NAGAAD

NAGAAD Currently, NAGAAD is consisting representation of 46 women’s organizations across the country.

NAGAAD Network was founded in 1997 to advocate for women and children’s empowerment and to work towards achieving an egalitarian society where women, children and men are equally significant. It has operational offices in all six regions, and representative in Nairobi. Nagaad was formed to serve as an organized, collective voice of women who were determined to fight for their socio-economic and po

litical rights as equal citizens of Somaliland. In regard to its structure and decision making process, Nagaad has a general assembly which represents the member organizations. This assembly elects eleven board members entrusted to the strategic guidance of the organization. The daily activities are run by the secretariat headed by the Network’s Executive Director assisted by the management team and program and operational staff on the bases of the constitution and the other administrative procedures.

19/04/2026
Baaq Midaysan oo Ku Saabsan Cidhibtirka Gudniinka Gabdhaha (FGM)Shir goboleed ay isugu yimaaddeen ururrada bulshada rayi...
04/03/2026

Baaq Midaysan oo Ku Saabsan Cidhibtirka Gudniinka Gabdhaha (FGM)

Shir goboleed ay isugu yimaaddeen ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa laga soo saaray Baaq Midaysan oo ku saabsan cidhibtirka Gudniinka Gabdhaha (FGM).
Shirkan oo ka qabsoomay Hargeysa 28 January 2026 ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta iskaashiga gobolka, dardargelinta dadaallada wadajirka ah, iyo qaadista tallaabooyin mideysan oo lagula dagaallamo Gudniinka hablaha FGM.

Ka-qaybgalayaashu waxay ku baaqeen in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, la adkeeyo hirgelinta sharciyada ka dhanka ah FGM, isla markaana la mideeyo codka ururada bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo badqabka iyo xuquuqda gabdhaha. UNFPA Somalia U.S. Embassy Mogadishu Oxfam Somali SIHA Network

Faahfaahinta baaqa ka eeg hoos.

01/03/2026
01/03/2026
Dalladda Isku-xidhka Haweenka ee NAGAAD ayaa soo qabanqaabisay shir heer gobol ah oo diiradda lagu saarayo sidii xal waa...
01/03/2026

Dalladda Isku-xidhka Haweenka ee NAGAAD ayaa soo qabanqaabisay shir heer gobol ah oo diiradda lagu saarayo sidii xal waara loogu heli lahaa joojinta Gudniinka Hablaha (FGM).
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta iskaashiga gobolka Geeska Afrika, dardargelinta dadaalada wadajirka ah, iyo qaadista tallaabooyin mideysan oo lagula dagaalamayo gudniinka hablaha.

Waxa inta ugu badan lagu wadaagay khibradahii sidoo kale casharadii laga bartay iyo xeeladaha uu dal walba soo maray cidhibtirka Gudniinka Hablaha (FGM).

Ka-qaybgalayaashu waxay si gaar ah uga faa’iideysteen waayo-aragnimada iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Jabuuti ka gaadhay sida: Hirgelinta iyo fulinta sharciyada xakamaynaya cidhibtirka gudniinka hablaha, sidoo kale ka qaybgalka Bulshada qaybaheeda kala duwan abaabulka iyo wacyigelinta Bulshada dhexdeeda.

Gabagabadii, kullankani waxa ay ka qaybgalayaashu waxay soo saareen warmurtiyeed wadajir ah oo qeexaya ballan-qaadyada iyo tallaabooyinka lagu cidhibtirayo gudniinka Hablaha.
UNDP in Somalia UN Women UNFPA UNFPA Somalia UK in Somalia U.S. Embassy Mogadishu Oxfam Somali SIHA Network

Ramadan Mubarak☪️
18/02/2026

Ramadan Mubarak☪️

Dallada Haweenka ee Nagaad ayaa munaasibad balaadhan ku maamuustay Murashax Asma Xasan, kadib markii deegaankeedu si mid...
26/01/2026

Dallada Haweenka ee Nagaad ayaa munaasibad balaadhan ku maamuustay Murashax Asma Xasan, kadib markii deegaankeedu si midaysan ugu doorteen inay si rasmi ah ugu matasho Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.

Munaasibaddan oo ka dhacday Xarunta Dallada Haweenka ee NAGAAD, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan hoggaanka Dallada Haweenka ee NAGAAD iyo Gudiga u dhaqdhaqaaqa arrimaha ka qaybgalka siyaasada ee Haweenka iyo haweenka murashaxiin ah oo ka kala yimid gobollada kala duwan ee Somaliland, iyo marti sharaf kale.

Kulankan ayaa si cad loogu muujiyey taageerada buuxda iyo kalsoonida ay la barb ar taagan yihiin Dallada nagaad iyo Haweenka musharaxiinta ahi

Masuuliyiintii ka hadlay munaasibadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in haweenku door muuqda ka qaataan hogaanka dalka, iyaga oo tilmaamay in Murashax Asma Xasan ay tusaale u tahay inay jabisay caqabadii dhaqanka ee hortaalay Haweenka musharaxiinta ah, iyagoo halkaana uga mahadnaqay gudidii xulista iyo odayaashii dhaqanka ee gartay inay asmi ku matasho Xubninta golaha deegaanka Degmada Gabiley.

