Aayatiin Model Schools - مدارس آياتين النموذجية

Aayatiin Model Schools - مدارس آياتين النموذجية Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Aayatiin Model Schools - مدارس آياتين النموذجية, Community Center, Canadian houses Road in Galkayo, Gaalkacyo.

Aayatiin Model Schools, waa xarun waxbarasho oo bixisa:
🧒 Xanaano tayo sare leh
📚 Iskuulka Hoose & Dhexe
📖 Madarasada Qur’aanka Kariimka
Waxaan diiradda saarnaa barbaarinta, akhlaaqda, iyo waxbarashada tayada leh.
📍 Galkacyo
☎️ Wac: [090-6025554]

22/05/2026

📖 Madarasada Aayatiin ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka ah 📖
“خيركم من تعلم القرآن وعلمه”

22/05/2026

Imtixaanka quraanka Ardayda Madarasada Aayatiin Model Schools - مدارس آياتين النموذجية oo si guul ah noogu Soo dhamaaday. Alhamdulilaah".!

22/05/2026

Imtixaanka Qur'aanka kariimka ah.
🌙📖 مدرسة آياتين لتحفيظ القرآن الكريم 📖🌙
✨ قال رسول الله ﷺ:
"خيركم من تعلم القرآن وعلمه"

📖 Madarasada Aayatiin ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka ah 📖

"Madarasada Aayatiin waxay si hagar la’aan ah ugu adeegaysaa barbaarinta jiilka Qur’aanka, akhlaaqda wanaagsan iyo tarbiyada Islaamka.
Halkan waxaa ka socda: 📚 Xifdinta Qur’aanka Kariimka ah
🕌 Barashada Tajwiidka & Akhlaaqda
🌟 Korinta carruur leh iimaan iyo edeb suuban
Aayatiin — Hoyga Qur’aanka & Mustaqbalka Ilmahaaga.

Aayatiin Xarunta Xannaannada Carruurta
Aayatiin Model Schools - مدارس آياتين النموذجية
Aayatiin Early Childhood Education, Care & Centre

"21 May, 2026 Alxamdulilaahi, maanta waxaa si farxad leh noogu Soo gabagaboobay imtixaankii sanad dugsiyeedka 2025-2026....
21/05/2026

"21 May, 2026
Alxamdulilaahi, maanta waxaa si farxad leh noogu Soo gabagaboobay imtixaankii sanad dugsiyeedka 2025-2026.

Waxaan Hambalyo iyo duco u diraynaa dhammaan Ardaydeenna, waalidiinta juhdiga iyo Dadaalka nala garab taagnaa.

Dhammaan bahda Aayatiin oo mar walba u taagan waxbarasho, barbaarin, iyo horumarinta jiilka si loo Soo saaro jiil wanaagsan ka dhisan aqoon diini, maadi iyo qiyam wanagsan leh.

Dhammaanteen waxaa isu rajaynaynaa guul. Insha Allah isu Soo noqdo wanagsan.

20/05/2026

gaara weeye markaa haysto macalin waalidkaa oo kale ah, Barbaariso, Macalin najma iyo Ardaydeeda ubaxa Aayatiin"

"Waxaan guul iyo mustaqbal wanagsan u rajaynaynaa ardaydeenna fasalada Barbaarinta oo maanta u xirmay sanad dugsiyeedkooda waxbarashada guulaysta ubadkeenow, waa mahadsanyihiin waalidiinta iyo barayaasha Aayatiin.

"Waxaan guul iyo mustaqbal wanagsan u rajaynaynaa ardaydeenna fasalada Barbaarinta oo maanta u xirmay sanad dugsiyeedkoo...
20/05/2026

"Waxaan guul iyo mustaqbal wanagsan u rajaynaynaa ardaydeenna fasalada Barbaarinta oo maanta u xirmay sanad dugsiyeedkooda waxbarashada guulaysta ubadkeenow, waa mahadsanyihiin waalidiinta iyo barayaasha Aayatiin.

