Garbaharey public Libarary

Garbaharey public Libarary Puplic library located Garbahaarrey Gedo Somalia

12/07/2026

Maktabadd waa xarun aqooneed oo bulshada u adeegta, kuna dhiirrigelisa akhriska, qoraalka iyo kobcinta aqoonta. Maktabaddu waxay qabataa barnaamijyo akhris, dood-cilmiyeedyo, bandhigyo buugaag iyo kulamo aqooneed, iyadoo si gaar ah fursado waxbarasho iyo horumarineed u siisa dhallinyarada iyo ardayda.

๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ ๐–๐š๐๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐†๐š๐ซ๐›๐š๐ก๐š๐ซ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐ž๐ž๐ง ๐†๐š๐ซ๐›๐š๐ก๐š๐ซ๐ž๐ฒ ๐๐ฎ๐›๐ฅ๐ข๐œ ๐‹๐ข๐›๐ซ๐š๐ซ๐ฒGalabta waxaa Garbaharey publ...
11/07/2026

๐€๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ ๐–๐š๐๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐†๐š๐ซ๐›๐š๐ก๐š๐ซ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐ž๐ž๐ง ๐†๐š๐ซ๐›๐š๐ก๐š๐ซ๐ž๐ฒ ๐๐ฎ๐›๐ฅ๐ข๐œ ๐‹๐ข๐›๐ซ๐š๐ซ๐ฒ

Galabta waxaa Garbaharey public Libarary ka qabsoomay akhris wadareed ay ka qeyb galeen dhalinyarada degmada Garbaharey. Dhalinyaradu waxay waqti ku bixiyeen akhriska buugaag kala duwan, iyagoo is dhaafsaday fikrado iyo aqoon ku saabsan mowduucyada ay akhrinayeen.

Kulankan ayaa muujinaya sida ay dhalinyarada Garbaharey uga go'an tahay kororsiga aqoonta, kobcinta dhaqanka akhriska, iyo ka faa'iidaysiga maktabadda oo ah xarun muhiim u ah waxbarashada iyo horumarinta bulshada.๐–๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐š๐ก๐š๐ฒ๐ ๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ง ๐œ๐š๐ฃ๐ข๐ข๐› ๐š๐ก ๐ข๐ง ๐›๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐š๐ ๐ญ๐ข๐ข ๐ ๐š๐ฅ๐š๐›๐ญ๐š ๐ฅ๐š ๐š๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐š๐ฒ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก๐š๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š ๐ค๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐š ๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ช๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐š, ๐ฅ๐ข๐ข๐›๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐š, ๐ฃ๐š๐œ๐š๐ฒ๐ฅ๐ค๐š ๐๐ก๐š๐›๐ญ๐š ๐š๐ก ๐ ๐จ๐จ๐ซ๐ฆ๐ฎ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฌ๐ก๐š๐š, ๐ฑ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š ๐ข๐ฅ๐ฆ๐š๐ก๐š๐š๐ ๐š, ๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ-๐๐จ๐จ๐ง, ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐š๐ฒ๐š๐š๐ง ๐ƒ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ. Halkaas waxaad ka dareemi kartaa ina raggu wax maaganyahay.

Garbaharey public Libarary waxay sii waddaa dadaallada ay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, ugu dhiirrigelinayso akhriska, cilmi-baadhista, iyo horumarinta aqoonta.

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ง ๐Š๐ฎ ๐’๐จ๐œ๐จ๐ญ๐š ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ขAnigoo ku hadlaya magaca Maktabadda Dadweynaha Garb...
18/06/2026

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ง ๐Š๐ฎ ๐’๐จ๐œ๐จ๐ญ๐š ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข

Anigoo ku hadlaya magaca Maktabadda Dadweynaha Garbahaaray, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa maamulka, macallimiinta, ardayda iyo dhammaan bulshada ka qeyb qaadatay hirgelinta ๐Œ๐š๐ค๐ญ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข

Furitaanka maktabaddan cusub waa tallaabo qiimo weyn u leh horumarinta aqoonta, kobcinta dhaqanka akhriska, iyo dhiirrigelinta cilmi-baarista ardayda. Waxaan si gaar ah ugu bogaadinaynaa ardayda fasalka 4-aad ee dugsiga sare ee sanadkan qalin-jebinaysa, kuwaas oo lahaa fikradda curinta iyo hirgelinta maktabaddan, iyagoo muujiyey aragti fog iyo dareen masuuliyadeed.

Maktabaduhu waa xarumaha ugu muhiimsan ee kobciya maskaxda jiilka cusub, waana meel ay ardaydu ka heli karaan aqoon dheeraad ah, hal-abuur iyo xirfado waxbarasho oo ka baxsan manhajka fasalka.

Waxaan sidoo kale bogaadinaynaa dhammaan dugsiyada leh maktabadaha iyo naadiyada akhriska, kuwaas oo door weyn ka qaata faafinta dhaqanka akhriska iyo kor u qaadista heerka waxbarashada bulshada.

Waxaan caddeyneynaa in maktabadaha dugsiyada iyo naadiyada ardaydu ay yihiin kuwo si dhow ula shaqayn doona Maktabadda Guud ee Dadweynaha Garbahaaray si loo xoojiyo iskaashiga aqooneed, loo horumariyo adeegyada maktabadaha, loona abuuro jiil jecel akhriska iyo barashada joogtada ah.

Mar kale, hambalyo dhammaan intii ka qeyb qaadatay hirgelinta Maktabaddan cusub. Waa maalgashi aqooneed oo raad wanaagsan ku yeelan doona jiilka maanta iyo kuwa soo socda.

