Dalada ururada dhalinyarada Mudug dudmudug

Call Directions Contact the organization

Dalada ururada dhalinyarada Mudug dudmudug "Midnimada Dhalinyarada Waa Muqadas"

21/09/2026

Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, oo ku beegan 21-ka Sebtembar sannad kasta.

Gaalkacyo: Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, oo ku be...
21/09/2026

Gaalkacyo: Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, oo ku beegan 21-ka Sebtembar sannad kasta.

Munaasabadda ayaa sanadkan xambaarsanayd halkudhigga “Act Now for a Peaceful World – Inta Nool Baa Nabadda U Baahan”, iyadoo diiradda lagu saaray muhiimadda nabadda, wada noolaanshaha iyo doorka bulshada ee xoojinta nabadda iyo horumarka.

Munaasabadda waxaa soo qabanqaabisay Madasha Nabadda iyo Horumarinta (Peace & Development Forum), waxaana taageeray Somali Peace Line iyo Life & Peace Institute, iyadoo sidoo kale ay ka qaybqaateen hay’ado iyo daneeyayaal ka shaqeeya nabadda iyo dhismaha bulshada.

Intii ay munaasabadda socotay, waxaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay in bulshada ay si wadajir ah uga shaqeyso dhismaha nabad waarta, wada noolaanshaha iyo horumarka deegaanka.

Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda ayaa fursad u ah bulshada in dib loo xuso qiimaha nabadda, iyadoo xoogga la saarayo in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo nabad, si loo helo bulsho ammaan ah oo horumar waara gaarta.

19/09/2026

DALLADDA DHALINYARADA GOBOLKA MUDUG

KULAN LOOGA HADLAY KAALINTA DHALINYARADA EE AMNIGA, XASILLOONIDA IYO HORUMARKA GOBOLKA MUDUG

*Taariikh:* 18 September 2026
*Goobta:* Galkacyo, Gobolka Mudug
*Qabanqaabiyaha:* Dalladda Dhalinyarada Gobolka Mudug
*Guddoomiyaha Kulanka:* Xoghayaha Guud ee Dalladda Dhalinyarada Gobolka Mudug, *Abdinaafac Mohamed Ali*

Dalladda Dhalinyarada Gobolka Mudug waxay qabatay kulan wadatashi ah oo ay kasoo qayb galeen *guddoomiyeyaasha iyo wakiillada ururrada dhalinyarada, hoggaanka ardayda jaamacadaha gobolka, iyo ururrada bulshada ee firfircoon*.

Kulanka ayaa ahaa mid loogu talagalay in lagu xoojiyo wada shaqaynta iyo isku-xirka dhalinyarada Gobolka Mudug, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii dhalinyaradu door wax-ku-ool ah uga qaadan lahaayeen *amniga, xasilloonida, nabadda iyo horumarka gobolka*

Ujeeddada ugu weyn ee kulanka waxay ahayd:

* In la xoojiyo doorka dhalinyarada ee amniga iyo xasilloonida gobolka.
* In la dhiirrigeliyo ka qaybqaadashada dhalinyarada ee horumarinta bulshada.
* In la xoojiyo iskaashiga ururrada dhalinyarada iyo hoggaanka ardayda jaamacadaha.
* In laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee bulshada, gaar ahaan baahiyaha la xiriira *biyaha iyo adeegyada aasaasiga ah*
* In la qorsheeyo ololeyaal wacyigelin ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ka dhasha *qabyaaladda iyo kala-qaybsanaanta bulshada*.
* In la abuuro madal dhalinyaradu si joogto ah ugu wada tashadaan arrimaha bulshada iyo horumarka gobolka.

Kulanka waxaa si qoto dheer looga hadlay kaalinta muhiimka ah ee dhalinyaradu ku leedahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida bulshada.

Waxaa la isku raacay in dhalinyaradu ka qayb qaadan karto wacyigelinta bulshada, ka hortagga khilaafaadka, dhiirrigelinta nabadda iyo gudbinta fariimaha bulshada ee taageeraya xasilloonida.

Ka qaybgalayaashu waxay ka wada hadleen sidii dhalinyarada loogu dhiirrigelin lahaa inay qayb firfircoon ka noqdaan horumarinta Gobolka Mudug.

