19/09/2026
Tarbiyadda iyo Imaam Al-qazali
Nadiifinta Nafta iyo Dhisidda Caqliga
“Ayyuhal walad ” (Wiilkaygiiyow)........................................................................
Waxaa muddo dheer ay barayaal, waalidiin iyo dadka daneeya tarbiyadda Islaamiga ahi aad ugu hamminayeen in la helo aragti tarbiyeyneed Islaami ah oo xididdadeedu ka soo farcamaan diinta iyo dhaqanka ruuxiga ah ee Carabta.
Hordhac
Risaaladda “Ayyuhal-Walad” ee Imaam qasaali waxay ka mid tahay qoraallada ugu muhiimsan ee dhaxalka tarbiyadda Islaamka. Ma aha oo keliya warqad wacdi ah oo uu u diray mid ka mid ah ardaydiisa, balse waxay u taagan tahay mashruuc tarbiyeyneed dhammaystiran, kaas oo doonaya inuu qofka gudaha ka dhiso, shakhsiyaddiisana ka sameeyo dhinacyada akhlaaqda, ruuxda iyo cilmiga.
Al-qazali wuxuu aragtidiisa tarbiyadda ka duulay faham Islaami ah oo qoto dheer oo ku saabsan qofka. Wuxuu aaminsanaa in aadamuhu yahay makhluuq la tarbiyeeyn karo, la toosin karo lana nadiifin karo, una baahan daryeel joogto ah si uu u gaadho heerka ugu sarreeya ee kaamilnimada bani'aadamnimada iyo akhlaaqda.
Al-qazali tarbiyadda uma arkin inay tahay oo keliya in qofka aqoon lagu shubo ama xog lagu xafidiyo. Wuxuu u arkayay geeddi-socod dhamaystiran oo lagu hagaajinayo nafta, caqliga iyo dhaqanka.
Arrintani waxay si cad uga muuqataa kutubtiisa, gaar ahaan “ixyaa,u culuumu -Diin” iyo “Ayyuhal-Walad”, halkaas oo uu kaga hadlay cibaadooyinka, caadooyinka, waxyaabaha nafta halaaga, cilmiga iyo camalka, sifooyinka macallinka, anshaxa ardayga, nadiifinta nafta iyo tarbiyadda ruuxiga ah iyo akhlaaqeed.
Qasaali —Alle ha u naxariistee—kuma mashquulin tasawufka iyo culuumta diinta oo keliya isaga oo ka go'an arrimaha nolosha iyo waxbarashada. Wuxuu aaminsanaa in culuumta kala duwan ay lagama maarmaan u yihiin hagaajinta nolosha iyo dhismaha bulshada.
Wuxuu leeyahay:
“Aragtidaadu yaanay ka daciifin raadinta culuumta adduuniga ah wixii aynu ka soo sheegnay dariiqa suufiyada; waayo iyagu ma aaminsana in culuumtu wax aan qiimo lahayn yihiin. Muslim kastana wuxuu aaminsan yahay karaamada iyo weynaanta cilmiga.”
Wuxuu kaloo tilmaamay in Alle dadka u jeclaysiiyey fiqiga, naxwaha, caafimaadka iyo xisaabta, si dunidu u hagaagto.
Tani waxay muujinaysaa in qazali lahaa aragti ilbaxnimo, oo uu fahamsanaa muhiimadda cilmiga ee dhismaha bulshada.
1. Macnaha Tarbiyadda ee qazali
Tarbiyadda qazali waxay ku dhisan tahay fikradda hagaajinta iyo nadiifinta nafta. Wuxuu tusaale ahaan u soo qaataa beeralayda oo daryeela dalaggiisa, kana saara qodxaha iyo dhirta waxyeellada leh si uu dalaggu si wanaagsan ugu baxo.
Wuxuu leeyahay:
“Macnaha tarbiyadda wuxuu la mid yahay ficilka beeralayga; kaas oo qodxaha iska ruxa, dhirta shisheeyana ka saara dalagga dhexdiisa, si uu dalaggu u wanaagsanaado oo uu si buuxda u koro.”
