Salaam Institute for Studies

Salaam Institute for Studies Waa xarun aad ka heleyso tobabaro caalami ah, soo saarista buugaag tayo leh,iyo cilmi baadhisyo

Ku dhawaad 1,500 sanno ka hor, caawa oo kale, dunida waxaa ku soo biiray iftiinkii iyo badbaadadii aadanaha, nabigeenna ...
24/08/2026

Ku dhawaad 1,500 sanno ka hor, caawa oo kale, dunida waxaa ku soo biiray iftiinkii iyo badbaadadii aadanaha, nabigeenna suubban Muxammad SCW, Habeenkaas taariikhiga ah, adduunku wuxuu martigeliyay isbeddel weyn oo weji cusub u yeelay qaddarka aadanaha. Dunidu xilligaas waxay ku jirtay marxalad mugdi ah; dadku waxay ahaayeen hal ummad oo ku midoobay jaahilnimo, maaddiyad, iyo raadinta raaxada adduunka ee degdegga ah. Ma aanay rumayn jirin wax ka baxsan waxyaabaha ay indhaha ku arki karaan, hamigooduna ma dhaafsiisnayn dherginta caloosha iyo qancinta damaca nafta.

Xaaladaas qarriban ee dunida hafisay awgeed, wuxuu Alle dunida u soo diray suubanaheenna Muxammad SCW si uu aadanaha uga xoreeyo adoonsiga jaahiliyadda. Nabigeenna suubban SCW, wuxuu jidka dacwadda iyo faafinta diinta ka soo maray dhibaatooyin aad u waaweyn. Si kasta oo la go'doomiyay oo xitaa dhiiggiisa sharafta leh loo daadiyay, haddana marna ma quusan. Adkaysigiisii iyo samirkiisii ayaa horseeday in baaqii Islaamku uu gaadho gees kasta oo caalamka ka mid ah.

صلوات ربي وسلامه عليك يا أعظم الرجال و أكمل البشر. 💚

📚 GORFEYN BUUG: العدالة الاجتماعية في الإسلامQaybta Fikirka iyo Ilbaxnimada ee Machadka Salaam ee Daraasaadka waxa uu id...
19/08/2026

📚 GORFEYN BUUG:
العدالة الاجتماعية في الإسلام

Qaybta Fikirka iyo Ilbaxnimada ee Machadka Salaam ee Daraasaadka waxa uu idiinku martiqaadayaa ka qaybgalka dood cilmiyeed ku saabsan buugga caanka ah ee:

«العدالة الاجتماعية في الإسلام»
Caddaaladda Bulshada ee Islaamka
Social Justice in Islam
— Sayyid Qutb

🎙️ Soo jeediyaha:
Sh. Cabdirisaaq Rakuub

📅 Taariikh: 21 August 2026
🗓️ Jimce, Sabti soo gelayso
⏰ 7:30pm fiidnimo
📍 Goobta: Xarunta Salaam Institute for Studies

Dooddu waxay diiradda saari doontaa aragtida Islaamka ee caddaaladda bulshada, mabaadi’da ay ku dhisan tahay iyo sida ay uga qayb qaadan karto fahamka iyo dhismaha bulsho caddaalad ku dhisan.

Ku soo dhawoow kulan cilmiyeed iyo dood feker leh.



📚 مناقشة كتاب

يسرّ قسم الفكر والحضارة في معهد سلام للدراسات دعوتكم لحضور مناقشة علمية لكتاب:

«العدالة الاجتماعية في الإسلام»
✍️ سيد قطب

🎙️ يقدّمها:
الشيخ د. عبدالحكيم ركوّب

📅 21 أغسطس 2026
🗓️ ليلة السبت
⏰ 07:30 مساءً
📍 المكان: مركز سلام للدراسات

ندعوكم لحضور هذا اللقاء العلمي والفكري، لمناقشة مفهوم العدالة الاجتماعية في التصور الإسلامي، وأبرز المبادئ والأفكار التي تناولها سيد قطب في كتابه.

حضوركم يثري النقاش ويعمّق الوعي.





