Dalada ururada dhalinyarada Mudug dudmudug

Dalada ururada dhalinyarada Mudug dudmudug "Midnimada Dhalinyarada Waa Muqadas"

GAALKACYO: XUSKA MAALINTA 1-DA LUULYO 2026Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo...
30/06/2026

GAALKACYO: XUSKA MAALINTA 1-DA LUULYO 2026

Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu xusayay maalinta Xurnimada umadda soomaliyeed ee 1-da Luulyo.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiiro heer Puntland ah, maamulka Gobolka Mudug, maamulka Degmada Gaalkacyo, ururrada dhalinyarada, Bahda dhaqanka Iyo suugaanta , haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee Bushlada Gaalkacyo .

Munaasabadaan waxaa si wada jir ah usoo agasimay dallada dhalinyarad gobalka Mudug Iyo dowladda hoose degmada Gaalkacyo waxaana gacan ka gaystay Tabagalinteeda Hay’adda PSA .

Munasabada waxaa lagu soo bandhigay suugaanta ciyaraha hida iyo dhaqanka Soomalida iyadoo si gaara diirada loogu saaray Dowladnimada iyo ka shaqaynta Nabada iyo hormarka .

Munaasabadda ayaa ahayd mid muujisay midnimo, wadaniyad, iyo xuska taariikhda qaran ee Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Ururada Dud-mudug ee Gobalka Mudug Cabdiqani Cismaan  ayaa ka qayb-galay kulan muhiim ...
17/06/2026

Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Ururada Dud-mudug ee Gobalka Mudug Cabdiqani Cismaan ayaa ka qayb-galay kulan muhiim ah oo looga hadlayay saameynta nabadda dhiska gaalkacyo .

Kulanka waxaa soo qabanqaabiyay Puntland Development and Research Center (PDRC), iyadoo ay iska kaashadeen hay’ado ay ka mid yihiin Swiss Agency for Development and Cooperation iyo Peace & Development Forum. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la falanqeeyo saamaynta ay nabadd dhiska ku leedahay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo wada noolaanshaha bulshada.

Intii uu socday kulanka, waxaa hadallo ka jeediyay masuuliyiin, culimaa’udiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxay si gaar ah u xuseen in nabaddu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka, isla markaana ay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqaynta bulshada iyo hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay daraasado muujinaya in marka nabaddu jirto ay si toos ah u kobcaan ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada bulshada. Ka qaybgalayaasha ayaa isku raacay in la sii xoojiyo dadaallada nabadeynta si loo gaaro horumar waara.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo sii horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida magaalada Gaalkacyo, taasoo muhiim u ah mustaqbalka bulshada deegaanka.

17/06/2026

Kulanka qiimaynta saamaynta Guulaha nabad dhiska Magaalada Gaalkacyo ku tallaabsatay sanadihii u dambeeyay.

31/05/2026

Hayadda Puntland youth and Social development assosiation (PSA) OO kashanaysa Dalladda dhalinyarada DUDMUDUG ayaa Gaalkacyo ku qabatay Barnaamijka Mudug peace forum.

Maandooriyaha iyo Saameynta uu ku Leeyahay BulshadaWaxaa xalay qabsoomay kulan muhiim ah oo ay kasoo qayb-galeen masuuli...
30/05/2026

Maandooriyaha iyo Saameynta uu ku Leeyahay Bulshada

Waxaa xalay qabsoomay kulan muhiim ah oo ay kasoo qayb-galeen masuuliyiin ka socday dowladda, ciidamada booliiska, bahda waxbarashada, bahda caafimaadka iyo dhallinyarada, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday saameynta maandooriyuhu ku leeyahay bulshada.

Doodda ayaa si gaar ah diiradda u saartay xiriirka ka dhexeeya maandooriyaha, amniga bulshada iyo xasilloonida deegaanka, iyadoo la falanqeeyay saamaynta uu ku yeesho dhallinyarada, qoysaska iyo wada noolaanshaha bulshada.

Ka qaybgalayaashu waxay is dhaafsadeen fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii looga hortagi lahaa faafitaanka maandooriyaha, korna loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.

