PSU Student's Development Association

Call Directions Website Contact the organization

PSU Student's Development Association Join us and grow!

PSUSDA at Puntland State University supports students’ growth through skill-building, mentorship, and career development programs, helping them excel academically and professionally.

Booqasho Jaamacadda PlasmaMadaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane Abd...
03/10/2026

Booqasho Jaamacadda Plasma

Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane Abdihakiim Mohamud Ahmed (Cimbiriq), ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Plasma ee magaalada Muqdisho.

Booqashadu waxay qayb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya ururrada ardayda iyo jaamacadaha Soomaaliyeed.


1-Oktoobar-2026,maalinimo khamiis ah.Booqasho dekada somaliaMadaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland ...
01/10/2026

1-Oktoobar-2026,maalinimo khamiis ah.

Booqasho dekada somalia

Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane Abdihakiim Mohamud Ahmed (Cimbiriq), ayaa booqasho ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu ugu kuurgalay howlaha iyo adeegyada ka socda dekedda.

Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhaweyey dekadda Taliye ku xigenka dekada somalia Mr Mohamed Aden Shalaqben iyo Sargaalad Asiyo Abdihamiid, oo ka mid ahayd Dufcaddii 19-aad ee ka qalin-jabisay Jaamacadda Puntland State University (PSU), haatanna ka mid ah hawlwadeennada Dekada.


29,Sept,2026Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane Abdihakiim Mohamu...
30/09/2026

29,Sept,2026

Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane Abdihakiim Mohamud Ahmed (Cimbiriq), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd safarka shaqo ee uu Madaxweynaha ururka ku joogo Muqdisho, iyadoo ujeeddadu ahayd xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya ururrada ardayda iyo jaamacadaha Soomaaliyeed.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweyne Cimbiriq wuxuu la kulmay maamulka iyo qaar ka mid ah bahda ardayda Jaamacadda SIMAD, waxaana laga wada hadlay fursadaha is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta adeegyada ardayda.


28-ka Sebtembar Madaxwaynaha Ururka horumarinta ardayda jaamacadda Puntaland State university (PSU)ee (PSUSDA) mudane Ab...
28/09/2026

28-ka Sebtembar

Madaxwaynaha Ururka horumarinta ardayda jaamacadda Puntaland State university (PSU)ee (PSUSDA) mudane Abdihakiim Mohamuud Ahmed iyo Mudane Abdihamiid Abdirahman Mohamed ayaa ka qaybgalnay “Kulanka Wadatashiga Miisaaniyadda Sanadeedka 2027” oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo socday muddo saddex maalmood ah, waxaa looga hadlay horumarinta miisaaniyadda dalka, xoojinta dakhliga dowladda iyo sidii loo horumarin lahaa maareynta dhaqaalaha qaranka.

Waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo kulamadan muhiimka ah, ansgoo aaminsan in dhalinyaradu door muhiim ah ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, isla markaana ay waajib tahay inay ka qaybqaataan doodaha iyo arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka dalka.

Mahadsanidiin.

26-Sept-2026 xafiiska ra'iisul wasaaraha qaranka soomaaliya.Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland ...
26/09/2026

26-Sept-2026 xafiiska ra'iisul wasaaraha qaranka soomaaliya.

Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU) mudane abdihakiim cimbiriq oo weheliyo mudane abdihamiid abdirahman ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, halkaas oo uu kula kulmay Mudane Cabdinaasir Axmed Bashiir, Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka, wada-shaqaynta iyo is-dhexgalka hay’adaha dowladda iyo ururrada ardayda jaamacadaha, gaar ahaan dadaallada ku aaddan horumarinta iyo kobcinta doorka dhallinyarada Soomaaliyeed.


25/09/2026

Waxaa si habsami leh u qabsoomay Monitoring and Evaluation Training, oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), iyadoo ay hoggaaminaysay Marwo Iqra Abdifataah Mohamud, Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Ardayda PSU.

Tababarku wuxuu diiradda saaray muhiimadda Kormeerka iyo Qiimaynta (Monitoring and Evaluation), iyo sidii ardaydu u horumarin lahaayeen aqoontooda iyo xirfadahooda la xiriira qorshaynta, dabagalka iyo qiimaynta mashaariicda iyo barnaamijyada kala duwan.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha, tababarka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta iyo guusha tababarkan.


Muqdisho, — 23 Sebtembar 2026Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane ...
23/09/2026

Muqdisho, — 23 Sebtembar 2026

Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane Abdihakiim Mohamud Ahmed Cimbiriq, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Ururka Ardayda Jaamacadda Jamhuuriya, ee (JUSA) kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada urur ee ardayda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa wada-shaqayn joogto ah oo miro-dhal ah, iyadoo labada dhinac ay isla garteen in la xoojiyo xiriirka ardayda, la is-weydaarsado khibradaha iyo aqoonta, lana hirgeliyo barnaamijyo iyo mashaariic wadajir ah oo wax weyn ka tari kara horumarinta ardayda iyo jaamacadaha.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si gaar ah uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay horumarinta xirfadaha ardayda, tababarrada aqooneed iyo kuwa xirfadeed, cilmi-baarista, hal-abuurka, hoggaaminta dhalinyarada, is-dhexgalka ardayda iyo fursadaha waxbarasho.




Ogaysiis.Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSUSDA) wuxuu soo  qabanqaabiyay Tababar ku sa...
23/09/2026

Ogaysiis.

Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSUSDA) wuxuu soo qabanqaabiyay Tababar ku saabsan Kormeerka iyo Qiimaynta (Monitoring & Evaluation).

Tababarku wuxuu ardayda siin doonaa aqoon iyo faham ku saabsan qorshaynta, kormeerka, qiimaynta iyo cabbirka natiijooyinka mashaariicda iyo barnaamijyada.

Macallinka Martida ah: Ahmed Abshir Mohamed


Talaado, 22-ka Sebtembar 2026Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane ...
23/09/2026

Talaado, 22-ka Sebtembar 2026

Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane Abdihakiim Mohamud Ahmed (Cimbiriq), ayaa magaalada Muqdisho si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana soo dhaweyntiisa sameeyay Midowga Ururrada Ardayda Jaamacadaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay madaxda iyo xubnaha Midowga Ururrada Ardayda Gobolka Banaadir soo dhaweynta iyo martigelinta diirran, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya ururrada ardayda jaamacadaha dalka.

Talaado, 15 Sebtembar 2026Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane Abd...
15/09/2026

Talaado, 15 Sebtembar 2026

Madaxweynaha Ururka Horumarinta Ardayda Jaamacadda Puntland State University (PSU), Mudane Abdihakiim Mohamud Ahmed (Cimbiriq), oo uu weheliyo Mudane Abdihamiid Abdirahman Mohamed, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Safarkan shaqo ayaa daaran booqashada jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha waxbarashada, iyo sidoo kale ka qaybgalka shirar iyo kulamo kala duwan oo la xiriira horumarinta ardayda iyo waxbarashada.



Address

Puntland State University
Garowe

Telephone

+252907344119

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when PSU Student's Development Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to PSU Student's Development Association:

Shortcuts

Share