Waxaa la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada loo abuuro fursado ay ku soo bandhigaan fikrado, hindisayaal iyo mashaariic wax-ku-ool ah oo bulshada anfaca.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaaday muhiimadda *biyo-saarka iyo helitaanka biyo ku filan oo nadiif ah* .
maadaama biyuhu yihiin adeeg aasaasi ah oo si toos ah ula xiriira nolosha iyo horumarka bulshada.

Waxaa la isku raacay in dhalinyaradu kaalin ka qaadan karto wacyigelinta bulshada iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo adeegyada biyaha.

Qodob muhiim ah oo kulanka lagu falanqeeyey wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, ee ku saabsan *saamaynta taban ee qabyaaladda iyo kala-qaybsanaanta bulshada*.

Waxaa la isla qaatay in loo baahan yahay ololeyaal wacyigelin oo joogto ah, dood-cilmiyeedyo, kulamo dhalinyaro iyo barnaamijyo bulshada lagu fahamsiinayo muhiimadda midnimada, wada noolaanshaha iyo nabadda.

Kulanka waxaa lagu soo jeediyey laguna heshiiyey qodobadan:

1. In la xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya ururrada dhalinyarada Gobolka Mudug.
2. In la joogteeyo kulamada wadatashiga dhalinyarada iyo ururrada bulshada.
3. In dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo ka qaybqaadashada dadaallada nabadda, amniga iyo xasilloonida.
4. In la diyaariyo barnaamijyo wacyigelin ah oo ku saabsan dhibaatooyinka qabyaaladda iyo kala-qaybsanaanta bulshada.
5. In dhalinyaradu ka qaybqaataan dadaallada horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan arrimaha biyaha.
6. In la xoojiyo xiriirka u dhexeeya dhalinyarada, jaamacadaha, ururrada bulshada iyo hay’adaha ay khusayso.
7. In la sameeyo qorshe hawleed mideysan oo lagu hirgelinayo fikradaha iyo talooyinka kasoo baxay kulanka.

Kulanka Dalladda Dhalinyarada Gobolka Mudug wuxuu ahaa madal muhiim ah oo lagu xoojiyey *wada-tashiga, iskaashiga iyo isku-xirka dhalinyarada Gobolka Mudug*.

Kulanku wuxuu muujiyey muhiimadda ay dhalinyaradu u leedahay amniga, xasilloonida, nabadda iyo horumarka bulshada. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in loo baahan yahay dadaallo joogto ah oo dhalinyarada lagu mideeyo, laguna dhiirrigeliyo inay noqdaan qayb firfircoon oo ka shaqaysa horumarinta bulshada.

Dalladda Dhalinyarada Gobolka Mudug waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo isku-xirka dhalinyarada iyo ururrada bulshada, iyadoo xoogga la saarayo *nabadda, xasilloonida, horumarka, adeegyada bulshada iyo wacyigelinta dhalinyarada*.

13/08/2026

Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka oo ku beegan 12-ka Agoosto.

Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Add...
13/08/2026

Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka oo ku beegan 12-ka Agoosto.

Munaasabaddan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Dhallinyarada, UNICEF iyo ururrada dhallinyarada ee gobolka ayaa diiradda lagu saaray doorka ay dhallinyaradu ku leeyihiin nabadda, isbeddelka bulshada iyo shaqo-abuurka.

Xildhibaan Abkay,Maamulka Gobalka Mudug ,maamulka Dagmada Gaalkacyo mas'uuliyiinta xiriirka kubada cagta Puntland,dalada ururada dudmudug iyo masuuliyiin kale ayaa ka soo qayb gahsay munaasibada maalinta dhalinyarada aduunka.

Masuuliyiintii ka qayb gashay munaasabadda ayaa sheegay in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta bulshada, ayna muhiim tahay in la xoojiyo kaalintooda ku aaddan dhismaha nabadda, ilaalinta deegaanka iyo kobcinta fursadaha shaqo.

Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka ayaa sannad kasta la xusaa 12-ka Agoosto, si loo muujiyo muhiimadda ay dhallinyaradu u leeyihiin horumarka iyo mustaqbalka bulshada.

