RAJO YOUTH FORUM

Directions

RAJO YOUTH FORUM RAJO YOUTH FORUM

Dallada Rajo Youth Forum Waxey si Sharaf Leh U Xusaysaa Xuska Malinta Calanka somaliyeed
12/10/2026

Dallada Rajo Youth Forum Waxey si Sharaf Leh U Xusaysaa Xuska Malinta Calanka somaliyeed

Waxaan Xalay Safar Guuro ah ugu baxnay tuuloyin dhowr ah  waxaan saaka ka bilownay boqoshadeenii machadka iftin oo ku ya...
09/10/2026

Waxaan Xalay Safar Guuro ah ugu baxnay tuuloyin dhowr ah waxaan saaka ka bilownay boqoshadeenii machadka iftin oo ku yaala tuulada kalabayr

29/08/2026
27/6/2026 waxaa noo qabsoomay kulan muhiim ah oo ay isku arkeen Community Police-ka iyo dhalinyarada Puntland, kaas oo d...
29/08/2026

27/6/2026 waxaa noo qabsoomay kulan muhiim ah oo ay isku arkeen Community Police-ka iyo dhalinyarada Puntland, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, is-dhexgalka bulshada iyo ciidamada, iyo sidii dhalinyaradu uga qayb qaadan lahaayeen nabadgelyada iyo horumarinta bulshada.

Kulanka waxaa lagu wadaagay fikrado, aragtiyo iyo talooyin muhiim ah oo ku saabsan doorka dhalinyarada ee ka qaybqaadashada amniga bulshada iyo dhisidda kalsoonida u dhexeysa bulshada iyo laamaha amniga.
Kulankan wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga Community Police-ka iyo dhalinyarada, iyadoo la rajeynayo in wada-shaqeyntani sii xoogeysato mustaqbalka.
RAJO Youth Forum – Dhalinyaro firfircoon, bulsho nabdoon.

Kulan Is-dhexgalka Booliska iyo BulshadaTaariikh: 26 Agoosto 202626-ka Agoosto 2026 waxaa qabsoomay kulan is-dhexgal iyo...
28/08/2026

Kulan Is-dhexgalka Booliska iyo Bulshada

Taariikh: 26 Agoosto 2026

26-ka Agoosto 2026 waxaa qabsoomay kulan is-dhexgal iyo wada-ciyaar ah oo ay ka qaybqaateen Ciidanka Booliska iyo bulshada, kaas oo ujeeddadiisu ahayd xoojinta xiriirka, kalsoonida iyo wada-shaqaynta ka dhexeysa bulshada iyo laamaha amniga.

Kulanka ayaa lagu qabtay jawi wanaagsan oo ay labada dhinac si wadajir ah uga qaybqaateen ciyaaro iyo hawlo bulsho. Barnaamijkan wuxuu fursad u noqday in bulshada iyo boolisku ay si dhow u wada xiriiraan, is-dhexgalaan, isla markaana muujiyaan muhiimadda ay leedahay in amniga lagu dhiso iskaashi iyo kalsooni.

Kulanka ayaa sidoo kale dhiirrigeliyay doorka dhalinyarada, wadajirka bulshada iyo iskaashiga booliska iyo shacabka, iyadoo la adkeeyay in amni waara lagu gaari karo wada-shaqayn iyo is-faham labada dhinac ah.

Hambalyo iyo DucoDallada Rajo Youth Forum (RYF) waxay farxad iyo hambalyo kulul u dirtaa Mr. Abdisamad Abdinour Farah, k...
22/07/2026

Hambalyo iyo Duco

Dallada Rajo Youth Forum (RYF) waxay farxad iyo hambalyo kulul u dirtaa Mr. Abdisamad Abdinour Farah, kaas oo loo magacaabay xilka Xoghaha Jaaliyadda Puntland ee Uganda.

Waxaan aaminsanahay in kartidaada, dadaalkaaga, iyo u-hoggaansanaantaada dadka Puntland ay ku caawin doonaan inaad si guul leh xilkan u wado. Waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu ku siiyo tawfiiq iyo hufnaan aad ku horumarsato jaaliyaddaada, isla markaana aad ka noqoto sarkaal xidhiidhka iyo isku-duwidda u dhexeeya Puntland iyo dadka Puntland ee ku sugan Uganda kobciya.

Hambalyo dib u dib, Guul iyo Toosnaan

Dallada Rajo Youth Forum (RYF)
Garoowe, Puntland

  kulankii 20/june/2026
21/06/2026

kulankii 20/june/2026

20/06/2026

Taariikh sat 20 jun 2026 dallada RAJO YOUTH FORUM waxay kulan muhiim ah la qadatay taliska qaybta iyo waaxda xiriirka dad waynaha ee community police ka kulanka waxaa shir gadoonshay G/ dhexe ayax jamaal taliye ku xigeenka qaybta sidoo kale waxa goob joog ahaa lamaha xiriir dad waynaha iyo gadoomiyasha xafadaha kulanku waxa uu daarnaa dar dar galinta dhiiri galinta dhalinyarada

Shirka waxaa kasoo baxay :

1. Is kaashiga dhalin yarada iyo police ka laamihiisa kala duwan
2. Qabasho kulamo dhalin yaradu ay dawr kooda kusoo bandhigayaan

Address

Garowe Puntland
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RAJO YOUTH FORUM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share