Eyl Secondary School

Call Directions Website Contact the organization

Eyl Secondary School Kani waa Boga Rasmiga ah ee Dusiga Sare Eyl

kusoo dhowoow Eyl Secondary School

3 Oktoobar 2026  unugta 1aad (Form1 & Form 3)Maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da Oktoobar 2026, waxaa si rasmi ah uga bil...
03/10/2026

3 Oktoobar 2026

unugta 1aad (Form1 & Form 3)

Maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da Oktoobar 2026, waxaa si rasmi ah uga bilowday Dugsiga Sare Eyl imtixaankii bilaha ah.

Imtixaanku wuxuu u socdaa si nidaamsan, iyadoo ardayda lagu qiimeynayo dadaalkooda iyo fahamkooda maaddooyinka ay barteen muddadii waxbarashada.

Waxaan dhammaan ardayda u rajaynaynaa guul iyo natiijo wanaagsan. Waxa aan sidoo kale ku boorrinaynaa inay muujiyaan deggenaan, diyaar-garow iyo dadaal inta uu imtixaanku socdo.

25/09/2026

25 September 2026

CHEMISTRY EXPERIMENT

ACIDS, NUTRALS & ALKALIS

Ardaydu waxay tijaabadaan si wax ku ool ah ugu baranayaan sida indicators loogu kala garto Acids, Neutrals iyo Alkaline solutions.

Tijaabadu waxay ka caawinaysaa ardayda inay si muuqata u fahmaan isbeddelka midabka ee indicators-ka, sida Litmus, Methyl Orange iyo Phenolphthalein, marka ay la falgalaan acids iyo alkalis.

Ujeeddadu waa in ardaydu aysan Chemistry-ga ku baran buugga oo keliya, balse ay sidoo kale ku bartaan tijaabo, indho-indhayn iyo faham dhab ah.

Learning Chemistry Through Practical

19/09/2026

19 september 2026

Tijaabo cusub oo chemistry gaar ahaan fasalka Form 3 ayaa soo wajahan.

Mar walba waxaan ka faa’iidaysannaa fursad kasta iyo agab kasta oo aan awoodno si aan waxbarashada uga dhigno mid la taaban karo, xiiso leh, oo wax-ku-ool ah.

Macallin Axmed Chemistry waxa uu si taxaddar leh u diyaariyaa tijaabooyin saynis ah oo ardayda ka caawinaya inay wax ku bartaan daawasho iyo samayn

15/09/2026

15 SEPTEMBER 2026

FORM 3B – DAABUURKA ARDAYDA

Ardayda Form 3B ee Dugsiga Sare Eyl ayaa maanta si wanaagsan u soo bandhigay Daabuurka Ardayda, Cabdicasiis Maxamed Cisman iyagoo ardayda kale weydiinayay su’aalo aqooneed oo kala duwan, taas oo abuurtay jawi waxbarasho iyo in dhiirigelin.

Dugsiga Sare Eyl — dhisida kalsoonida ardayga , fagaare ka hadalka iyo Hoggaamin.

15/09/2026

15 September 2026

Aadan Cabdullaahi Cabdinuur oo ka mid ah ardayda Fasalka FORM 3B ayaa Ardayda Dugsiga Sare Eyl, la wadaagaya qeexid kooban oo ku saabsan Degmada Eyl iyo taariikhdeeda.

Ujeeddada Assembly-ga Dugsiga Sare Eyl waa in ardayda lagu dhiirrigeliyo inay bartaan fagaare-ka-hadalka, dhisaan kalsoonida naftooda, kor u qaadaan aqoonta, iyo inay si xor ah ula wadaagaan bulshada fikirkooda iyaga oo aan cabsanayn.

 13 September 2026BOOQASHADA GUDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL EE DUGSI SARE EYLGuddoomiyaha Gobolka Nugaal, Mudane Cabdirisaaq...
13/09/2026



13 September 2026

BOOQASHADA GUDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL EE DUGSI SARE EYL

