla markaana gacan ka geysan kara dimuqraadiyadda iyo horumarinta Somaliland.

17/08/2025

Bookhashadii Telefishanka caalamiga ee CITIZEN TV.

Address

Hargeisa

Telephone

+252634198672

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when FIMO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to FIMO:

Share