Hogsan Development Center HDC.

Hogsan Development Center HDC. HDC:-Established in 2023.

We focus on: -📚 Training 📊 Research 🌍 Social Development 🗣️Consultation Empowering communities through knowledge, innovation, and inclusive development.

Dedaal Academy iyo Ha’yadda Hogsan Development Center ayaa maanta tababar muhiim ah oo la xiriira Essential Soft Skills ...
23/12/2025

Dedaal Academy iyo Ha’yadda Hogsan Development Center ayaa maanta tababar muhiim ah oo la xiriira Essential Soft Skills ka qabtay xarunta Jaamacadda Green Hope.

Tababarkan oo ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda xirfadaha shaqsiga ah iyo kuwa la-tacaamulka bulshada, ayaa waxaa ka faa’iideystay arday iyo dhallinyaro aqoon iyo hami leh.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha iyo bahda isku duubnida leh ee suurtagelisay qabsoomidda barnaamijkan.

23/12/2025

Dedaal Academy iyo Ha’yadda Hogsan Development Center ayaa maanta tababar muhiim ah oo la xiriira Essential Soft Skills ka qabtay xarunta Jaamacadda Green Hope.

Tababarkan oo ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda xirfadaha shaqsiga ah iyo kuwa la-tacaamulka bulshada, ayaa waxaa ka faa’iideystay arday iyo dhallinyaro aqoon iyo hami leh.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha iyo bahda isku duubnida leh ee suurtagelisay qabsoomidda barnaamijkan.

Bahda Hogsan waxay si kal iyo laab ah hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Amina Ahmed Aadan iyo Nasser Mahamed Abdi oo si g...
28/11/2025

Bahda Hogsan waxay si kal iyo laab ah hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Amina Ahmed Aadan iyo Nasser Mahamed Abdi oo si guul leh u soo afmeeray Heerkooda Koowaad ee Waxbarashada.

Waxaan idiinku hambalyaynaynaa dadaalkiinna, dulqaadkiinna iyo go'aankiinna adag ee aad uga miro dhaliyay hiigsiga waxbarasho. Guushiinnu waa dhiirigelin weyn oo tusaale u ah dhalinyarada kale ee ku hamineysa horumar iyo waxbarasho sare.

Hogsan waxay idiin rajaynaysaa mustaqbal ifaya, hawlkarnimo joogto ah iyo in aqoontiinna ay qeyb libaax ka qaadato horumarinta bulshada iyo dalka.

🎓 Shahaado Gudoonsiin – Adhicadeeye 🎉waxaa si rasmi ah xarunta Adhicadeeye loogu soo xiray tababar muhiim ah oo ay soo q...
19/10/2025

🎓 Shahaado Gudoonsiin – Adhicadeeye 🎉

waxaa si rasmi ah xarunta Adhicadeeye loogu soo xiray tababar muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Ha’yadda Hogsan Development Center (HDC), kaas oo ardayda deegaanka lagu baray xirfado kala duwan oo kor u qaadaya aqoontooda iyo ka qaybgalka bulshada.

Waxaa lagu soo gabagabeeyay barnaamijka iyadoo ardaydii ka faa’iideysatay la gudoonsiiyay shahaadooyin aqoonsi ah.

HDC waxay mar walba u taagan tahay horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dhisidda bulsho hufan.

Hambalyo dhammaan ardayda!

Ha’yadda Hogsan Development Center (HDC) ayaa si guul leh tababar muhiim ah uga qabatay deegaanka Adhicadeeye ee gobolka...
17/10/2025

Ha’yadda Hogsan Development Center (HDC) ayaa si guul leh tababar muhiim ah uga qabatay deegaanka Adhicadeeye ee gobolka Sool,kaasoo lagu bartay xirfado kor u qaadaya aqoonta iyo ka-qaybgalka ardayda deegaanka.

Ujeeddada tababarka, waxay ahayd in la xoojiyo kartida, kalsoonida iyo doorka dhalinyarada ee bulshada dhexdeeda.

HDC waxay sii wadi doontaa garab istaagga horumarka dhalinyarada Soomaaliyeed.

10/10/2025

Warbixin Kooban:- Degmada Adhicadeeye,ee Gobolka Sool waxaa lagu qabtay barnaamij muhiim ah oo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabad waarta,kaas oo ay soo agaasintay Hogsan Development Center (HDC).

Degmada Adhicadeeye Ee Gobalka Sool.Ha’yadda  Hogsan Development Center (HDC) ayaa muddo kooban tababar muhiim ah ku qab...
09/10/2025

Degmada Adhicadeeye Ee Gobalka Sool.

Ha’yadda Hogsan Development Center (HDC) ayaa muddo kooban tababar muhiim ah ku qabatay Degmada Adhicadeeye ee Gobolka Sool, kaas oo ku saabsanaa:- (Reconciliation and Sustainable Peace Development)

Tababarka waxaa ka qeybgalay, odoyaasha dhaqanka,bahda waxbarashada, iyo dhalinyarada deegaanka,kuwaas oo door weyn ka qaadan kara xoojinta nabadda iyo horumarka bulshada.

Wuxuu ahaa barnaamij si kooban u socday balse leh faa’iido ballaaran oo ku wajahan fahamka is-dhexgalka, dib-u-heshiisiinta, iyo dhismaha nabad waarta.

