UNS Student Community

Directions Website Contact the organization

UNS Student Community The Official Page for the University of Northeastern Somalia Student Union
Current Prez: Abdirizak mohamed Ahmed (Bulshawi).

Hambalyo Ardayda Reer PuntlandHambalyo dhammaan Ardayda Reer Puntland ee loo soo dhajiyey natiijada Imtixaanka Shahaadig...
22/08/2026

Hambalyo Ardayda Reer Puntland
Hambalyo dhammaan Ardayda Reer Puntland ee loo soo dhajiyey natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12aad. Waxaad maanta gaadheen mid ka mid ah guulaha ugu muhiimsan ee bilowga u ah safarkiinna aqooneed iyo mustaqbalkiinna.

Waxaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin natiijo aad ku faraxdaan, oo idinku dhiirrigelisa inaad sii waddaan dadaalka iyo waxbarashada.

Alle ha idiin barakeeyo aqoonta aad barateen, ha idiin siyaadiyo cilmiga iyo fahamka, hana idiin fududeeyo marxaladda xigta ee waxbarashadiinna.
University of Northeastern Somalia UNS Student Community Women Social Workers

20/08/2026
13/08/2026

What should a university graduate be able to do?

1. Can you write a professional report?
2. Can you present your ideas confidently?
3. Can you conduct basic research?
4. Can you analyze a social problem?
5. Can you design a project?
6. Can you defend an argument?
7. Can you communicate professionally in English?
8. Can you turn knowledge into something useful?

Waxaa farxad wayn ii ah in aan ka qayb qalay kulan aqooneed ay soo abaabushay Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta Pun...
11/08/2026

Waxaa farxad wayn ii ah in aan ka qayb qalay kulan aqooneed ay soo abaabushay Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta Puntland (PDRC), kaas oo diirada saarayay Ahmiyadda Cilmi-baaristu u leedahay Maamulka Ardayda iyo in cilmibaaristu tahay aalad aan laga maarmi karin.

Kulanku waxaa nalooku iftiimiyey, in cilmi-baaristu tahay saldhig lagu dhiso go'aan-qaadid wanaagsan, laga bilaabo baaritaanka baahida, ilaa qorshaynta iyo qiimeynta natiijooyinka.

Waxaan aad uga mahad celineynaa aniga iyo dhiggaygu, PDRC martigelinta iyo hagitaanka fikradeed, sidoo kalena waxaan si gaar ah ugu mahad naqeynaa , Madaxa Barnaamijyada, khibradiisa iyo aqoontiisa noogu faa'iideeyey.
University of Northeastern Somalia UNS Student Community

Doors open when you possess positive attitude.
11/06/2026

Doors open when you possess positive attitude.

We stand with Omar Abdulkadir Arten.
11/06/2026

We stand with Omar Abdulkadir Arten.

Bari oo taariikhdu tahay 30-ka May 2026, waxaa si rasmi ah u bilaabanaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda Puntland e...
29/05/2026

Bari oo taariikhdu tahay 30-ka May 2026, waxaa si rasmi ah u bilaabanaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee ardayda Fasalka 8aad iyo Fasalka 12aad ee dugsiyada Puntland.

UNS Student Community Waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda u fariisanaysa imtixaankan muhiimka ah, kaas oo ah mid lagu miro-dhalinayo dadaalkii, dulqaadkii iyo wakhtigii ay ku bixiyeen waxbarashadooda. Waxaan idiin rajaynaynaa in aad imtixaanka ku gashaan kalsooni, degganaansho iyo niyad wanaag, si aad u gaartaan natiijooyin wanaagsan oo ka tarjumaya aqoontiinna iyo kartidiinna.

Waxaan Alle ka baryaynaa inuu ardayda u fududeeyo imtixaanka, kana dhigo kuwo ku guulaysta himilooyinkooda iyo hammigooda waxbarasho. Guul ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin.

Dhammaan Ardayda Jaamacadda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay tacsida iyo murugada la qeybsanayaan ehelka iyo qaraabada ay k...
28/04/2026

Dhammaan Ardayda Jaamacadda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay tacsida iyo murugada la qeybsanayaan ehelka iyo qaraabada ay ka geeriyootay Hooyo Caasho Jaamac Cali (Seed), oo 3dii bilood ee lasoo dhaafay ku xanuun saneyd magaalada Burtinle.

Si gaar ah, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa walaasheen Cabdillaahi Xuseen oo ka mid ah ardayda jaamacadda, geerida naxdinta leh ee ku timid ayeeydeed. Waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu Ayeeyo naxariistiisa janno ka waraabiyo, qabrigeedana u waasiciyo, kitaabkeedana midigta kasiiyo. Aamiin🤲

Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda  ,   Ahmed, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xukuumadda cusub ee Ardayda Jaamacadda...
18/04/2026

Guddoomiyaha Ardayda Jaamacadda , Ahmed, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xukuumadda cusub ee Ardayda Jaamacadda Bosaaso, Garoowe.

Hambalyo caleema saarka Guddoomiyaha cusub, , iyo dhammaan xukuumadda 9aad ee Ardayda Jaamacadda Bosaaso-Garowe. Waxaan Alle ka baryayaa inuu xilkaas idiinku asturo, idiinna waafajiyo gudashadiisa si hufan oo daacadnimo leh.

Magac u bixi jawigaan.
18/04/2026

Magac u bixi jawigaan.

Address

CF5R+HX 7
Garowe

Opening Hours

Monday 08:00 - 22:00
Tuesday 08:00 - 22:00
Wednesday 08:00 - 22:00
Thursday 08:00 - 22:00
Saturday 08:00 - 22:00
Sunday 08:00 - 22:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when UNS Student Community posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to UNS Student Community:

Shortcuts

Share