Tani waxay muujinaysaa in qazali qofka u arkayay mid la hagaajin karo oo la dhisi karo. Sidaas darteed shaqada tarbiyaddu waa in nafta laga nadiifiyo xumaanta, lagu beero wanaagga, lana horumariyo hababka waxbarashada.
Cilmiga iyo Camalka
qazali wuxuu si xooggan isugu xidhay cilmiga iyo camalka. Wuxuu aaminsanaa in cilmi aan lagu dhaqmin uu yahay cilmi aan gaadhin ujeeddadiisii.
Wuxuu yidhi:
“Cilmi aan camal lahayn waa waalli, camal aan cilmi lahayna ma jiro.”
Wuxuu sidoo kale leeyahay:
“Haddii nin akhriyo boqol kun oo mas'alo cilmiyeed oo uu barto, laakiin aanu ku dhaqmin, waxba uma tarayaan ilaa uu ku dhaqmo.”
Sidaas darteed tarbiyadda qazali ma aha hawl maskaxeed oo keliya; waa dhisidda dhaqanka iyo hab-dhaqanka qofka.
Ma kala saarayo cilmiga iyo camalka, waayo cilmiga dhabta ahi waa inuu isu beddelaa ficil iyo akhlaaq.
Tani waxay xitaa maanta muhiim u tahay bulshooyinkeenna. Cilmi-baaris badan ayaa ku ururta maktabadaha iyo xarumaha cilmi-baarista, laakiin mararka qaarkood cilmi-baaristaasi ma gaadho goobta ficilka, sababtoo ah waxaa liita rabitaanka iyo awoodda loo leeyahay in aqoonta loo beddelo xaqiiqo la tijaabin karo.
Al-qazali wuxuu sidaas kaga horreeyey qaar badan oo ka mid ah fikradaha tarbiyadda casriga ah ee xoogga saaraya barashada ku salaysan khibradda iyo ku-dhaqanka.
Aqoontu qiimo buuxa ma yeelanayso haddii aanay isu beddelin akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan.
Wuxuu kaloo aaminsanaa in nafta aadamuhu leedahay diyaar garow dabiici ah oo ay ku gaadhi karto aqoonta iyo khayrka, balse u baahan daryeel iyo hanuunin.
Wuxuu leeyahay:
“Nafta aadamuhu waa macdan ay ka soo baxaan cilmi iyo xikmad.”
2. Tarbiyadda Akhlaaqda iyo Ruuxa
Tarbiyadda akhlaaqdu waxay tahay xudunta mashruuca tarbiyeyneed ee qazali.
Wuxuu aaminsanaa in ujeeddada ugu weyn ee cilmigu tahay in nafta la hagaajiyo, dhaqankana la toosiyo.
Sidaas darteed wuxuu xoogga saaray in nafta laga nadiifiyo sifooyinka xun sida:KibirkaXasadkaIsmuujintaNacaybka
Jeclaysiga adduunka xad-dhaafka ah
Laguna beero:SamirkaTawaduca
IkhlaaskaQanaacadaShukrigaSadaqadaDulqaadka
Mujahadada Nafta...............................................
Al-qazali wuxuu la dagaallanka nafta ka dhigay saldhigga tarbiyadda dhabta ah.
Wuxuu leeyahay:
“Hammigaaga geli ruuxa, jabkana geli nafta, dhimashadana geli jidhka, waayo gurigaagu waa qabriga. Dadka qabuuraha ku jira waxay ku sugayaan daqiiqad kasta. Iska jir inaad u tagto adigoon sahay haysan.”
Wuxuu sidoo kale xusay hadalkii Abuu Bakar-Siddiiq—Alle haka raalli noqdee—ee ahaa in jidhku yahay sida qafis shimbiraha ama xero xoolaad, qofkuna uu is weydiiyo: shimbiraha sare ma ka mid baan ahay mise xoolaha?
Macnaha guud ee hadalku waa in qofku aanu ku koobnaan jidhkiisa iyo rabitaankiisa, balse uu daryeelo ruuxdiisa oo u diyaargaroobo aakhiro.
Al-qazali wuxuu kaloo sheegay in aqoonta dhabta ahi aanay iman karin ilaa nafta la nadiifiyo, qalbigana laga saaro caajisnimada iyo damacyada.
