18/07/2026
Shirweynaha Haweenka Puntland iyo Reer Hanbile
ururka Hanbile Youth Development Initiative waxay sharaf u ahayd ka qaybgalka Shirweynaha Haweenka Puntland, oo ah madal muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodsiinta haweenka, horumarinta sinnaanta fursadaha, kor u qaadidda waxbarashada, helitaanka adeegyada caafimaadka iyo caddaaladda, iyo kordhinta ka qaybgalka haweenka ee nabad-dhiska iyo dowladnimada.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Ministry of Women Development & Family Affairs Dowladda Puntland, dadaalka iyo abaabulka shirkan muhiimka ah, kaas oo horseedaya wada-tashi iyo horumar ku saabsan doorka haweenka ee bulshada.