PUNSAA

PUNSAA Dalladda Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA), waa dallad ay ku mideysan yihiin in ka badan 120 Urur oo kamid ah Ururrada aan dawliga aheyn ee Puntland.

Waxay ka qayb-qaadataa horumarinta dowladda Puntland iyo u qareemista bulshooyinka nugul.

OGAYSIISDiiwaangelinta Xubnaha Cusub ee PUNSAA Way Furan tahay.Dallada Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA)...
08/08/2026

OGAYSIIS

Diiwaangelinta Xubnaha Cusub ee PUNSAA Way Furan tahay.

Dallada Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) waxay ku wargelinaysaa dhammaan ururrada bulshada rayidka ah ee danaynaya inay ku soo biiraan dallada in ay furan tahay isdiiwaangelinta xubnaha cusub.

Ururrada doonaya xubinnimada PUNSAA waxaa laga codsanayaa inay buuxiyaan foomka isdiiwaangelinta ee ku jira link-ga hoose:

đź”— https://punsaa.org.so/portal

Haddii aad u baahan tahay kaalmo ama hagid ku saabsan habka buuxinta isdiiwaangelinta, fadlan nagala soo xiriir:

📱 WhatsApp: 0904054345

FG: Isdiiwaangelintu waxay ku egtahay 31-ka Agoosto 2026.

Ku soo biir PUNSAA — Codka mideeya Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

XUSKA SANO-GUURADII 28-AAD EE AAS-AASKA DOWLADDA PUNTLAND Maanta waxaan si weyn ugu dabaaldegeynaa 28 sano-guuradii aas-...
31/07/2026

XUSKA SANO-GUURADII 28-AAD EE AAS-AASKA DOWLADDA PUNTLAND

Maanta waxaan si weyn ugu dabaaldegeynaa 28 sano-guuradii aas-aaska Dowladda Puntland, oo astaan u ah nabad, wadajir, horumar iyo dowlad-dhis.

Dallada Ururrada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA) waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Puntland munaasabaddan qiimaha badan. Waxaan rajaynaynaa in sannadaha soo socda ay noqdaan kuwo lagu sii xoojiyo nabadda, dimuqraadiyadda, horumarka iyo ka qaybgalka bulshada.

Hambalyo Puntland!
Hambalyo shacabka Puntland!

19/07/2026

Baaq nabadeed

18/07/2026

Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) waxay soo dhawaynaysaa heshiiska Dowladda Puntland iyo Ganacsatada ee khidmadaha Dekedda Boosaaso.

PUNSAA waxay u aragtaa heshiiskan tallaabo muhiim ah oo dib loogu soo celinayo shaqadii dekedda, suuqyada iyo ganacsiga, kuwaas oo xirnaanshahoodu saameeyay dhaqaalaha iyo nolol-maalmeedka shacabka, gaar ahaan dadka dakhligoodu hooseeyo.

Waxay ugu baaqaysaa Dowladda iyo Ganacsatada inay mudnaan siiyaan taageerada bulshada nugul si loo yareeyo saameynta dhaqaale ee soo wajahay.
Sidoo kale, PUNSAA waxay adkaynaysaa in qiimaha badeecaduhu noqdaan kuwo la awoodi karo, gaar ahaan xilligan adag ee ay soo noqnoqdeen abaaraha oo saamayn taban ku yeeshay reer miyiga.

PUNSAA waxay rumaysan tahay in iskaashiga Dowladda iyo Ganacsatadu uu muhiim u yahay horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isla markaana loo baahan yahay wada shaqayn waarta oo ku dhisan kalsooni.

Ugu dambayn, PUNSAA waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go'an tahay xoojinta midnimada, dowladnimada iyo wada-hadalka bulshada Puntland.

Dhamaad

WARSAXAAFADEEDXirnaanshaha Suuqyada Ganacsiga iyo Dekedda BoosaasoDalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUN...
13/07/2026

WARSAXAAFADEED

Xirnaanshaha Suuqyada Ganacsiga iyo Dekedda Boosaaso

Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) waxay walaac xooggan ka muujinaysaa xirnaanshaha suuqyada iyo xarumaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso oo galay maalintii saddexaad, iyo sidoo kale xirnaanshaha Dekedda Boosaaso oo maanta galay maalintii afar iyo tobnaad.

Xaaladdan ayaa saameyn toos ah ku yeelanaysa dhaqaalaha, ganacsiga iyo hab-nololeedka bulshada, iyadoo caqabad weyn ku noqotay helitaanka adeegyada, shaqooyinka iyo ilaha dakhliga ee ay ku tiirsan yihiin kumannaan qoys. Saamaynta ugu daran waxay ku dhacaysaa bulshada nugul, gaar ahaan dadka ku nool dakhliga maalinlaha ah iyo kuwa aan lahayn ilo dhaqaale oo kale.

PUNSAA waxay adkaynaysaa in sii socoshada hakadka ku yimid ganacsiga iyo howlaha dekeddu ay horseedi karto kororka sicir-bararka, yaraanta badeecadaha muhiimka ah, iyo culays dhaqaale oo sii saameeya shacabka Puntland.

Sidaas darteed, PUNSAA waxay ugu baaqaysaa Dowladda Puntland, ganacsatada, maamulka dekedda iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintani inay mudnaanta siiyaan danta guud, isla markaana si degdeg ah uga wada shaqeeyaan xal waara oo lagu soo afjarayo xaaladda jirta, laguna soo celinayo shaqadii caadiga ahayd ee ganacsiga iyo dekedda.