GAALKACYO: XUSKA MAALINTA 1-DA LUULYO 2026Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo...
30/06/2026

GAALKACYO: XUSKA MAALINTA 1-DA LUULYO 2026

Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu xusayay maalinta Xurnimada umadda soomaliyeed ee 1-da Luulyo.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiiro heer Puntland ah, maamulka Gobolka Mudug, maamulka Degmada Gaalkacyo, ururrada dhalinyarada, Bahda dhaqanka Iyo suugaanta , haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee Bushlada Gaalkacyo .

Munaasabadaan waxaa si wada jir ah usoo agasimay dallada dhalinyarad gobalka Mudug Iyo dowladda hoose degmada Gaalkacyo waxaana gacan ka gaystay Tabagalinteeda Hay’adda PSA .

Munasabada waxaa lagu soo bandhigay suugaanta ciyaraha hida iyo dhaqanka Soomalida iyadoo si gaara diirada loogu saaray Dowladnimada iyo ka shaqaynta Nabada iyo hormarka .

Munaasabadda ayaa ahayd mid muujisay midnimo, wadaniyad, iyo xuska taariikhda qaran ee Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Ururada Dud-mudug ee Gobalka Mudug Cabdiqani Cismaan  ayaa ka qayb-galay kulan muhiim ...
17/06/2026

Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Ururada Dud-mudug ee Gobalka Mudug Cabdiqani Cismaan ayaa ka qayb-galay kulan muhiim ah oo looga hadlayay saameynta nabadda dhiska gaalkacyo .

Kulanka waxaa soo qabanqaabiyay Puntland Development and Research Center (PDRC), iyadoo ay iska kaashadeen hay’ado ay ka mid yihiin Swiss Agency for Development and Cooperation iyo Peace & Development Forum. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la falanqeeyo saamaynta ay nabadd dhiska ku leedahay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo wada noolaanshaha bulshada.

Intii uu socday kulanka, waxaa hadallo ka jeediyay masuuliyiin, culimaa’udiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxay si gaar ah u xuseen in nabaddu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka, isla markaana ay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqaynta bulshada iyo hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay daraasado muujinaya in marka nabaddu jirto ay si toos ah u kobcaan ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada bulshada. Ka qaybgalayaasha ayaa isku raacay in la sii xoojiyo dadaallada nabadeynta si loo gaaro horumar waara.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo sii horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida magaalada Gaalkacyo, taasoo muhiim u ah mustaqbalka bulshada deegaanka.

17/06/2026

Kulanka qiimaynta saamaynta Guulaha nabad dhiska Magaalada Gaalkacyo ku tallaabsatay sanadihii u dambeeyay.

31/05/2026

Hayadda Puntland youth and Social development assosiation (PSA) OO kashanaysa Dalladda dhalinyarada DUDMUDUG ayaa Gaalkacyo ku qabatay Barnaamijka Mudug peace forum.

Maandooriyaha iyo Saameynta uu ku Leeyahay BulshadaWaxaa xalay qabsoomay kulan muhiim ah oo ay kasoo qayb-galeen masuuli...
30/05/2026

Maandooriyaha iyo Saameynta uu ku Leeyahay Bulshada

Waxaa xalay qabsoomay kulan muhiim ah oo ay kasoo qayb-galeen masuuliyiin ka socday dowladda, ciidamada booliiska, bahda waxbarashada, bahda caafimaadka iyo dhallinyarada, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday saameynta maandooriyuhu ku leeyahay bulshada.

Doodda ayaa si gaar ah diiradda u saartay xiriirka ka dhexeeya maandooriyaha, amniga bulshada iyo xasilloonida deegaanka, iyadoo la falanqeeyay saamaynta uu ku yeesho dhallinyarada, qoysaska iyo wada noolaanshaha bulshada.

Ka qaybgalayaashu waxay is dhaafsadeen fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii looga hortagi lahaa faafitaanka maandooriyaha, korna loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.

Hayadda Puntland youth and Social development assosiation (PSA) OO kashanaysa Dalladda dhalinyarada DUDMUDUG ayaa Gaalkacyo ku qabatay Barnaamijka Mudug peace forum.

Address

Gaalkacyo
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 16:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252907784229

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalada ururada dhalinyarada Mudug dudmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dalada ururada dhalinyarada Mudug dudmudug:

Shortcuts

Share