Dhaxalka Aqooneed, Manhajka iyo Aragtiyaha Feker ee Dr. Yuusuf Al-Qaradawi | 🎙️Sh. Cabdiraxmaan Bashiir | X11aad📺 Ka daa...
15/08/2026

Dhaxalka Aqooneed, Manhajka iyo Aragtiyaha Feker ee Dr. Yuusuf Al-Qaradawi | 🎙️Sh. Cabdiraxmaan Bashiir | X11aad

📺 Ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran halkan:
https://www.youtube.com/watch?v=It_Ky8rC7mI

تطور الفكر الإسلامي
من التأسيس إلى التجديد والتأصيل والتفعيل
🎥 Intii ku dhaaftay ka daawo linkigan hoose:
https://www.youtube.com/playlist...
📩 للتفاصيل والتسجيل:
https://t.me/SalaamInstituteForStudies
📚👉 intiina aan Isdiiwaan-gelin si aad uga qayb gasho dawradan fikirka ah buuxi foomkan!
🔗 Foomka diiwaangelinta:
https://forms.gle/RPagEFU9x6p2X6Qa6
La soco, kana faa’iidayso duruusta qiimaha leh.
https://www.youtube.com/watch?v=7vtsjqL9OUs&t=45s
🌐 Xidhiidhada Rasmiga ah (Official Links)
📱 Telefoon:
+252 63 4431672
💬 WhatsApp Group:
https://chat.whatsapp.com/KSUD4hnb1d0FI185uNUQny
📸 Instagram:
https://www.instagram.com/p/DY2TUt-orsy/...
📘 Facebook:
https://www.facebook.com/share/p/1BEGMxEyPr/?mibextid=wwXIfr
📢 Telegram:
https://t.me/SalaamInstituteForStudies/262
▶️ YouTube Channel:
https://youtube.com/...
🎥 YouTube Playlistka dawrada:
https://youtube.com/playlist...
Ku xidhnoow Machadka Salaam ee Daraasaadka si aad ula socoto Falanqeynaha Buugta, muxaadarooyinka, koorsooyinka, doodaha fikirka, iyo barnaamijyada wacyigelinta ee joogtada ah

𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐥-𝐓𝐮𝐫𝐚𝐚𝐛𝐢: 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐢, 𝐌𝐮𝐟𝐚𝐤𝐢𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐚𝐠𝐭𝐢𝐝𝐢𝐢𝐬𝐢𝐢 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 | X12aadSoo jeediye: Sh.Cabdiraxmaan Bashiir
11/08/2026

𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐥-𝐓𝐮𝐫𝐚𝐚𝐛𝐢: 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐢, 𝐌𝐮𝐟𝐚𝐤𝐢𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐚𝐠𝐭𝐢𝐝𝐢𝐢𝐬𝐢𝐢 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 | X12aad
Soo jeediye: Sh.Cabdiraxmaan Bashiir

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

Maanta waxay inoo tahay sannad-guurada dhalashada mufakirka iyo siyaasiga Muslimka ah Cali Cizzat Begovitch.Wuxuu ahaa m...
08/08/2026

Maanta waxay inoo tahay sannad-guurada dhalashada mufakirka iyo siyaasiga Muslimka ah Cali Cizzat Begovitch.

Wuxuu ahaa mufakir wax ku qoray caqligiisa iyo qalbigiisa, isaga oo hindisay fikrado qoto dheer oo uu kaga hortagay falsafaddii reer Galbeedka ee ku dhisnayd maaddiyadda, isla markaana bannaanka soo dhigay is-burinadeeda. Wuxuuna soo bandhigay aragti bani’aadamnimo iyo iimaan ku dhisan, taas oo ka hortagaysay nihilism-ka iyo maaddiyadda ku xoogaysatay fikirka reer Galbeedka casriga ah.

Sidoo kale, wuxuu ahaa siyaasi u halgamay dartiis dadkiisa, isaga oo la wada maray mid ka mid ah marxaladihii ugu adkaa ee taariikhdooda. Marxaladdaasi ma ahayn oo keliya loollan siyaasadeed, balse waxay ahayd (dagaal loogu jiray jiritaan ama dabar-go’).

Dr. Cabdulwahaab Al-Masiiri wuxuu ugu yeedhay “Mujaahidkii Mujtahidka ahaa”, maadaama uu isku darsaday sifooyin ay dhif tahay in hal qof lagu arko: fikir, siyaasad iyo jihaad.

