04/08/2023
Maxaan ku soo arkay "JEELKA WAYN EE HARGEISA" mudadii aan ku xidhnaa ,
1:businesska balaadhan ee contrabandka ah.
2: arxan darada lagula dhaqmayo dadka masakinta ah ee ajaanibka ah
3: gumaysiga iyo awood sheegashada kaabayashu ama raga masuulka ka ah blog yada ee Taliyayaashu u dhiibteen ay kula dhaqmaan maxaabista.
Waxaan jeclaaday inaan bulshada la wadaago una iftiimiyo xaalada cakiran ee ka jirta "JEELKA WAYN EE HARGEISA "
Aan ka bilaabo sida uu u shaqeeyo businesska balaadhan ee dhinaca electronics ah sida Mobilada iyo Charcharada, yaa soo galiya jeelka yaana ku dhex iibiya.
Jeelku wuxuu ka kooban yahay 4 blog mid kastana waxa maamula ama *kaabe* ka ah maxbuus uu taliyaha jeelka wayni u dhiibtay.
Laba ka mida maamulka afarta blog ayaa awooda ugu wayn haysta mararka qaar ka awood bata Taliyayasha jeelka wayn gacanta ku haya, yagana soo xaraysta mobiles ka iyo chargerska yaga oo ay gacan siinayaan askar ka tirsan ciidanka asluubtu kuwaas oo ay ka awood bateen una shaqeeya yaga , ma jiro askari kali shaqayn kara soona gashan kara electronics kaas lagu kala iibsanayo jeelka, waa in uu la shaqeeyo labadaas nin hadii uu khilaaf soo dhex galo askarta soo galinaysa electronicska iyo labadaas nin, baro bagaando ayaa loo samaynayaa waana la xidhayaa .
Taasi waa soo galinta iyo cida u shaqaysa iyo qaabka loo soo galiyo oo ah in askartaas madaxa lagaga taagnado, hadaba sidee looga dhex ganacsadaa jeelka dhexdiisa looguna dhex iibiyaa electronics kaas , waxa jira gacan yarayaal maxaabista ka iibiya mobiles oo labadaas nin u shaqeeya maxbuuska iibsada mobiladaas Liis ayaaa lagalinayaa ay hayaan labadaas nin, hadaba si baadhitaanka ama in laga qariyo taliyayaasha mobiles kaa maxaabistu sidato waa in aad labadaas nin lacag mushahar ama laaluush ah siisaa hadii kale Labadii nin yagaa soo hor kacaya soona tilmaamaya inta guri ee mobile haysata iyo inta qof ee haysata , mobilekaaga ragii kaa iibiyay ayaa sheegaya 🤔 baadhis ayaaa lagugu samaynayaa mobileki waa lagaa qadaya taliyayasha qaarba heshiis ka dhaxeeya mobilki labadii nin ayaa dib loogu celinayaa si ay dib maxaabista uga soo ibiyaan.
Ganacsiga jeelka ka dhexsocda iyo dulmiga ka jiraa waa ka balaadhan yahay intaas aan soo sheegay dhinaca kale waxa jira ganacsiyo kale oo contraband ah oo ay kow ka tahay balwdaha maandooriyaha ah ee mamnuuca ah sida xashiishada , kiniino , qaatka ,iyo sigaarkaba oo ka mamnuuc ah jeelka lakin ay soo galiyaan labadaas nin oo kaashanaya askarta ay madaxa ka haystaan ee ay awooda ku maamulaan .
Ganacsiyada kale ee jeelka ka dhex jira waxa ka mid ah in ay keensadaan cagafta timaha jarta oo ay maxaabista lacag kaga qadan laakin taliyaha jeelka loogu sheegay in lacag la'aan loogu xiiro baxaabista , dhanka kale waxa jira rag ajaanib ah oo dalka jaarka aynu nahay ee Ethiopia ka soo jeeda oo muruq maalyo ah oo dharka ku dhex maydha jeelka wayn ee hargeisa , damac ayaa ka galay labadii nin ee jeelka awooda ku haystay masaakinta lacagta yar ee ay muruqooda ku shaqayanayaan waxayna keenen machines ama qasaalado lagu maydhayo dharka oo ay share ama in ay saami kula yeeshan ragaas muruqooda maala ee dharka maydhaya.
Ugu danbayn waxaan filayaa inaad iswaydiinaysaan labadaas nin ee yagoo maxaabisa awoodaas intaas leeg yeeshay sida arxan darada ahna ula dhaqmaya maxaabista
Labada nin ayaa lakala yidhaahdaa
(MAXAMED BIIQ IYO AXMED DARMAAN )
Ugu danbayntii cid kasta oo ay khusayso oo uu ugu horeeyo Taliyaha ciidanka asluubta Taliye "Libaax" iyo taliyaha jeelka wayn" Xuseen Gabilay" waxaan ku baraarujinaya inay ka hawlgalaan arinkaas si xeeldheerna u baadhan.
Ciidanka Asluubta JSL Ciidanka Dab-demiska Somaliland Ciidanka Police Somaliland Madaxtooyada JSL Xafiiska Afhayeenka M JSL