- Dhamaad -

Dallada PUNSAA waxay aad uga xuntahay colaadda ka cusboonaatay deegaamada Caramale iyo Shimbiraale ee u dhaxaysa beelaha...
10/07/2026

Dallada PUNSAA waxay aad uga xuntahay colaadda ka cusboonaatay deegaamada Caramale iyo Shimbiraale ee u dhaxaysa beelaha walaalaha ah. Waxay u diraysaa fariin Nabdeed inay dagaalka joojaan oo Allah ka cabsadaan dhiigooda xaaraanta kala ahna aysan daadin.

PUNSAA waxay ugu baaqaysaa dowladda Puntland inay si degdeg ah ukala dhexgasho oo aysan fitnada ka aloosantay deegaanka ka dhalan ku xadgudub muwaadiniinta iyo dadka nugul.

PUNSAA waxay ugu baaqaysaa beelaha kale ee reer Sanaag iyo dhamaan waxgaradka Puntland inay ku baxaan oo ay colaadaas damiyaan sulxina dhex dhigaan labada beelood ee muddo dhowr goor ah soo noqnoqotay colaada ka dhex jirta.

Garoowe, 2 Luulyo 2026 – Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) iyo xubno matalayey Qurbo joogta Pun...
02/07/2026

Garoowe, 2 Luulyo 2026 – Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) iyo xubno matalayey Qurbo joogta Puntland ayaa maanta kulan la-tashi ah la yeelatay Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, kaas oo qayb ka ahaa geeddi-socodka dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose.

Intii uu kulanku socday, PUNSAA waxay guddiga la wadaagtay talooyin, aragtiyo iyo isbarbardhig ku saabsan qodobbada wax-ka-beddelka xeerka, iyadoo xoogga saartay qodobbada u baahan dib-u-habayn, iswaafajin iyo xoojinta ka-qaybgalka bulshada si loo helo xeer hufan, casri ah, oo si wanaagsan uga jawaaba baahiyaha maamulka iyo dowladaha hoose.

PUNSAA waxay uga mahadcelinaysaa Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda fursadda wada-tashiga iyo sida ay uga go’an tahay in dib-u-eegista xeerarku noqoto mid loo dhan yahay, kana tarjumaysa aragtida qaybaha kala duwan ee bulshada.

Hambalyo 1-da Luulyo — Sanad-guurada 66aad ee Xurriyadda iyo Midnimada Soomaaliya (1960–2026).Dalladda Ururrada Bulshada...
01/07/2026

Hambalyo 1-da Luulyo — Sanad-guurada 66aad ee Xurriyadda iyo Midnimada Soomaaliya (1960–2026).

Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha leh ee 1-da Luulyo.

Maalintani waa xusuus qaran oo ka turjumaysa halgankii, naf-hurnimadii iyo midnimadii lagu hanaday xornimada Soomaaliya. Waxaan Alle ka baryaynaa inuu dalkeenna ku manneysto nabad, midnimo, xasillooni iyo horumar waara.

Xurriyad, Midnimo iyo Xasillooni Waarta.

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Dallada PUNSAA booqasho rasmi ah ku yimid wafdi heer sare ah oo ka socday ururrada bulshad...
21/06/2026

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Dallada PUNSAA booqasho rasmi ah ku yimid wafdi heer sare ah oo ka socday ururrada bulshada rayidka ah ee Gobolka Garissa, Kenya. Wafdiga waxaa ka mid ahaa masuuliyiin ka socday Gobolka Garissa, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Garissa, iyo saraakiil ka socday VNG International oo martigelisay booqashadan.

Kulanka ayaa ku qabsoomay jawi isfaham iyo wada-tashi, waxaana la isku dhaafsaday khibrado iyo aragtiyo ku saabsan doorka bulshada rayidka ah ee xoojinta maamul-wanaagga, kor u qaadista ka qaybgalka bulshada, iyo dardargelinta horumarka waara.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa adkeeyey muhiimadda iskaashiga iyo wax wada qabsiga, iyagoo ku heshiiyey in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta mustaqbalka si loo hormariyo danaha bulshada ee labada dhinac.

Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa maanta xarunteeda ku qaabishay wafdi ka socday Pluralism...
17/06/2026

Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa maanta xarunteeda ku qaabishay wafdi ka socday Pluralism Democratic & Development Organization (PDDO), oo booqasho rasmi ah ku yimid xarunta dalladda.

Intii kulanku socday, Pluralism Democratic & Development Organization PDDO waxay PUNSAA ku wareejisay buugga Af-Soomaaliga ah ee “Naqshadaynta Nidaamyada Doorashooyinka”, kaas oo ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda fahamka nidaamyada doorashooyinka, wacyiga dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka muwaadiniinta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ahi ku leedahay horumarinta dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga, iyo taageeridda geeddi-socodka doorashooyinka Puntland. Labada dhinac ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta hay’adaha bulshada rayidka ah si loo kobciyo ka qaybgalka shacabka iyo horumarka bulshada.

PUNSAA waxay uga mahadcelinaysaa PDDO booqashadan qiimaha leh iyo hadiyadda buugga, iyadoo rajaynaysa in wada-shaqaynta labada hay’adood ay sii xoojiso dadaallada lagu horumarinayo dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo ka qaybgalka bulshada ee Puntland.

Address

Aaga Wasaaradaha (Ministries Area)
Garowe
GAROWE

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when PUNSAA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to PUNSAA:

Shortcuts

Share