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐
๐Œ๐š๐ค๐ญ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ซ๐›๐š๐ก๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ
๐€๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐๐ก๐ข๐ข๐Ÿ ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐

Maktabadda Degmada Garbahaaray waxaa soo gaarey nuqullo ka mid ah buugga โ€œ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š  โ€ oo ay qortay ๐ƒ๐ซ. ...
30/03/2026

Maktabadda Degmada Garbahaaray waxaa soo gaarey nuqullo ka mid ah buugga โ€œ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š โ€ oo ay qortay ๐ƒ๐ซ. ๐Œ๐ข๐ฌ๐ค๐ข ๐€๐›๐๐ข๐ง๐จ๐ซ ๐’๐š๐ฅ๐š๐ฅ Buuggan waa dhaxal aqooneed oo qiimo badan, kuna saabsan daryeelka hooyada iyo kor u qaadista wacyiga caafimaad ee bulshada, gaar ahaan hooyooyinka iyo qoysaska Soomaaliyeed.

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa Dr. Miski Abdinor Salal oo buuggan ugu deeqday maktabadda, si ay uga faaโ€™iideystaan akhristayaasha, ardayda, iyo dhammaan bulshada jecel aqoonta. Taageeradan waxay muujinaysaa sida ay uga goโ€™an tahay faafinta cilmi iyo daryeel horseeda bulsho caafimaad qabta.

Mahadsanid. ๐Ÿ“š

Galabnimadii maanta waxaan la qaadanay sheekh Maxamed Xasan Yuusuf kulan qiimo badan oo uu ka jeediyey muxaadaro ku saab...
27/11/2025

Galabnimadii maanta waxaan la qaadanay sheekh Maxamed Xasan Yuusuf kulan qiimo badan oo uu ka jeediyey muxaadaro ku saabsan sida Muslimku ula noolaan karo cibaadooyinka, u ilaalin karo waajibaadka, kuna dadaali karo taskiyatu-nafsiga. Sheekh uu si qoto dheer uga faallooday aayadaha iyo axaadiista ku saabsan daahirinta nafta, isagoo si toos ah u taabanayay qalbiyadeenna, noo jeediyayna waano xikmad leh oo qalbi furan.

Alle ha u kordhiyo sheekha ajar iyo xasanaad badan. Mahadnaq gaar ah waxaan u diraynaa dhammaan asxaabtii ka faaโ€™iidaysatay kulanka. Insha Allaah waan sii wadi doonnaa barnaamijyadan bulshada iftiiminta iyo horumarinta doorarkeeda.

๐Ÿ“ข ๐Š๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐จ๐ฐ๐š๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ข ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐€๐ก!Naktabadda waxay galabta qabanaysaa barnaamij waxqabad diineed oo ku s...
27/11/2025

๐Ÿ“ข ๐Š๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐จ๐ฐ๐š๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ข ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐€๐ก!

Naktabadda waxay galabta qabanaysaa barnaamij waxqabad diineed oo ku saabsan Gudashada Cibaadooyinka, kaas oo uu jeedin doono ๐’๐ก๐ž๐ข๐ค๐ก ๐Œ๐š๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‡๐š๐ฌ๐š๐ง ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ

Barnamijkaan wuxuu ka koobanyahay laba marxaladood, waa barnaamij dhamaystiran oo kuwajahay qofka muslinka ah iyo jadwalkiisa nolalayd ee dhanka cibaadada ah iyo qaabki uu umaarayn lahaa bilow ilaa dhamaad nolashiisana uu ugu hagi lahaa cibaadada.

Waa fursad qaali ah oo aad ku baran karto sharaxaadaha iyo muhiimadda cibaadooyinka islaamka, adigoo si toos ah uga faaโ€™iidaysanaya casharro waxtar leh iyo wacdi qalbiga taabanaya.

๐Ÿ•“ ๐–๐š๐ช๐ญ๐ข๐ ๐š: ๐Ÿ’:๐ŸŽ๐ŸŽ ๐ ๐š๐ฅ๐š๐›๐ง๐ข๐ฆ๐จ
๐Ÿ“… ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š: ๐Š๐ก๐š๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ, ๐๐จ๐ฏ ๐Ÿ๐Ÿ•, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“
๐Ÿ“ ๐†๐จ๐จ๐›๐ญ๐š: ๐‡๐จ๐ญ๐ž๐ฅ ๐Œ๐ฎ๐ฆ๐ญ๐š๐š๐ณ

Kusoo biir oo ka qayb qaado barnaamijkan kheyrka leh.
Ha moogaan!

Waxaan galabta gudaha Maktabadda Dadweynaha ee Garbahaaray ku soo dhawaynay Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Dhagawayne), oo...
26/11/2025

Waxaan galabta gudaha Maktabadda Dadweynaha ee Garbahaaray ku soo dhawaynay Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Dhagawayne), oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee qurbo-joogta ah.

Wuxuu ahaa kulan xiiso gooni ah wato, waano,talooyin iyo tusaala badan ayuu nalawadaagay,
Inta uu magaalada joogo, sheekhu wuxuu qaban doonaa muxaadarooyin iyo barnaamijyo wax-tar leh oo bulshada anfici doona. Sidoo kale, wuxuu booqan doonaa dhammaan iskuullada degmada si uu ula wadaago wacdi, dhiirrigelin iyo talo waxtar leh.

Soo dhowow Sheekh Maxamed!
Waa magaaladaadii aad jecleyd iyo bulshadaadi oo u xiisa qabto lakulankaada

Address

Siyaad Barre Road
Garbahaarrey
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garbaharey public Libarary posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share