Wuxuu leeyahay:
“Carrabka hadalkiisu badan yahay, qalbiguna uu ka buuxo gaf iyo shahwo, waa calaamad nasiib-darro. Ilaa aad nafta si dhab ah ula dagaallanto, qalbigaagu kuma noolaan doono nuurka aqoonta.”
Wuxuu kaloo caddeeyey in qaar ka mid ah aqoontu yihiin wax dhadhan ahaan loo garto, oo aan hadal iyo qoraal lagu soo koobi karin.
Sida macaanida malabka oo kale: qofku ma garanayo xaqiiqadeeda ilaa uu dhadhamiyo.
Sidaas darteed tarbiyadda qazali waxay aad ugu xidhan tahay tazkiyatul-nafs, oo ah nadiifinta nafta, marka loo eego xafididda xogta oo keliya.
Caqliga iyo Akhlaaqda
Al-qazali wuxuu arkayay in wanaagga qofku ku dhisan yahay laba arrimood oo waaweyn:
Caqliga wanaagsan
Akhlaaqda wanaagsan
Caqligu wuxuu qofka ka caawiyaa inuu xaqa garto oo uu wanaagga iyo xumaanta kala saaro.
Akhlaaqda wanaagsanina waxay qofka ka caawisaa inuu ka takhaluso caadooyinka xun, kuna beddelo caadooyin wanaagsan.
Sidaas darteed tarbiyadda akhlaaqdu waxay dhistaa qof maskax ahaan, ruux ahaan iyo bulsho ahaan dheellitiran.
3. Tarbiyadda Ruuxiga ah..............................................
qazali wuxuu tarbiyadda ruuxiga ah u arkayay qayb aan laga maarmin oo ka mid ah tarbiyadda qofka.
Wuxuu aaminsanaa in qalbiga oo hagaaga ay sabab u tahay qofka oo dhan inuu hagaago.
Sidaas darteed wuxuu ku boorriyey:
Ikhlaaska
Cibaadada
Ilaahay la socodka
Salaadda habeenkii
Dikrigga
Istighfaarka
La xisaabtanka nafta
Wuxuu leeyahay:
“Sharafta mu'minku waa salaadda habeenkii, sharaftiisuna waa inuu dadka ka maarnaado.”
Tarbiyadda ruuxiga ahi sidaas darteed ma aha in qofku nolosha ka go'o, balse waa hab uu naftiisa ugu diyaarinayo inuu si wanaagsan ula kulmo rabitaannadiisa, waajibaadkiisa iyo masuuliyadaha bulshada.
4. Doorka Macallinka iyo Ardayga ee............................................................
Dhisidda Qofka
Al-qazali wuxuu macallinka siiyey maqaam aad u sarreeya.
Wuxuu u arkayay macallinka inuu yahay qofka qayb weyn ka qaata samaynta shakhsiyadda ardayga.
Sidaas darteed macallinku ma aha qof xog gudbiya oo keliya, balse waa inuu noqdaa hogaamiye, tarbiyeeye iyo tusaale wanaagsan.
Wuxuu tilmaamayaa astaamaha murabbiga dhabta ah, waxaana ka mid ah inuu ka fogaado jacaylka adduunka iyo mansabka, isla markaana yeesho:SamirShukriTawakalYaqiinDeeqsinimoQanaacoDulqaadTawaduc
Tani waxay caddaynaysaa in macallinku ardayga ku tarbiyeynayo ficilkiisa ka hor hadalkiisa.
Haddii macallinku dadka baro akhlaaq wanaagsan isaga oo aan isagu ku dhaqmin, saamayntiisu way daciifaysaa.
Sida gabyaagu yidhi:
“Ninyahow dadka wax bara,
Maad naftaada wax baraan?”
Macnaha ayaa ah: Qofka dadka wax bara waa inuu marka h**e naftiisa wax ku tarbiyeeyaa.
Anshaxa Ardayga
Dhanka kale, qazali wuxuu si weyn uga hadlay adabka ardayga.
