01/02/2026
𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐂𝐀𝐘
Kadib markii Xukumadda Federalka ah ay duulaan Ciidan oo toos ah ku qaaday Gobolka Gedo iyo Deegaanka Raaskamboni ee 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 kuna geeryoodeen laba Ciidan oo XDS katirsan.
Kadib markii Xukumadda Federalka ah si bareer ah ugu xadgudubtay Dastuurkii ay ku dhisnayd Dowladdi ahayd hooyada Federalka ee 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 lakala qaybiyey goboladi ay ku dhisnayd heshiiskana ku ahayd , Sidoo kale faragelin toos ah ay ku samaysay Nidaamki iyo Kala dambayntii iyadoo maalgelinaysay shaqsi kasta oo Warbaahinta la soo istaagi Kara Puntland hala burburiyo , loo joojin maayo iyo filimo been abuur ah bay 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗗𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱 kaga jiraan 𝗖𝗮𝗹𝗺𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝗱.
Xukumadda Federalka oo cunaqabatayn dhamaystiran ( Power abuse ) u Isticmaashay deeqihii Caalamiga ahaa , Mashaaricii Saami ahaan ay u lahaayeen Jubaland iyo Puntland ay Kamid tahay 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗮𝗿𝗳𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗹𝗸𝗮𝗰𝘆𝗼 oo hadda Xukumadda Puntland ay ku dhisayso Canshuurta Deegaanada Puntland asbuuc ka horna la Xarig jaray qayb kamid ah.
Intaas waxaa sii dheer , Xeerkii , Sharcigii iyo Dastuurkii Shacabka Soomaaliyeed ka dhaxeeyey ee garnaqsiga u ahaa Maamulada Federalka ee ka jira dalka in Hanaan aan sax ahayn oo dan Shirkad gaara ah loo faagtay 𝗖𝘂𝘁𝘂𝗯𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝟰’𝗮𝗮𝗱 hadana si kasii fool xun iyadoo kii h**e doodiisi taagan tahay shirki madashana laba cisho ka dhiman tahay Golaha Shacabka la keenay qaybinta Iyo Shintiriska 𝗖𝘂𝘁𝘂𝗯𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝟱’𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝗮𝘀𝘁𝘂𝘂𝗿𝗸𝗮.
𝐅𝐚𝐥𝐜𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝
𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 , waxay ku guulaysatay inay gacanta ku hayso deegaanka 𝑹𝒂𝒂𝒔𝒌𝒂𝒎𝒃𝒐𝒐𝒏𝒊 waxayna si sharaf leh u daryeeshay Ciidankii Xukumadda Federalka iyadoo u kiraysay diyaarad khaas ah kuna celisay Caasimadda iyo Taliskii ay Jubaland uga soo duuleen.
𝑺𝒉𝒂𝒄𝒂𝒃𝒌𝒂 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 𝑮𝒆𝒅𝒐 , wuxuu si toos ah uga horyimid in Siyaasiyiinta u dhalatay deegaanadaas ee shalay la garab ka ahaa Dowladda Jubaland iyo jiritaankeeda inaysan maanta ka yeelayn burburin Iyo ku danaysi shaqsi ahaaneed waana dhaqan ka lagu yaqaan guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed.
𝘿𝙖𝙬𝙡𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖 𝙋𝙪𝙣𝙩𝙡𝙖𝙣𝙙 , waxay libin wayn oo heer Caalami ah ka soo hoysay la dagaalanka aragagixisada 130 dal oo caalamka ah kana hub iyo awood badan Puntland ka adkaan waayeen taas oo ku timid Iskutashiga Shacabka Puntland , Geesinimada Ciidanka Difaaca Puntland , joogtaynta gurmadka iyo taakulada ciidanka , Daryeelka dhaawaca ciidanka iyo Madaxweynaha Puntland oo samaystay Talis uu u dhex fadhiyo lana dareen noqday ciidankiisa.
Cunaqabataynta mashaaricaha iyo Deeqaha Joogtada ah ee Beesha Caalamka Uma hakan inay socdaan wadooyin la dhisayo , buundooyin la dhisayo , mushaaraadka Shaqaalaha iyo Ciidanka iyo Daryeelka Ciidanka Puntland ee dalka dibadiisa lagu dabiibayo , waa tallaabo in buug waawayn laga qoro mudan.Waana Guul Soomaali oo dhan usoo hoyatay.
𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐝𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚
Beesha Caalamka oo ka walaacsanayd hanaanka ay wax ku wado 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 ayaa u soo jeedisay dhinacyada ay khusayso in muhim tahay in kulan la iskugu yimaado xukumada Dhexe na ay qaban qaabiso qabsoomida Madashaa isla markaasna laga wada hadlo qadobada lagu muran san yahay.
Dawladaha 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 waxay Beesha Caalamka la qaateen in ay aqbalayaan ayna tagayaan Mogadishu hadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shikh Maxamud iclaamiyo kulan aan mugdi ku jirina diyaar u yihiin.
Waxaa lama filaan ku noqotay guud ahaan Daneeyaasha Kala duwan , Ummada Soomaaliyeed iyo Dowladaha xubnaha ka ah DF in 𝐗𝐚𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐮𝐡𝐮 baahiyey warqad aad u khibrad hoosaysa laguna madlay in 𝟐-𝐅𝐞𝐛𝐫𝐚𝐚𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 Kulanki la Iclaamiyey masuuliyadana ay Halkaas kasi wadayaan guddi wasiro ah oo hawshaa xukumaddu u xilsaartay.
Waxaa u qaadan waa’ iyo amakaag ku noqotay Xukumadda Federalka ee Soomaaliya in 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐒𝐚𝐢𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐃𝐞𝐧𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐧 dhankooda tanaasul lixjeclo ku jirto la yimaadaan oo soo diraan Guddigi Farsamada ee dhankooda loona diyaariyo goobihi ay dagi lahaayeen iyo dhamaan Protocals ki Puntland iyo Jubaland labaduba leeyihin miiska inoo balana.
𝐈𝐒𝐊𝐔𝐃𝐀𝐘𝐆𝐈𝐈 𝐅𝐀𝐒𝐇𝐈𝐋𝐌𝐀𝐘
Maanta ayay Fal aragagixiso kusoo gunaanaday Xukumada Federalka riwaayadii ay jilaysay ee ay rabtay inay Beesha Caalamka ku tirahdo Deni iyo Madoobe ayaa diidan Madasha waana jid iyo jiho diid aan hanaan sax ah wax ku rabin dhanka kale labada Dawladood Puntland iyo Jubaland waxay aad khibrad Diplomasiyadeed ugu leeyihin wada shaqaynta Beesha Caalamka iyo Ilaalinta Heshiisyada Dastuuriga ah ee Deegaanadooda iyo Xukumadda Federalka ee 13ki August 2012.
Khatarta amni ee 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 ay Kala kulmeen Xukumadda Federalka Soomaaliya ma ahayn mid ay mudnaayeen Wiilashii iyo Gabdhihii kasoo dagaalamay 𝐊𝐮𝐮𝐝𝐡𝐚𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐚𝐥𝐦𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐝 mana ahaan doono mid Golaha Baarlamaanka looga mamnuuci karo Xildhibaanada leh aragtida inaan lagu xadgudbin Dastuurka dalka ee Bisha April lasoo xiro guud ahaan mudo xileedka Baarlamaanka DFS sidoo kale Madaxweyne Xasan Mudo xileedkiisu ku egtahay May 2026 Dalkana Laga ilaaliyo Firaaq Dastuuri ah inuu galo.
Labada Maamul Puntland iyo Jubaland waxay kasoo gudbeen Ciyaar aad u culus banaankana keeneen DFS ku hawlanayd maaweelinta haldoorka Soomaaliyeed , shacab ka duruufaha kala duwan la tacaalaya iyo daneeyaasha geedi socodka Dowladnimada Soomaaliya , waxayna u gudbeen Katalinta Aayada Dalka Soomaaliya xalkeeduna yahay Doorasho Heshiis lagu yahay si loo soo celiyo Sumcadii iyo Qaranimadii Jumhuurjyada Soomaaliya.
Aragtidayda waa mid ku salaysan Dawladnimada , Dastuurka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Wabillaahi Towfiiq
𝐄𝐧𝐠 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐈𝐧𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐞
𝐆𝐂𝐃𝐂 - 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐞𝐫 , 𝐄𝐱𝐞𝐜𝐮𝐭𝐢𝐯𝐞 𝐃𝐢𝐫𝐞𝐜𝐭𝐨𝐫