UNS Student Community

UNS Student Community The Official Page for the University of Northeastern Somalia Student Union
Current Prez: Abdirizak mohamed Ahmed (Bulshawi).

Doors open when you possess positive attitude.
11/06/2026

Doors open when you possess positive attitude.

We stand with Omar Abdulkadir Arten.
11/06/2026

We stand with Omar Abdulkadir Arten.

Bari oo taariikhdu tahay 30-ka May 2026, waxaa si rasmi ah u bilaabanaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda Puntland e...
29/05/2026

Bari oo taariikhdu tahay 30-ka May 2026, waxaa si rasmi ah u bilaabanaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee ardayda Fasalka 8aad iyo Fasalka 12aad ee dugsiyada Puntland.

UNS Student Community Waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda u fariisanaysa imtixaankan muhiimka ah, kaas oo ah mid lagu miro-dhalinayo dadaalkii, dulqaadkii iyo wakhtigii ay ku bixiyeen waxbarashadooda. Waxaan idiin rajaynaynaa in aad imtixaanka ku gashaan kalsooni, degganaansho iyo niyad wanaag, si aad u gaartaan natiijooyin wanaagsan oo ka tarjumaya aqoontiinna iyo kartidiinna.

Waxaan Alle ka baryaynaa inuu ardayda u fududeeyo imtixaanka, kana dhigo kuwo ku guulaysta himilooyinkooda iyo hammigooda waxbarasho. Guul ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin.

Dhammaan Ardayda Jaamacadda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay tacsida iyo murugada la qeybsanayaan ehelka iyo qaraabada ay k...
28/04/2026

Dhammaan Ardayda Jaamacadda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay tacsida iyo murugada la qeybsanayaan ehelka iyo qaraabada ay ka geeriyootay Hooyo Caasho Jaamac Cali (Seed), oo 3dii bilood ee lasoo dhaafay ku xanuun saneyd magaalada Burtinle.

Si gaar ah, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa walaasheen Cabdillaahi Xuseen oo ka mid ah ardayda jaamacadda, geerida naxdinta leh ee ku timid ayeeydeed. Waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu Ayeeyo naxariistiisa janno ka waraabiyo, qabrigeedana u waasiciyo, kitaabkeedana midigta kasiiyo. Aamiin🤲

Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda  ,   Ahmed, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xukuumadda cusub ee Ardayda Jaamacadda...
18/04/2026

Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda , Ahmed, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xukuumadda cusub ee Ardayda Jaamacadda Bosaaso, Garoowe.

Hambalyo caleema saarka Guddoomiyaha cusub, , iyo dhammaan xukuumadda 9aad ee Ardayda Jaamacadda Bosaaso-Garowe. Waxaan Alle ka baryayaa inuu xilkaas idiinku asturo, idiinna waafajiyo gudashadiisa si hufan oo daacadnimo leh.

Magac u bixi jawigaan.
18/04/2026

Magac u bixi jawigaan.

Sanadkii 2025–2026, Xukuumadda Ardayda UNS Students Community waxay si hufan u fulisay waajibaadkeedii, iyadoo xoogga sa...
06/04/2026

Sanadkii 2025–2026, Xukuumadda Ardayda UNS Students Community waxay si hufan u fulisay waajibaadkeedii, iyadoo xoogga saartay horumarinta aqoonta, kobcinta xirfadaha, iyo isku xirka ardayda iyo jaamacadda. Waxaan hirgelinay barnaamijyo kala duwan oo wax ku ool ah, kuwaas oo si toos ah u taabtay arimaha iyo horumarka ardayda.

Mudadaas waxaan qabannay tababaro muhiim ah oo kor u qaaday fahamka iyo ka qaybgalka ardayda. Sidoo kale, waxaan xoojinnay ka qaybqaadashada hawlaha bulshada ee ka baxsan jaamacadda, taas oo muujisay doorka ardaydu ku leeyihiin bulshada guud.

Dhinaca kale, waxaan dhiirrigelinay isdhexgalka iyo midnimada ardayda anagoo qabanqaabinay tartamo sports ah, barnaamijyo horumarineed, iyo adeegyo waxbarasho sida horumarinta library-ga. Tallaabooyinkan waxay horseedeen jawi waxbarasho oo firfircoon oo dhiirrigeliya hal-abuurka iyo wada shaqeynta.

Sanadka soo socda, waxaan hiigsaneynaa inaan sii xoojino dadaalladan, anagoo diiradda saarayna hal-abuur cusub, fursado ballaaran oo ardaydu ka faa’iideystaan, iyo horumar joogto ah oo ku saabsan tayada Ardayda.

Waxaan rajeynaynaa in aan gaarno heerar ka sarreeya kuwii h**e, si aan u dhisno bulsho ardayeed oo ka tayo wanaagsan, ka firfircoon, kana saameyn weyn.

University of Northeastern Somalia
UNS Student Community Highlights

02/04/2026

Indeed.

Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda Waqooyi Bari Soomaaliya, Abdirizak Mohamed Ahmed, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ...
29/03/2026

Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda Waqooyi Bari Soomaaliya, Abdirizak Mohamed Ahmed, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xukuumadda cusub ee Ardayda Jaamacadda Bariga Africa, Garoowe.

Hambalyo caleema saarka Guddoomiyaha cusub, Cabdiqaadir X. Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Salma Siciid, iyo dhammaan xubnaha xukuumadda. Waxaan Alle ka baryayaa inuu xilkaas idiinku asturo, idiinna waafajiyo gudashadiisa si hufan oo daacadnimo leh.

26/03/2026

Furaha English ka waxaa naga hortaagan ismaaweelinteena.

Address

CF5R+HX 7
Garowe

Opening Hours

Monday 08:00 - 22:00
Tuesday 08:00 - 22:00
Wednesday 08:00 - 22:00
Thursday 08:00 - 22:00
Saturday 08:00 - 22:00
Sunday 08:00 - 22:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when UNS Student Community posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to UNS Student Community:

Shortcuts

Share