21/10/2025
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Alle ha u naxariisto Agaasimihii Hay’adda PDRC, Ali Farah Ali, oo maanta ku geeriyooday magaalada Garowe. Ilaahay ha u fududeeyo su’aasha qabriga, hana ka mid yeelo addoomadiisa uu jecel yahay.
Bahda Hanbile Youth Development Initiative waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan geerida naxdinta leh ee ku timid Agaasime Ali Farah Ali, dhammaan shaqaalaha PDRC, qoyskiisa, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo uu ka baxay.
Marxuumku wuxuu ahaa halyey taariikhdiisu ku suntan tahay nabad-dhisid, barbaarin bulsho, iyo horumar waara. Wuxuu hormuud ka ahaa dadaallada nabad raadinta Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.
Alle ha u naxariisto marxuumka, Jannatul Firdowsna ha ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, iyo dhammaan bahda PDRC.