  Q2 : Shahaado Bixinta ardayda qaadatay Tababarka Maareynta Khilaafaadka & Dhismaha Nabadda – Laascaanood.
26/09/2025

Q2 : Shahaado Bixinta ardayda qaadatay Tababarka Maareynta Khilaafaadka & Dhismaha Nabadda – Laascaanood.

  Bixinta ardayda qaadatay Tababarka Maareynta Khilaafaadka & Dhismaha Nabadda – Laascaanood.Barnaamijkan oo socday mudd...
25/09/2025

Bixinta ardayda qaadatay Tababarka Maareynta Khilaafaadka & Dhismaha Nabadda – Laascaanood.

Barnaamijkan oo socday muddo labo maalmood ah ayaa lagu bartay xirfado muhiim ah oo ku saabsan:
- Maareynta khilaafaadka
- Dhismaha nabadda
- Isfahamka bulshada
- Xallinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wada-hadal

Ardayda ka qeyb gashay tababarkan waxay galeen group discussions, su’aalo iyo jawaabo, iyo doodo wax dhisaya oo ka tarjumaya duruufaha dhabta ah ee bulshada.

Maantay, 25-ka September 2025, ayaa si rasmi ah loo qabtay xafladdii shahaado bixinta tababarka. Ardaydii dhamaysatay barnaamijka si buuxda ayaa loo guddoonsiiyay shahaadooyin aqoonsi ah, iyagoo muujiyay farxad iyo dareen guul leh.

: Barnaamijkan wuxuu qayb weyn ka qaadanayaa sare u qaadista wacyiga dhallinyarada ee la xiriira nabadeynta, wada noolaanshaha, iyo xalinta khilaafaadka.





Hay'adda Hogsan oo iska kaashanaysa Jaamacadda Alpha – Laascaanood ayaa qabatay Tababar ku saabsan Conflict Management a...
24/09/2025

Hay'adda Hogsan oo iska kaashanaysa Jaamacadda Alpha – Laascaanood ayaa qabatay Tababar ku saabsan Conflict Management and Peace Building.

Barnaamijkaan muhiimka ah oo la xiriira Maareynta Khilaafaadka iyo Dhismaha Nabadda (Conflict Management and Peace Building) ayaa lagu qabtay magaalada Laascaanood, kaas oo si gaar ah loogu talagalay ardayda Jaamacadda Alpha.

Tababarkan waxaa iska kaashaday Hay’adda Hogsan Development Center iyo Jaamacadda Alpha Laascaanood, iyada oo casharrada iyo hagidda aqoonta ay bixisay Ustaad Muno Maxamuud Barre.

Intii lagu guda jiray tababarka, ardaydu waxay fursad u heleen:

✅️ In ay fahmaan muhiimadda maareynta khilaafaadka iyo sida loo xalliyo si hufan.
✅️In ay ka qayb qaataan su’aalo iyo dood furan (Group Discussions) taas oo kor u qaadday wada shaqeynta, fahamka iyo aragtida kala duwan ee ardayda.
✅️ In ay kasbadaan xirfado wax ku ool ah oo lagu dhisayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Barnaamijkan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo aqoonta iyo doorka dhalinyarada ee dhinacyada , wadajirka iyo horumarka bulshada.

: Tababarku waxa uu noqday mid guul ah, isagoo kor u qaaday fahamka ardayda ee ku saabsan nabadda, xallinta khilaafaadka iyo hoggaaminta bulshada. Waxaana si weyn ugu mahadcelinayaa , Jaamacadda Alpha oo barnaamijkan hormuud u ahayd iyo macallimaddeena qiimaha badan Ustaad Muno Maxamuud Barre oo door muuqda ka qaadattay barnaamijkan.

23/09/2025

Waxaa xarunta jaamacadda Alpha University Laascaanood ka qabsoomi doona tababar muhiim ah oo ay iska kaashadeen jaamacadda iyo xarunta Hogsan Development Center kaaso cinwaankiisu yahay"Conflict Management and Peace Building"

Ujeeddada tababarka ayaa ah fahamka khilaafaadka iyo sababaha keena, nidaamyada xalinta khilaafaadka, dhismaha nabadda iyo siday bulshadu isaga kaashan lahaayeen, iyo sidoo kale kaalinta dhalinyarada ee nabad dhisidda

Ardeyda dhameysata tababarkan waxay heli doonaan shahaado rasmi ah oo cadeynasa qaadashada iyo dhameysashada tababarkan,
waxayna baran doonaan xirfado muhiim ah oo nololeed iyo kuwo bulsho ah.

📍Goobta: Xarunta Jaamacadda
🗓️ Mudada: Laba maalmood
🕗 Waqtiga: Subax kasta 8:00 AM – 10:00 AM

đź“©Link ga hoose Isdiiwaangali hadda si aad uga mid noqoto barnaamijkan qiimaha leh:
WhatsApp](https://chat.whatsapp.com/Bk1Vvt8Ykrk5VbloBgJiL7?mode=ems_copy_t)

Address

Garoowe
Garowe

Telephone

+252907873244

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hogsan Development Center HDC. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hogsan Development Center HDC.:

Share