UMMA students charity union

UMMA students charity union Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from UMMA students charity union, Nonprofit Organization, Hargeisa.

15/05/2025

Waxa aan aad uga xumahay mudaharaadka iyo rabshadda ka dhacay magalaada Burco oo laba jeer soo noqday maanta, sababayna khasaare naf iyo maal leh sidoo kalena keenay burbur foolxun oo gaadhay goobo dawli ah oo loogu adeegayay Shacbiga JSL.

Runtii waa dayac iyo daryeel xumo weyn in ciidanka boolisku ay si caqligal ah u xakamayn kari waayeen mudaharaadka , rabshaddaasina ay caawa innaga galaafatay nafsadda dad muwaadiniin ah , ayna u dhaawacyihiin tiro badan oo shacab iyo askarba leh.

Dadweynaha Gobolka Togdheer si gaar ah Magaalada Burco waxa aan ka codsanayaa inay dareenkooda xakameeyaan, Mudaharaadka iyo rabshadaha oo horumarka iyo isku hallaynta amni ee Gobolka caqabad ku noqonaya, ka waantoobaan. Arrimaha tabashada leh ee mugdigu kaga abuurmi karana dawladda iyo laamaha amniga uga war sugaan si deggan oo xilkasnimo leh.

Xukuumadda Somaliland gaar ahaan laamaha amniga iyo maamulka gobolka waxa aan u soo jeedinayaa inay wanaajiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin shacbiga Magaalada ,si looga hortago in warar been abuur ah gaystaan khasaareyaal laxaad leh , Arrinta mudaharaadkana lagu xalliyo degganaan , xasillooni iyo talo shacabka, waxgaradka iyo waayeelka Burco hormuud ka yahay; lagana hortago oo laga taxaddiro in mudaharaadku berri dib u curto. Laamaha Amniga gobolkuna waa in ay ka hawlgalaan oo gacanta ku soo dhigaan cid kasta oo qayb ka ahayd faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta bulshada.

Ugu dambayn waxa aan alle uga baryayaa in dhaawaca uu u booga dhayo , inta dhimatayna u naxariisto.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when UMMA students charity union posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to UMMA students charity union:

Share