Wuxuu ku boorriyey:
Tawaduc
Ixtiraamka macallinka
Samirka
Ka fogaanshaha kibirka
Ka fogaanshaha doodaha aan faa'iidada lahayn
In cilmiga loo raadiyo xaqa
Wuxuu ka digay in cilmi-doonku uusan u noqon muran, ismuujin iyo faan.
Wuxuu leeyahay:
“Ha la murmin qof, haddii aad awooddo; waayo muranku wuxuu leeyahay dhibaatooyin badan, dembigiisuna mararka qaar wuu ka badan yahay faa'iidadiisa. Waayo wuxuu noqon karaa il ay ka dhashaan ismuujin, xasad, kibir, nacayb iyo colaad.”
Haddii dood loo galo sidii xaqa loo heli lahaa, waa bannaan tahay, laakiin waxaa jira laba calaamadood oo muujinaya in ujeeddadu tahay xaqa:
In aanad kala jeclaan in xaqa carrabkaaga ama carrabka qof kale ka soo baxo.
In dooddu kuu noqoto mid aad kalinimo ku jeceshahay marka loo eego meel dadweyne.
Sidaas darteed cilmigu waa inuu noqdaa raadinta xaqa, ee uusan noqon meel qofku ku muujiyo naftiisa ama ku xaqiro dadka kale.
5. Saamaynta Fikirka Tarbiyeyneed ee qazali..................................................................
qazali wuxuu raad qoto dheer ku reebay fikirka tarbiyadda Islaamka.
Fikradihiisa waxaa si gaar ah uga dhex muuqda arrimo ay maanta muhiimad siinayaan nidaamyada tarbiyadda casriga ah, sida:
Kala duwanaanshaha awoodaha ardayda
Muhiimadda deegaanka tarbiyadda
Tusaalaha wanaagsan
Daryeelka dhinaca nafsiga
Dhisidda akhlaaqda
Isku xidhka aqoonta iyo dhaqanka
Muhiimadda fikirkiisa maanta waxay si gaar ah uga muuqataa awoodda uu u leeyahay inuu wax ka qabto dhibaatooyin badan oo waxbarashada casriga ah haysta, sida:
Kala go'a cilmiga iyo qiyamka
Daciifnimada tarbiyadda akhlaaqda
Hoos u dhaca dhinaca ruuxiga ah ee waxbarashada
In waxbarashada loo beddelo shaqo iyo xirfad keliya
Qazali wuxuu doonayaa in qofka loo dhiso caqli, ruux iyo akhlaaqba.
6. “Dhagaxa Afaynta” — Cilmiga oo Nafta Lagu Dhaqo....................................................................
Qaybtan waxaa laga fahmi karaa mid ka mid ah casharrada ugu waaweyn ee nolosha qazali: qofka dadka wax bara waa inuu isagu naftiisa wax ku tarbiyeeyaa.
Waxaa la weriyey in qazali muddo ku noolaa Shaam. Maalin uu galay madrasada Al-Amiiniyyah ayuu maqlay macallin leh:
“qazali wuxuu yidhi...”
Markaas ayuu qazali naftiisa uga baqay cajab iyo islaweyni, sidaas darteedna wuu ka tegay Dimishiq.
Wuxuu bilaabay socdaal, cibaado, kelinimo iyo mujahadada nafta.
Waxaa kale oo la weriyey in walaalkiis Axmed maalin uu kula kulmay isagoo dadka wacdinaya, dabadeedna uu ugu tiriyey gabaygan:
“Waxaad gacmaha ku qabatay iyagoo tabar-darraystay,
adigoo iyaga hagaya, dadaalkana ka daba imanaya.
Waxaad noqotay qof dadka hanuuniya adigoo aan is hanuunin,
waxaad maqashaa wacdi, laakiin ma dhegaysatid.
Dhagaxii wax lagu afayn jirayow, ilaa goormaad
birta afaynaysaa adigoon adigu goynayn?”
Gabaygani wuxuu noqday mid qalbigiisa taabtay.
Waxa laga fahmi karaa in macallinka, daaciga iyo tarbiyaha uu mar kasta u baahan yahay waqti uu naftiisa ku saxo, ku xisaabtamo, kuna horumariyo.