Gunaanadkii Dallada Haweenka ee NAGAAD waxay si cad u sheegtay in garab istaaga Haweenka musharaxiinta ah ee reer Somaliland uu yahay muqadas waana waxa loo asaasay Dallada Nagaad
Oxfam Somali SIHA Network UNDP in Somalia

15/01/2026

Waxa xarunta Dallada Haweenka ee NAGAAD kulan muhiim ah ku yeeshay haweenka musharaxiinta ah iyo hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI.

Kulanka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan, ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf, iyo Guddoomiyaha garabka haweenka xisbiga, Fosiya Kayse Faarax.
Save the Children in Somalia Oxfam Somali SIHA Network

NAGAAD Women’s Network hosted a high-level meeting between aspiring women candidates and the senior leadership of the WA...
08/01/2026

NAGAAD Women’s Network hosted a high-level meeting between aspiring women candidates and the senior leadership of the WADDANI Party at our headquarters in Hargeisa.

The meeting was attended by the Party Chairman, Hon. Hersi Ali H. Xasan, who was joined by the Deputy Chairman, MP Abdirashid Maxamed Haji Yuusuf.

The meeting focused on strengthening support for women seeking elected office and ensuring meaningful implementation of the women’s quota ahead of the 2026 Parliamentary and Local Council elections.

Women candidates engaged directly with party leaders, raising questions, sharing lived experiences, and outlining the political, financial, and systemic challenges that women continue to face in the electoral arena.

At the conclusion, Chairman Hersi announced two key commitments:

• The WADDANI Party will work cooperatively with women candidates in all areas allowed by law and party rules.

• The Party has waived all WADANI Party Women candidate registration and internal nomination fees for running in the 2026 elections.

NAGAAD welcomes these steps and reiterates that women’s full participation in leadership and decision-making is essential to Somaliland’s democratic future and national development.
CARE International Som Save the Children in Somalia Oxfam Somali Siha Network UNDP in Somalia Femnet Secretariat Femnet Secretariat

08/01/2026

KULAN DHEXMARAY HAWEENKA MUSHARAXIINTA AH IYO HOGGAANKA SARE EE XISBIGA WADDANI:

Waxa xarunta Dalladda Haweenka ee NAGAAD kulan muhiim ah ku yeeshay haweenka musharaxiinta ah ee xisbiyada siyaasadda iyo hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI.

Kulanka waxa hoggaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali X Xasan, waxaana wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf sidoo kale Gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga WADANI Fosiya kayse Faarax.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd sidii Xisbiga WADDANI u xoojin lahaa taageerada haweenka musharaxiinta ah, isla markaana loo hirgelin lahaa qoondada haweenka ee doorashooyinka soo socda ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaannada, kuwaas oo la filayo inay qabsoomaan sanadka 2026.

Intii uu kulanku socday, haweenka musharaxiinta ah ayaa helay fursad ay su’aalo ku weydiiyaan hoggaanka xisbiga, kuwaas oo uu Guddoomiyuhu uga jawaabay si faahfaahsan. Sidoo kale, haweenku waxay soo bandhigeen caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale iyo nidaam ee ay la kulmaan marka ay u tartamayaan kuraasta doorashada iyo ka qaybgalka talada dalka.

Gebogabadii kulanka, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali X Xasan, ayaa ballanqaaday qodobadan soo socda:

 In Xisbiga WADDANI uu si dhow ula shaqeyn doono haweenka musharaxiinta ah, wixii suurtagal ah ee aan sharciga khilaafsanayn.
 In Xisbiga WADDANI uu ka dhaafay kharashka fee-ga musharrixiinta haweenka ee u tartamaya doorashooyinka gudaha xisbiga.

Xisbiga WADDANI waxa uu mar kale adkayey sida ay uga go’an tahay dhiirrigelinta ka-qaybgalka haweenka ee hoggaanka iyo go’aan-qaadashada dalka.

CARE International Som Save the Children in Somalia Oxfam Somali Siha Network UNDP in Somalia

The NAGAAD Women’s Network, in partnership with the United Nations Development Programme - UNDP, has successfully conclu...
25/12/2025

The NAGAAD Women’s Network, in partnership with the United Nations Development Programme - UNDP, has successfully concluded a six-day training for women candidates contesting for Local Councils and the House of Representatives. The training brought together women participants from all regions of Somaliland and aimed to strengthen their knowledge and skills for effective political participation.

The training followed an assessment conducted by the NAGAAD Women’s Network, which identified the key needs and priority areas for women candidates. Accordingly, the sessions focused on:
 Leadership and public speaking
 Media engagement and communication
 Campaigning and fundraising strategies

At the conclusion of the training, participants received certificates in recognition of their commitment, active participation, and dedication throughout the program. We congratulate all the women candidates and wish them success in their political journeys.
Femnet Secretariat UNDP in Somalia United Nations Office for Sustainable Development Save the Children in Somalia CARE International Som Siha Network Oxfam Somali

Address

Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 15:00
Tuesday 08:00 - 15:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 15:00
Sunday 08:00 - 15:00

Telephone

+252 2 527163

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NAGAAD posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to NAGAAD:

Share