11/02/2026
FARSHAXANKA MAANSADA HADRAAWI (AHUN)
Farshaxanka, falsafadda iyo foogaan aragga aanay filkeed la qabin maansada Hadraawi waxaad ka arkaysaa, mar kasta oo aad dhex gasho isla markaana sida badwayn aad usii dhex jibaaxdo Suugaantiisa. Runtii hawraarta Abwaanku waa mid cajiib ah oo fajac iyo amankaag ku ridaysa qof kasta oo dhiraandhirin, dheehasho iyo dhugaal badan ku sameeya ereyada meerisyadiisu.
Innagoon ka geyoonayn mahwiga, maaxda iyo miidda maansadiisa, intan yar ee koobani waa dul ka xaadis aan Kasoo quraaray tixdiisa Daba-huwan oo uu meerisyo ka mid ah ku ammaanyo Eebe wayne. Waxaan halkan idin kula wadaagayaa Aayaadka Qur'aanka ah ee af-naqidoodu (Tafsiir) ku jiraan meerisyadaas.
"Sifaadkaaga deyr ma xidho
Dareenku ma gaadhi karo
Garaadku ma duubi karo
Dibnuhu ma macnayn karaan
Qof doonay inuu dhex galo
Ku daaley ma dhaafi karo"
لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ .
" In daalacan Baad taqaan
intii dedan Baad ogtahay"
وَأَنَّ اللَّهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيْءٍ عِلْمًا.
"Horraysana Waad digtaa
Dambaysana Waad sugtaa"
وَاتَّقُوا يَوْمًا تُرْجَعُونَ فِيهِ إِلَى اللَّهِ ۖ ثُمَّ تُوَفَّىٰ كُلُّ نَفْسٍ مَّا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ.
"In doora rabbaad u tahay
Dulleynna Adaa ku filan
Daryeella Adaa ku faxan"
وَتُعِزُّ مَن تَشَاءُ وَتُذِلُّ مَن تَشَاءُ ۖ بِيَدِكَ الْخَيْرُ
"Sidaad damcdaaba fudud"
وَإِذَا قَضَى أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ.
"Dardaar werintaada guud
Adaa naxariis ku daray"
إِنَّ اللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٌ.
"Dannina boqor baad ka tahay
Dayrona Hodan Baad ka Tahay"
مَالِكَ الْمُلْكِ تُؤْتِي الْمُلْكَ مَن تَشَاءُ.
"Denbina Dhaafaad u Tahay"
إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ.
"Dulqaadna Allaad u Tahay"
والله غفور حليم.
"Baryona deeqlaad u tahay"
وَقَالَ رَبُّكُمُ ادْعُونِي أَسْتَجِبْ لَكُمْ.
"Adaan damac fuushanayn
Adaan waxba daba orddayn
Aday dani kuu dhantahay"
إن الله على كل شيء قدير.
"Adaan waxba kaa dibjirin"
إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ بَصِيرٌ .
Intaas oo aayaad ah turjumidoodu waxay ku jiraan meerisyo kooban oo ka mid ah Maansada Daba-huwan, kuwaas oo Abwaanku ku ammaanyo Rabbi (Sw).
F:G. Wixii aan saxay Eebe xaggiisa ayay ka sugnaadeen, wixii aan khaldayna waa aniga xagayga iyo shaydaan, oo wakii Hadraawi yidhi isagoo ka hadlayaa daciifnimda Aadamaha;
"Wixii hadhay baa dellegan
Daalaa dhacu waw astaan
Waxaan doqoniimo badan
Intuu dadba kow ka yahay
Waxaan Dalab waayi karin
Intuu durey hoog ku yahay"
W/Q: Axmed Ceergaabo