ADAM Academy

ADAM Academy Akademiga horumarinta iyo udooddida dadka laga tirada badanyahay.

30/01/2026

Muuqalka kulankii labada cishe oo kobcinta iyo tageerada Murashaxiinta, Hargaysa.

 , Magaalada Hargaysa waxa aanu si guul leh ugu qabnay kulan/tababar socday laba cisho (28 & 29-ka bishan), kaas oo loog...
30/01/2026

, Magaalada Hargaysa waxa aanu si guul leh ugu qabnay kulan/tababar socday laba cisho (28 & 29-ka bishan), kaas oo loogu talagalay murashaxiinta Beelaha Gabooye, caawiyeyaasha murashaxiinta, iyo daneeyayaasha siyaasadda.
Kulankan waxa diiradda lagu saaray:

✔️ Hoggaan iyo matalaad
✔️ Ka-qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay
✔️ Fahamka nidaamka doorashooyinka
✔️ Xirfadaha isgaadhsiinta iyo la-falgalka cod-bixiyeyaasha
Kulanku waxa uu ahaa mid lagu xoojinayo awood-siinta, wacyigelinta, iyo ka-qaybgalka loo siman yahay ee Beelaha Gabooye ee geeddi-socodka doorashooyinka.
Waad mahadsan tihiin dhammaan ka-qaybgalayaasha iyo bah-wadaagta taageeray.

Waxa si guul leh uga qabsoomay Magaalada Borama tababar socday laba cisho, kaas oo loogu talagalay Musharixiinta Beesha ...
19/01/2026

Waxa si guul leh uga qabsoomay Magaalada Borama tababar socday laba cisho, kaas oo loogu talagalay Musharixiinta Beesha Gabooye, laguna xoojinayey ka-qaybgalka loo dhan yahay ee doorashooyinka iyo hoggaaminta siyaasadeed. Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray: Hoggaan loo dhan yahay (Inclusive Leadership) Fahamka nidaamka doorashooyinka Ololaha doorashada iyo la macaamilka codbixiyeyaasha
Istaraatijiyadda warbaahinta iyo baraha bulshada
Ka-qaybgalka haweenka iyo dhallinyarada
Matalaad cadaalad ah iyo anshax siyaasadeed
Ka-qaybgalayaashu waxay heleen aqoon, xirfado iyo waayo-aragnimo kor u qaadaysa diyaargarowgooda doorasho, isla markaana xoojinaysa doorkooda matalaadeed ee bulshada. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa dhammaan ka-qaybgalayaashii, qabanqaabiyeyaashii iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta tababarkan qiimaha badan.
Ka-qaybgal loo dhan yahay waa furaha dimuqraadiyad waarta.

Address

Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ADAM Academy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to ADAM Academy:

Shortcuts

Share