Gedo Youth Union

Gedo Youth Union Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gedo Youth Union, Community Organization, shabeel, Garbahaarrey.

Qaybtii Afaraad: Kulankii Isbeddel-doonka iyo Maamulkii Gobolka iyo kan  degmada Garbaharey 17-kii November 2018 waxaa k...
29/08/2025

Qaybtii Afaraad: Kulankii Isbeddel-doonka iyo Maamulkii Gobolka iyo kan degmada Garbaharey

17-kii November 2018 waxaa kulan ka dhacay hoolka dhalinyarada degmada Garbaharey. Kulankaas waxa ku kulmay Golaha Isbeddel-doonka Jubaland iyo Maamulkii Gobolka ee xilligaas, kuwaas oo guddoonka ugu sarreeya iyo xildhibaanno qaar ay markii h**e la fikir ahaayeen Golaha.

Kulanka waxa laga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen:

• Amniga iyo xasilloonida,

• Arrimaha Jubaland gaar ahaaneed,

• Iyo in la joojiyo bannaanbaxyada lagu muujinayo fikirka dadweynaha.

Gunaanadkii kulanka

Dood dheer ka dib, waxa la isla meel dhigay in:

• Muhiim tahay amniga iyo xasilloonida oo loo arko muqaddas,

• Dhankasta laga shaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa nabadda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la isla fahmi waayay qodobo ay ka mid ahaayeen:

• Sida loo wajahayo arrimaha Jubaland.

• Joojinta bannaanbaxyada lagu muujinayo rabitaanka shacabka Jubaland.

Gebagebo

Ugu dambayn, waxa lagu ballamay in shir kale la isugu soo laabta.

Qore Abdirisack Gurdux

Qaybtii Saddexaad: Dhismihii Maamulkii Isbedel-doonka.25th August 2018 shir ay isugu yimaadeen dhalinyarada isbedel doon...
26/08/2025

Qaybtii Saddexaad: Dhismihii Maamulkii Isbedel-doonka.

25th August 2018 shir ay isugu yimaadeen dhalinyarada isbedel doonka jubaland aya looga hadlay qodobadaan hoos ku xusan:

• Magaca isbedel-doonka.
• Samayenta maamulka isbedel-doonka.
• Fikirka dheeriga.
Dood- dheer iyo falaqayn ka bacdi waxaa la isla meel dhigay in laga maarmaan tahay magaca uu yeelanayo isbedel-doonka iyo dhismaha maamul uu yeesho.
Ugu dambayn waxaa la isla qaatay qodobadaan:
1. Magaca isbedel-doonka: Golaha isbedel-doonka Jubaland.

2. Maamulka:

• Abdirahman Mohamed Jama Gudoomiye.
• Liiban Abdullahi Omar G/kuxigeen.
• Abdirisak Omar Ismail xoghayn.
• Abdiqadir Jama Aden (kaadhim) Afhayeen.
• Abdirahman Khamiis Maaliyad.

Hoggaankan la doortay wuxuu noqday hogaankii ugu horreeyay ee dhalinyarada Isbeddel-doonka siiya jihada, nidaamka iyo qaab-dhismeedka hoggaamineed.

Natiijada iyo Qiimaha Kulanka

Kulankii 25-kii Agoosto wuxuu ahaa tallaabada taariikhiga ah ee dhaqdhaqaaqa ka dhigtay mid leh maamul rasmi ah, leh hoggaan cad, lehna magac sharciyeysan oo bulshada lagu mideeyo. Habeenkaas waxaa dhalatay yididiilo cusub, waxaana dhalinyaradii dareemeen in rabitaankoodii isbeddel uu helay meel uu ku saldhigo.

Maamulka la dhisay wuxuu noqday hogaamiyayaashii horseeday hirgelinta halgankii Isbeddel-doonka, wuxuuna bulshada u muujiyay in jiilkan cusub uu diyaar u yahay masuuliyad iyo hoggaan dhab ah oo lagu gaari karo isbeddel iyo horumar.

Qore: Abdirisack Gurdux

23/08/2025

Qeybta Koowaad: Siduu ku Bilowday Halgankii Miro Dhalay ee Loogu Magacdaray Kacdoonka Dhalinyarada Isbeddel-doonka Jubaland.

23-kii Agoosto 2018 – Habeen Khamiis ah oo xasuus gaar ah leh, saacadu markay ahayd 9:00 fiidnimo, waxaa guri ku yaallay dhabarka dambe ee Masjidka Weyn lagu qabtay kulan taariikhi ah, waxaana ku kulmay dhalinyaro iyo aqoonyahanno tiradoodu gaareysay 16 xubnood.
Kulankaasi wuxuu ahaa mid ka duwan kulamadii caadiga ahaa ee bulshada, waayo wuxuu dhaliyey aragti horleh oo cusub.Habeenkaas, dhalinyaradu waxay isku raaceen in aan la fiirsan karin xaaladda cakiran ee Jubbaland iyo gaar ahaan gobolka Gedo, isla markaana loo baahan yahay halgan cusub oo mideeya codkooda iyo rabitaanka bulshada .
Qodobadii ugu Muhiimsanaa ee Kulankaas laga hadlay waxaa ka mid ahaa:
1. Maamul-xumo ka jirtay guud ahaan gobolka – taas oo sababtay dib u dhac weyn dhalwalbo ah.
2. Daganaansho la’aan siyaasadeed – oo salka ku haysay waraaqo magacaabis soo noq noqda in badan , kuwaas oo ka imanayay maamulka Jubbaland, taasoo deegaanka ka dhex abuurtay khilaaf iyo dhibaatooyin joogto ah.
3. Horumar la’aan – deegaanka oo aan helin mashaariicdii horumarineed ee uu xaqa u lahaa, taasoo dhalisay dib-u-dhac dhinacyo badan ah.
4. Dhismaha Jubbaland – in aysan jirin saami-qeybsi cadaalad ah oo lagu dhisay maamulka Jubbaland.
Kadib dood iyo falanqayn qoto dheer, waxaa la isla qaatay in la aasaaso kacdoon dhalinyaro oo halhayskiisu yahay: “Isbeddel -Doonka Jubaland .”

Kulankaasi wuxuu noqday aas-aas ugu horreeyay kaas oo dhalinyarada ku hoggaamiyey inay qaataan masuuliyad taariikhi ah oo ay ku hogaamiyaan bulshada isbeddel, una horseedaan Jubaland jiho cusub oo ka duwan tii h**e.

Waxaa xilligaa Gobalka Gedo ku sugnaa wafti wasiiro ah oo ka mid ah maamulkii Jubaland.

Waxaa qorey Abdirisack Gurdux

La soco qaybaha xigo.

Address

Shabeel
Garbahaarrey

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gedo Youth Union posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Gedo Youth Union:

Share