Mid ka mid ah buugaagtiisa xigmadda iyo milicsiga badan xambaarsan waa U-firxadkii Xorriyadda (. Cali Cizzat Begovitch wuxuu buuggan qoray xilligii uu xabsiga ku jiray. Wuxuu ka koobnaa waraaqo uu la wadaagay carruurtiisa iyo milicsiyo kala duwan oo ku saabsan xorriyadda, farshaxanka, falsafadda, diinta iyo nolosha.

Xaaladaha adag ee xabsiga awgood, wuxuu fikradihiisa ku qori jiray buug-yareyaal, maadaama qoraallada noocaas ahi ay halis ugu jireen in maamulka xabsigu ka qaado. Markuu buug-yare dhammeeyo, wuxuu ku aamini jiray armaajo uu lahaa maxbuus kale, si looga ilaaliyo in la soo qabto. Sidaas ayuu mid mid ugu kaydin jiray qoraalladiisa, isaga oo armaajadiisa ku hayn jiray oo keliya buug-yaraha uu markaas qorayay.

Intii ay soo dhowaanaysay dhammaadka muddadii xabsigiisa, saaxiib uu lahaa oo lagu xukumay kiis been-abuur ah ayaa si qarsoodi ah toban buug-yare uga soo saaray xabsiga, isaga oo ku dhex qariyay sanduuq shax ah. Markii uu buug-yaraha gaarsiiyay carruurtii Cali Cizzat, wuxuu gabi ahaanba diiday inuu wax lacag ah ka qaato.

Arrintan Cali Cizzat wuxuu ka qoray milicsi aad u qoto dheer:

> “Mararka qaarkood, dadka aynu ugu yeerno dambiilayaasha ayaa leh sumcad la hubo, xitaa jacaylka dadka. Sababtuna waxay tahay inay badanaa garanayaan waxa ay dhab ahaan tahay wehelnimada dhabta ahi, waxayna diyaar u yihiin inay khatar galaan. Inta badan, kuwa loogu yeero ‘dadka xarragada leh’ ayaa lumiya sifooyinkaas!”.

— Cali Cizzat Begovitch, U-firxadkii Xorriyadda

Sidoo kale, waxaa ka mid ah hadalladiisa ugu qotada dheer ee ku saabsan xorriyadda iyo dabeecadda qofka:

> “Kuwa daciifka ahi waa kuwa taageera oo u dooda xukunka kali-taliska ah. Waxay ka maqan tahay isku-kalsoonaanta nafta ee ka dhalata rabitaanka xorriyadda iyo madaxbannaanida. Qofku wuxuu ka cararaa xorriyadda iyo mas’uuliyadda, halka xukunka kali-taliska ahi uu u noqdo meel uu kaga dhuunto culayskaas.”

— Cali Cizzat Begovitch, U-firxadkii Xorriyadda

Waxaa laga yaabaa in tani ay tahay mid ka mid ah casharrada ugu weyn ee laga baran karo noloshiisa: xorriyaddu ma aha oo keliya in laga xoroobo xabsiga; waa in qofku yeesho geesinimada uu ku qaado mas’uuliyadda xorriyaddiisa.

Alle ha u naxariisto falsafad-yahankii, siyaasigii iyo halgamaagii Muslimka ahaa Cali Cizzat Begovitch, hana ka abaalmariyo ummaddiisa iyo shacabkiisa abaalmarinta ugu wanaagsan.

🌿 جمعة مباركة 🌿يُبارك معهد سلام للدراسات لكم هذه الجمعة المباركة، سائلين الله تعالى أن يجعلها يوم خيرٍ ورحمةٍ وبركة، وأن...
07/08/2026

🌿 جمعة مباركة 🌿

يُبارك معهد سلام للدراسات لكم هذه الجمعة المباركة، سائلين الله تعالى أن يجعلها يوم خيرٍ ورحمةٍ وبركة، وأن يتقبل من الجميع صالح الأعمال، ويغفر الذنوب، ويشرح الصدور بالقرآن، ويبارك في الأوقات والأعمار.

اللهم أصلح أحوال المسلمين، ووحِّد صفوفهم، وانصر المظلومين، وانشر الأمن والسلام والعدل في بلاد المسلمين، واجعلنا من أهل القرآن الذين هم أهلك وخاصتك.

﴿إِنَّ اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ ۚ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمًا﴾

جمعة مباركة، وتقبّل الله منا ومنكم صالح الأعمال.

