12/09/2026
𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗬-𝗣𝗘𝗘𝗥 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗤𝗮𝘆𝗯-𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗫𝗮𝗳𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗮𝗴𝗼𝗼𝘁𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗞𝘂𝗹𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗶𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗶𝗲𝗻𝗰𝗲 & 𝗛𝘂𝗺𝗮𝗻𝗶𝘁𝗶𝗲𝘀 𝗲𝗲 𝗔𝗱𝗺𝗮𝘀 𝗨𝗻𝗶𝘃𝗲𝗿𝘀𝗶𝘁𝘆
Agaasimaha Somaliland Y-PEER waxa uu ka Qayb-galay Xafladda Sagootinta Ardayda Kulliyadda Social Science & Humanities ee Admas UniversityAgaasimaha Fulinta ee Somaliland Y-PEER, Maxamed Mahad Dhamac, ayaa ka qayb galay Xafladda Sagootinta Ardayda Kulliyadda Social Science & Humanities ee Admas University, Somaliland, kuwaas oo dhammaystay heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadda.
Xafladdu waxay ahayd munaasabad lagu maamuusayay dadaalka, adkaysiga iyo waayo-aragnimada ay ardaydu soo mareen muddadii ay ku jireen hayaankooda waxbarasho.
Agaasimaha Somaliland Y-PEER ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal dardaaran iyo dhiirrigelin ah oo uu kula hadlay ardayda dhammaysatay waxbarashada Kulliyadda Social Science & Humanities. Waxa uu si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay u adeegidda bulshada, isaga oo ku boorriyay ardayda inay aqoontooda iyo xirfadahooda uga faa'iideeyaan horumarinta bulshada, isla markaana ay u adkaystaan caqabadaha ka hor iman kara shaqada bulshada heer kasta oo ay joogaan.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in adeegga bulshadu ku dhisan yahay sinnaan, ka-qaybgal iyo in aan qofna laga tegin, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in adeegyada iyo fursadaha horumarineed la gaadhsiiyo dhammaan qaybaha bulshada, gaar ahaan dadka ay adag tahay in la gaadho.
Ugu dambayn, Agaasimuhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardayda dhammaysatay heerka koowaad ee Jaamacadda Admas, isaga oo sidoo kale u mahadceliyay maamulka iyo macallimiinta jaamacadda, iyo waalidiintii garab istaagay ardayda muddadii ay ku jireen hayaankooda waxbarasho.
Hambalyo dhammaan ardayda qalin-jabisay, waxaana idiin rajaynaynaa mustaqbal ay ka buuxaan guul, hoggaamin iyo adeeg bulsho oo wax-ku-ool ah.