Hayadda Puntland youth and Social development assosiation (PSA) OO kashanaysa Dalladda dhalinyarada DUDMUDUG ayaa Gaalkacyo ku qabatay Barnaamijka Mudug peace forum.

15/05/2026

GALKACYO: XUSKA MAALINTA DHALIYAADA SOOMALIYA 15 MAY

GALKACYO: XUSKA MAALINTA DHALIYAADA SOOMALIYA 15 MAYIyadoo maanta ay ku beegan tahay 15- may  maalinta dhaliyarada Sooma...
15/05/2026

GALKACYO: XUSKA MAALINTA DHALIYAADA SOOMALIYA 15 MAY

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 15- may maalinta dhaliyarada Soomaaliyeed, ayaa dhallinyarada magaalada Gaalkacyo ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug si wadajir ah u qabtay munaasabad qiimo leh oo lagu muujinayo dadaalka dhalinyarada.

Gudoomiyaha dhinyarada Gobolka Mudug Abdiqani osman Yusuf & Gudoomiyaha dhalinyarada Galmudug Mr Qaasim duuble ayaa Uga mahad celiyay Haya'daha Bahwadaagta PSA Iyo CPD oo Dhalinyarada inay Agaasimaan ololahaan lagu xusayo Munaasadda Maalinta maalinta dhalinyarada uSoomaliyeed oo si wada jir uga qabsoontay Magalada Gaalkacyo.

Munaasibada waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka amniga Galmudug,Wasiiru Dowlada Deegaanka Galmudug,Maayar kuxigeenka Dagmada Gaalkacyo Galmudug ,qaar kamid xildhibaanada golaha deegaanka iyo marti sharaf kale duwan.

Gaalkacyo – Kulan muhiim ah oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen daladda dhalinyarada ee DUD-Mudug iyo hay’adda PSA...
14/04/2026

Gaalkacyo – Kulan muhiim ah oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen daladda dhalinyarada ee DUD-Mudug iyo hay’adda PSA ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, kaas oo si gaar ah diiradda u saaray doorka dhalinyarada iyo mustaqbalka nabadda ee gobolka Mudug.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qayb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan dhalinyarada, haweenka, aqoonyahanka iyo culimada, kuwaas oo dhammaantood ka dhiibtay aragtiyo la xiriira horumarinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

09/04/2026

Gudoomiyaha gobalka Mudug, Cabdiweli Jibriil Beyle ayaa kulan la qaatay dalada ururada dhalinyarada Gobolka Mudug, isagoo kala hadlay doorka dhalinyaradu ka qaadan karaan horumarinta bulshada, xoojinta nabadgelyada, iyo ka qeyb qaadashada dadaallada dowladnimo ee ka socda gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, H.E Abdiweli Jibril Bayle oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Cabdulqaadir Warsame...
09/04/2026

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, H.E Abdiweli Jibril Bayle oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Cabdulqaadir Warsame Koshin iyo Ku-xigeenka 2-aad Mukhtaar Cabdikarin Cilmi, ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay xafiiska maamulka gobolka dalada ururrada dhalinyarada ee Gobolka Mudug.

‎Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka dhalinyarada ee horumarinta bulshada, xoojinta nabadgelyada, isbarasho, iyo ka qeyb qaadashada dadaallada dowladnimo ee ka socda gobolka. Mas’uuliyiinta ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliyay inay door muuqda ka qaataan dhismaha mustaqbalka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay mideynta iyo wada shaqeynta.

Dalada‎ ururrada dhalinyarada ayaa dhankooda soo bandhigay aragtiyahooda ku aaddan caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed, iyagoo maamulka uga mahadceliyay kulanka iyo dhiirrigelinta ay siiyeen dhalinyarada. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan qaad ku aaddan in la xoojiyo wada shaqeynta maamulka iyo dhalinyarada gobolka.

Address

Gaalkacyo
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 16:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252907784229

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalada ururada dhalinyarada Mudug dudmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dalada ururada dhalinyarada Mudug dudmudug:

Shortcuts

Share