19/05/2026
Hayβadaha Somali Public Agenda iyo Puntland Development Research Center-PDRC ayaa qabanaya madashii 4-aad ee tixanaha Maareynta Marxaladda Kala-guurka.
Ujeeddada kulamadan, oo lagu qabto X Spaces, waa in la fududeeyo fahamka aragtiyada ay dhinacyadu ka qabaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka uu khilaafku ka taagan yahay. Sidoo kale, waxa ay abuurayaan fursad suβaalo lagu weydiin karo, laguna wadaagi karo talooyin iyo aragtiyo.
Kulanka afaraad waxaa marti ku ah xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo kala ah, Dr. Maxamed Aadan Koofi, iyo Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab).
Nagusoo biir habeenka Arbacada abbaare 9:00 pm. Link-gan isticmaal:
https://x.com/i/spaces/1nxnRYDMyjLxO