Qofku haddii uu ku ekaado heerka uu gaadhay oo uu ku qanacsanaado ammaanta dadka, wuxuu istaajin karaa horumarkiisa cilmi iyo ruuxba.
Sidaas darteed tarbiyaha dadka tarbiyeeya wuxuu u baahan yahay inuu isagu noqdo qof is-tarbiyeeya.
Gunaanad
Waxaa caddaanaysa in Imaam qazali uu kaalin weyn ka qaatay dhismaha mabaadi'da tarbiyadda Islaamka, isaga oo si qoto dheer uga hadlay doorka macallinka iyo ardayga, xiriirkooda, akhlaaqdooda iyo habka saxda ah ee wax loo barto loona baro.
Risaaladda “Ayyuhal-Walad” waxay inoo soo bandhigaysaa aragti tarbiyeyneed dhammaystiran oo isku xidha:
Nadiifinta nafta, dhisidda caqliga, hagaajinta akhlaaqda, iyo ku xidhidda cilmiga camalka.
qazali wuxuu qofka ka dhigay xudunta iyo ujeeddada ugu weyn ee tarbiyadda.
Fikradihiisuna weli waxay leeyihiin qiime weyn, sababtoo ah waxay ku boorrinayaan qofka inuu naftiisa saxo, cilmiga akhlaaq ku xidho, isla markaana waxbarashada ka dhigo mid qofka si buuxda u dhista.
Sidaas darteed fikirka tarbiyeyneed ee qazali wuxuu noqon karaa mid laga faa'iidaysto marka la dhisayo aragti tarbiyeyneed casri ah oo ku salaysan qiyamka Islaamka, aqoonta, akhlaaqda iyo bini'aadannimada.
Talooyin iyo Aragti Mustaqbal
Marka laga duulo aragtida qazali ee isku xidha nadiifinta nafta, dhisidda caqliga iyo hagaajinta dhaqanka, waxaa la soo jeedin karaa qodobadan:
In dhaxalka tarbiyadda Islaamka dib loogu noqdo, gaar ahaan kutubta qazali, iyadoo loo akhrinayo si cilmiyeed iyo naqdin leh.
In tarbiyadda akhlaaqda iyo ruuxiga ah lagu xoojiyo goobaha waxbarashada, oo aan waxbarashada lagu koobin aqoon iyo xirfad oo keliya.
In macallinka dib loogu soo celiyo kaalintiisii ahayd murabbi iyo tusaale wanaagsan, ee aan laga dhigin qof xog gudbiya oo keliya.
In manhajyada waxbarashada lagu xiro cilmiga iyo camalka, si ardaygu u barto aqoon uu noloshiisa ku dabaqi karo.
In la dhiso aragti tarbiyeyneed Carbeed iyo Islaami ah oo ka faa'iidaysata dhaxalka culimada Muslimiinta iyo horumarka tarbiyadda casriga ah.
In fiiro gaar ah loo yeesho tarbiyadda nafsiga iyo dareenka ardayda, gaar ahaan xilligan ay dhaqamada dijitaalka ahi si weyn u saameeyaan dhalinyarada.
In la sameeyo cilmi-baaris isbarbardhigaysa fikirka tarbiyadda Islaamka iyo aragtiyada tarbiyadda reer Galbeedka, si loo ogaado meelaha ay ku kulmaan iyo meelaha ay ku kala duwan yihiin.
In la dhiso nidaam tarbiyeyneed mustaqbalka ku habboon oo isku dheelli tira horumarka cilmiga iyo qiyamka akhlaaqda, si qofka casriga ah loogu dhiso aqoon iyo damiir, caqli iyo ruuxba.
Erayga ugu weyn ee laga dhaxli karo qazali
Cilmi aan nafta beddelin, camal aan cilmi hagin, iyo akhlaaq aan ruux ku dhisnayn—ma aha tarbiyadda uu qazali doonayo.
Tarbiyadda dhabta ahi waa:
In caqliga la dhiso, nafta la nadiifiyo, qalbiga la saxo, cilmigana camal loo beddelo.
Qore: Cabdinnaasir Cabdil-Mawla Axmed
Turjume : Muuse Cilmi Axmed ( Maansuuri )