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Mudane Cabdirisaaq Cismaan Samatar (Food-cade), oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Nugaal Mudane Mukhtaar Faarax Jeer, Taliyaha La-dagaallanka Argagixisada Puntland Mudane Muxiyadiin Axmed Muuse, Agaasimaha Mashaariicda iyo Arrimaha Bulshada Gobolka Nugaal Mudane Saacid Wargaley oo kasoo kicitimay Caasimadda gobolka Nugaal ee Garowe kormeer shaqona kumarayay dhamaan degmooyinka hoos yimaada gobolka Nugaal, degmada Eylna ay kusoo dhaweeyeem Gudoomiye ku xigeenka Degmada Eyl Mudane, Cabdirisaaq Kilwe, Taliyaha Ciidanka PMPF ee Degmada Eyl mudane Xasan Caabbi Barre iyo Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose ee Eyl Mudane Yuusuf Axmed Cismaan ayaa Dugsiga Sare ee Eyl maanta booqasho ku yimid

Masuuliyiintu waxay kormeer ku sameeyeen dhamaan qolalka iyo fasalada Dugsiga Sare ee Eyl, iyagoo si toos ah ula kulmay ardayda, kuna dhiirrigeliyey inay waxbarashada ku dadaalaan, waqtigooda si wanaagsan uga faa’iidaystaan, aqoontana ka dhigtaan furaha mustaqbalkooda.

Maamulka Dugsiga Sare ee Eyl wuxuu si kal iyo laab ah uga mahadcelinayaa masuuliyiinta sharafta leh booqashadooda, dhiirrigelinta ay u muujiyeen ardayda iyo taageerada ay u hayaan horumarinta waxbarashada.

Isniin: 07 september 2026Dabuurka maalinlaha ahMaanta ardayda Form 1A waxay daabuurka kusoo bandhigeen ka-qaybgal, kalso...
07/09/2026

Isniin: 07 september 2026

Dabuurka maalinlaha ah

Maanta ardayda Form 1A waxay daabuurka kusoo bandhigeen ka-qaybgal, kalsooni iyo hab-dhaqan aad u wanaagsan.

Waxaan ku faraxsanahay sida ay ardaydu ugu dhiirranayaan hadalka, hoggaaminta iyo fagaare kahadalka.

Hambalyo F1A

“Waxbarasho maanta, hoggaami berri.”



#

27/08/2026

27 August 2026

Tijaabo Chemistry ah – Form 4B | Dugsiga Sare Ee Eyl

Saaka, fasalka Form 4B waxaa lagu qabtay tijaabo wax-ku-ool ah oo ku saabsan falgalka Magnesium (Mg) iyo Oxygen-ka (O₂) ee hawada, taas oo ay si wadajir ah u sameeyeen Bare Axmed – Chemistry iyo ardayda Form 4B.

Intii tijaabadu socotay, ardaydu waxay si toos ah u daawadeen falgalka, halka qaar ka mid ah ardayduna ay iyagu gacantooda ku sameeyeen tijaabada Magnesium-ka iyo Oxygen-ka, taas oo soo saarta Magnesium Oxide (MgO) iyo kulayl.

Chemical Equation:
2Mg + O₂ → 2MgO

Dugsiga Sare Ee Eyl – Aqoonta ku Baro Tijaabo, Xirfadda ku Dhis Ficil!

27/08/2026

27 August 2026

Tijaabo Chemistry ah – Form 4B | Dugsiga Sare Ee Eyl

Saaka, fasalka Form 4B waxaa lagu qabtay tijaabo wax-ku-ool ah oo ku saabsan falgalka Magnesium (Mg) iyo Oxygen-ka (O₂) ee hawada, taas oo ay si wadajir ah u sameeyeen Bare Axmed – Chemistry iyo ardayda Form 4B.

Intii tijaabadu socotay, ardaydu waxay si toos ah u daawadeen falgalka, halka qaar ka mid ah ardayduna ay iyagu gacantooda ku sameeyeen tijaabada Magnesium-ka iyo Oxygen-ka, taas oo soo saarta Magnesium Oxide (MgO) iyo kulayl.

Chemical Equation:
2Mg + O₂ → 2MgO

Waxbarashadu waxay noqotaa mid xiiso badan oo fahamkeedu qoto dheeraado marka aqoonta fasalka lagu xoojiyo tijaabo iyo ficil toos ah.

Inkasta oo Dugsiga Sare Ee Eyl uusan weli lahayn Scientific Laboratory, haddana taageerada iyo dadaalka waxbarasho nagama dhammaanayo. Waxaan ku dadaalaynaa inaan ardayda ku barno wixii aqoon iyo agab markaas aan awoodno inaan helno.

Dugsiga Sare Ee Eyl – Aqoonta ku Baro Tijaabo, Xirfadda ku Dhis Ficil!

Address

EYL
Eyl

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eyl Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Eyl Secondary School:

Shortcuts

Share