18/06/2026
Dhallinyaro, Codkiinna Ha La Maqlo!
"Dhallinyaro, waxaanu idiin haynaa fursad uu codkiinnu ku qaabayn karo mustaqbalkiinna."
Ururka maxaliga ah ee SCORE wuxuu fursad siinayaa koox dhallinyaro ah oo si la-talin ah ula shaqayn doona ururka, kuwaas oo talooyinkooda iyo aragtiyahooda lagu saleyn doono go'aannada uu ururku qaadanayo. Haddii aad:
Da'daadu u dhaxayso 18–25 jir
Ku nooshahay Hargeysa
Xiisaynayso inaad ka qayb qaadato horumarinta bulshada iyo go'aan-qaadashada
markaa waxaad haysataa fursad qiimo leh oo kor u qaadi karta khibraddaada, xirfadahaaga, iyo horumarkaaga shaqsiyeed. Si aad u codsato, fadlan noo soo dir:
Magacaaga oo buuxa
Lambarkaaga telefoonka
Adigoo adeegsanaya emailka ama lambarrada xidhiidhka ee hoos ku xusan.
📅 Muddada codsigu socdo:
18/06/2026 – 25/06/2026
Email : [email protected]
T el: 063 7361889