29/09/2026
𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃.
WALAAC KU SAABSAN WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA JINSIYADDA SOMALILAND
Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Maamul-wanaagga (CDG) waxay walaac xooggan ka muujinaysaa hannaanka socda ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Jinsiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 22/2002.
Maadaama arrintani si toos ah ugu xidhan tahay qeexidda muwaadinnimada Somaliland iyo qodobada aasaasiga ah ee Dastuurka.
Sida ku cad Qodobka 4aad, farqaddiisa 1aad ee Dastuurka Somaliland, muwaadinka Somaliland waxaa lagu qeexay qof ka soo farcamay dadkii Somaliland degganaa 26-ka Juun 1960 ama ka hor.
Qodobkani wuxuu ka mid yahay qodobbada aasaasiga ah ee Dastuurka ee qeexaya muwaadinnimada iyo xidhiidhka muwaadinka iyo qaranka.
Xaruntu waxay aaminsan tahay in wax-ka-beddel kasta oo lagu sameynayo Xeerka Jinsiyadda uu u baahan yahay in si buuxda loogu saleeyo Dastuurka Somaliland, iyadoo la dhowrayo kala-sarraynta sharciga, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo midnimada bulshada Somaliland.
Waxaan sidoo kale muhiim u aragnaa in si cad dadweynaha loogu sharraxo sababta, ujeeddada iyo baahida loo qabo in xilligan wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeerka Jinsiyadda, gaar ahaan qodobbada la xidhiidha qeexidda cidda muwaadin Somaliland ah.
Arrin saamayn noocaas ah ku leh muwaadinnimada iyo mustaqbalka bulshada waxay u baahan tahay dood dadweyne oo ballaadhan, xog furan iyo wadatashi dhab ah oo lala yeesho bulshada, aqoonyahanka, ururrada bulshada rayidka ah, madaxda dhaqanka, xisbiyada qaranka iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.
𝐂𝐃𝐆 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐬𝐨𝐨 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚
1. In si buuxda loo ilaaliyo Qodobka 4aad ee Dastuurka Somaliland iyo qodobbada kale ee Dastuuriga ah ee khuseeya muwaadinnimada.
2. In Golaha Wakiilladu si cad bulshada ugu sharxo sababta iyo ujeeddada wax-ka-beddelka Xeer Lr. 22/2002, iyo qodobbada gaar ahaan la doonayo in wax laga beddelo ama lagu kordhiyo.
3. In la sameeyo wadatashi qaran oo loo dhan yahay ka hor inta aan la ansixin wax-ka-beddel saamayn ku yeelan kara qeexidda muwaadinnimada Somaliland.
4.In la hubiyo in wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo Xeerka Jinsiyadda aanu khilaafsanayn Dastuurka Somaliland ama aanu abuurin fasiraad sharci oo is-diiddan oo ku saabsan muwaadinnimada.
CDG waxay sidoo kale soo dhawaynaysaa in arrintan lagu wajaho dood sharci, cilmiyeed iyo wadatashi bulsho oo deggan, iyadoo laga fogaanayo hadallo ama tallaabooyin sii kala fogayn kara bulshada.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐀𝐀𝐃