15/05/2026

Mansha'Allah, Abdirahman oo kamid ah ubaxa Xarunta waxbarashadda iyo Barbaarinta ee Aayatiin Model Schools - مدارس آياتين النموذجية
wuxuu ku xusay kalmadihiisa qiimaha badan ee wacyigalinta bulshada ah wax jiilka maanta iyo jiilasha ka danbeeya anfacaya. Allah ha barakeeyo waa hogaamiye da'yar dugsigeenna wuxuu dhisayaa hogaamiyaashii Aayatiinka.

Galkacyo nabad ah, waa Soomaaliya nabad ah.

Maanta oo ku aadan maalinta dhalinyarada soomaaliyeed 15 May, 1943.

Waa maalin dhalinyaradda maanta Laga filayo wax kawayn wixii 13-kii Dhalinyarada halgamayaasha SYL inoo Soo hoyiyeen.

🇸🇴 Hambalyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 🇸🇴15 May 1943 waa maalin xusuus iyo sharaf u leh dhalinyarada Soomaaliyee...
15/05/2026

🇸🇴 Hambalyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 🇸🇴
15 May 1943 waa maalin xusuus iyo sharaf u leh dhalinyarada Soomaaliyeed ee horseedka u ahayd xorriyadda, midnimada iyo horumarka dalka.
Xarunta Waxbarashadda iyo Barbaarinta Aayatiin Model Schools – Galkacyo waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
“Dhalinyaro aqoon leh waa iftiinka mustaqbalka Soomaaliya.”

Xafladda Abaalmarinta  horumarka waxbarashada, Dhiirrigelinta Hibada iyo Hal-abuurka ee  Ubaxa Aayatiin Maanta waxaa si ...
12/05/2026

Xafladda Abaalmarinta horumarka waxbarashada, Dhiirrigelinta Hibada iyo Hal-abuurka ee Ubaxa Aayatiin

Maanta waxaa si qurux badan noogu qabsoontay xaflad lagu maamuusay guulaha ardayda, kobcinta hibada iyo hal-abuurka.

Marwo Aisha, Agaasimaha guud ee xarunta waxbarashada iyo Barbaarinta Carruurta Aayatiin. Wuxuu bogaadisay dadaalka ardayda, macalimiinta,mamulka qaybaha waxbarashada Aayatiin, guddiga waalidiinta, hawlwadeennada xarunta iyo doorka Wasaaradda Waxbarashada ee horumarinta tacliinta. 📚

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay hal-abuurka engineerada da’yarta ah ee Ubaxa Aayatiin iyo dhaqanka hidaha Soomaaliyeed iyo wadaniyada. Abaalmarinta Ardayda dhameysay hingaada qur'aanka, Sidoo kale waxaa la xusay guulihii ardayda ee tartamada Maskax-Maalka iyo ciyaaraha aqoon-kaabka. 🏆👏

Waxaa si sharaf leh loo maamuusay Prof. Abdirisaaq Janno-gale oo door weyn ka qaatay taageerada waxbarashada carruurta agoonta ah iyo kuwa aan awoodin.

Masuuliinta, qaybaha bulshada Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa bogaadiyey dhammaan qaybaha Xarunta Aayatiin Model Schools - مدارس آياتين النموذجية :
🌸 Xarunta Xanaanada Carruurta
📘 Iskuulka Hoose/Dhexe
📖 Madarasada Qur’aanka Kariimka

Gabagabadii, Guddoomiyaha Waxbarashada Mudane Cali Cabdisahal Xaaji ayaa si rasmi ah u soo xiray xafladda isagoo dhiirrigelin u jeediyey ardayda, waalidiinta, hawlwadeenada mamulka iyo macalimiinta iyo bulshada.

11/05/2026

Modern teaching

Address

Canadian Houses Road In Galkayo
Gaalkacyo
123

Telephone

+252906025554

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aayatiin Model Schools - مدارس آياتين النموذجية posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Aayatiin Model Schools - مدارس آياتين النموذجية:

Share