26/07/2026
Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dadka & Aqoonta Somaliland(UHDAS) Abdijibaar Barre Abdilaahi iyo qaar ka mid ah xubnaha ururka ayaa ka qayb galay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa (HIBF 2026), oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.
Guddoomiyaha UHDAS waxa uu qayb ka ahaa dood-wadaag lagu lafagurayay mawduuca "Caqabadaha Haysta Dhallinyarada Somaliland iyo Xalkooda," halkaas oo ay ka qayb qaateen aqoonyahanno, hal-abuurro iyo dhallinyaro ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada. Dooddu waxay diiradda saaraysay caqabadaha horyaalla dhallinyarada iyo sidii loo heli lahaa xalal waara oo ku dhisan aqoon, wada-shaqayn iyo ka Horumarinta bulshada.
Ka qaybgalka UHDAS ee madashan waxa uu muujinayaa sida ururku ay uga go'an tahay horumarinta dhallinyarada, kobcinta aqoonta iyo dhiirrigelinta iyo ka qaybgalka arrimaha bulshada.
UHDAS waxay u mahadcelinaysaa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa qabanqaabada wanaagsan iyo fursadda ay u abuurtay bulshada si ay u wadaagaan aqoon, waayo-aragnimo iyo aragtiyo wax ku ool ah.
"Dhallinyaro aqoon leh waa saldhigga horumarka bulshada iyo mustaqbalka qaranka.