𝗠𝗮𝗱𝗮𝗿𝗮𝘀𝗮𝗱𝗮 𝗙𝗶𝗾𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗙𝗲𝗸𝗲𝗿𝗸𝗮 & 𝗠𝗮𝗿𝘅𝗮𝗹𝗮𝗱𝗶𝗵𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝗺𝗮𝗿𝗲𝘆 𝗗𝗿. 𝗬𝘂𝘂𝘀𝘂𝗳 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗮𝘄𝗶📢 La soco Caawa LIVE – 9:00 PM🧠 Dawradda Fikir...
06/08/2026

𝗠𝗮𝗱𝗮𝗿𝗮𝘀𝗮𝗱𝗮 𝗙𝗶𝗾𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗙𝗲𝗸𝗲𝗿𝗸𝗮 & 𝗠𝗮𝗿𝘅𝗮𝗹𝗮𝗱𝗶𝗵𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝗺𝗮𝗿𝗲𝘆 𝗗𝗿. 𝗬𝘂𝘂𝘀𝘂𝗳 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗮𝘄𝗶

📢 La soco Caawa LIVE – 9:00 PM

🧠 Dawradda Fikirka Islaamiga ah – Xalqada 11aad
Waxaa jeedinaya: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir

📚 👉 Isdiiwaan geli si aad uga qayb gasho Dawrada Fikriga ah!
🔗 Foomka Diiwaangelinta:
https://forms.gle/RPagEFU9x6p2X6Qa6

▶️ Daawo LIVE halkan:
https://www.youtube.com//videos

📖 تطوّر الفكر الإسلامي
من التأسيس إلى التجديد، والتأصيل، والتفعيل
مع فضيلة الشيخ عبد الرحمن بشير

📌 Nala soco:
https://t.me/SalaamInstituteForStudies



https://youtu.be/_Xq7mxh56wc?si=IMKbGkfNtu30y_Ri

Madarasada Fiqiga iyo Fekerka & Marxaladihii uu Marey Dr. Yuusuf Al...

Siduu Sayid Qudub u rogay miisaankii fikirka siyaasadeed ee dunida?Sayid Qudub wuxuu soo bandhigay dhaliil qoto dheer oo...
04/08/2026

Siduu Sayid Qudub u rogay miisaankii fikirka siyaasadeed ee dunida?

Sayid Qudub wuxuu soo bandhigay dhaliil qoto dheer oo ku wajahan fikradda dowladda casriga ah. Wuxuu ku dooday in xukunka iyo sharci-dejintu (xaakimiyaddu) uu xaq u leeyahay Ilaahay oo keliya, halkii ay ka ahaan lahaayeen nidaamyo siyaasadeed ama rabitaanka aadaneed.

Aragtidiisu waxay dib u qeexday xidhiidhka ka dhexeeya qofka iyo awoodda dowladda:
qofku wuxuu marka h**e u hoggaansamaa Alle, dowladduna waxay sharciyaddeeda ka heshaa waafaqsanaanta shareecada, ee ma aha codka aqlabiyadda ama awoodda oo keliya.

Fikirradan waxay saameyn weyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqyo Islaami ah oo badan qarnigii 20-aad iyo wixii ka dambeeyay. Dad badan waxay u arkeen inuu dib u soo nooleeyay doodda ku saabsan Islaamka iyo siyaasadda, halka kuwo kalena ay si adag u dhaliileen qaar ka mid ah fasiraadihiisa iyo saameyntii ay ku yeesheen kooxo kala duwan.

Sidaas awgeed, su’aasha “Sidee Sayid Qudub u rogay miisaankii dunida?” waxaa lagu jawaabi karaa: wuxuu beddelay habkii looga fikirayay xidhiidhka u dhexeeya diinta, dowladda, iyo sharciyadda siyaasadeed, isagoo dood cusub ka abuuray dunida Islaamka oo raadkeedu weli muuqdo maanta.

Akhri qoraaladan hoose:

Kolba inta uu gumaystuhu sii arxan-darroobo oo uu bahalnimo ku sii kaco, waxaa soo dhawaada dhammaadkiisa.كلما زاد توحش ...
02/08/2026

Kolba inta uu gumaystuhu sii arxan-darroobo oo uu bahalnimo ku sii kaco, waxaa soo dhawaada dhammaadkiisa.

كلما زاد توحش المُستعمر اقتربت نهايته.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Salaam Institute for Studies posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share