25/03/2026
Madasha Nabadda iyo Horumarinta (PDF) ayaa magaalada Gaalkacyo, xarunta Gobolka Mudug, ku qabatay barnaamij dood-cilmiyeed ah oo diiradda lagu saaray laba mowduuc oo aad u muhiim ah, kuwaas oo kala ah:
1. Colaadaha Soo Noqnoqda ee Gobolka Mudug:
Dooddu waxay falanqeyn qoto dheer ka bixisay sababaha keena colaadaha soo laalaabta, arrimaha fashiliya dadaallada iyo heshiisyada nabadeed, iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaadahaasi. Waxaa si gaar ah loo iftiimiyey doorka hoggaanka dhaqanka, siyaasadda, iyo bulshada rayidka ah ee ku aaddan dhisidda nabad waarta.
2. Hirgelinta Doorashooyin Xor iyo Caddaalad ah:
Qodobkan waxaa lagu falanqeeyey sida dalka oo dhan looga hirgelin karo doorashooyin hufan oo loo dhan yahay, heer deegaan, dowlad goboleed iyo heer federaalba. Sidoo kale waxaa la iftiimiyey caqabadaha jira sida kalsooni darro siyaasadeed, daciifnimada hay’adaha, iyo arrimaha amniga.
Dood-cilmiyeedkan waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin:
- Mas’uuliyiin ka kala socday heer gobol iyo heer degmo ee maamullada Puntland iyo Galmudug
- Cuqaasha iyo hoggaanka dhaqanka
- Dhallinyarada iyo aqoonyahannada
- Ururrada haweenka
- Ururrada bulshada rayidka ah
Barnaamijkan muhiimka ah waxaa soo qaban-qaabiyey Peace and Development Forum(PDF), iyadoo ay iska kaashadeen hay’adaha Somali Peace Line (SPL) iyo Life & Peace Institute(LPI).
Ujeeddada dooddan ayaa ahayd in la abuuro madal furan oo lagu falanqeeyo caqabadaha jira, lana soo jeediyo talooyin wax ku ool ah oo lagu gaari karo nabad waarta iyo nidaam doorasho oo hufan.