Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye

Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye, Nonprofit Organization, Dhuusamarreeb.

18/06/2026

Bare Xasan Mudane, aasaasaha iyo agaasimaha maktabadda ‘Baraarug Library’ oo wareysi siiyey muuqsidaha Qaranka, ayaa xogo faahfaahsan ka bixiyey maktabadda waxbqabadkeeda, howlaha aqoon ee ay fuliso iyo sababta loo yagleelay.

Daawasho wacan.

Dhadhanka walaaltinimada W.Q. Abdulle Abdi Karim
15/06/2026

Dhadhanka walaaltinimada
W.Q. Abdulle Abdi Karim

Dhadhanka walaaltinimada: W-Q : Abdulle Abdi Karim By Cabdikariim Cabdulle June 15, 2026 Share FacebookTwitterPinterestWhatsApp Dhadhanka walaalnimada: Muscab iyo Mucaad ma ahayn oo keliya laba wiil oo walaalo ah; waxay ahaayeen laba qalbi oo isku si u fakara, oo naxariista biyo degtay, dhiiggooduna...

MURTIDA BULSHADAMurtidan dadweyne waxaa laga soo ururiyey dunida dhinacyadeeda, geeska bari ee dhulbaruhu maro iyo cirif...
05/06/2026

MURTIDA BULSHADA

Murtidan dadweyne waxaa laga soo ururiyey dunida dhinacyadeeda, geeska bari ee dhulbaruhu maro iyo cirifka galbeed.(Africa iyo Europe)

Helsinki iyo Muqdisho waxa u dhexeeya ku dhowaad 10,000 kiiloomitir, balse masaafadaas k**a hor-istaagin dadku in ay is fahmaan. Murtida iyo maahmaahyada ku jira buuggan, waxay ka hadlayaan runta, daacadnimada, waqtiga iyo jaadadka nolosha.

Jiilashii h**e, carruurta Soomaaliyeed waxay aqoonta ka baran jireen waalidiintooda iyo awoowayaashood. Barbaarintu waxay ku salaysnayd maahmaahyo, mararka qaarkoodna dhacdooyin iyo sheekooyin. Sheekooyinkaas ayaa ka caawin jiray in maahmaahyadu sii noolaadaan.
Soomaaliya, dhaqanka hadalka ayaa weli si xooggan u nool, waxaana maahmaahyo badan laga heli karaa sheekooyin iyo maansada dhexdeeda. Maahmaahyadani waxay gudbinayaan casharro nololeed iyo xikmad jiilba jiil ka xiga ay u gudbyeen.

Buuggan waxa kale oo ku jira sheekooyin gaagaaban oo sharraxaya halka ay maahmaahyadani ka soo jeedaan.

XIKMADAHA SOOMAALIYA IYO FINLAND

Waa buug cusub oo isku xiraya laba dhaqan iyo laba dal. Haddaba ma xiisaynaysaa maahmaahyada iyo xikmadaha nolosha? Buuggan wuxuu kuu soo bandhigayaa maahmaahyo Soomaaliyeed iyo kuwo Finnish ah iyo weliba sharraxaadyo fudud oo ka caawinaya akhristaha inuu fahmo macnahooda qotada dheer.

Maahmaahyo Soomaaliyeed iyo Finnish ah

“Murtidu waa dhaxal aan duugoobin.”
Suugaanta Soomaaliya iyo Finland
Qorayaal: Maippi Luukinen & Nimco Noor

Filo dhawaan!
Waxaa qoray:
Maippi Tapanainen Nimco Noor

Maalinta Caalamiga ah ee Tubaako La’aantaMaanta oo kale (31-ka May) sanad kasta waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalami...
02/06/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Tubaako La’aanta

Maanta oo kale (31-ka May) sanad kasta waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Tubaako La’aanta oo ay aas-aastay hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) sanadkii 1987.

Ujeeddada maalintan waa in bulshada lagu wacyigeliyo khatarta ay tubaakadu ku leedahay caafimaadka, dhaqaallaha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, laguna dhiirrigeliyo inay ka fogaadaan dilaagaan qarsoon ee sida tartiibta ah loola qabatimo.

Taariikhda Tubaakada:
Taariikh ahaan, isticmaalka tubaakadu wuxuu kasoo bilaabmay dadka asaliga ah ee ku noolaa Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika kahor imaatinkii reer Yurub.

Dadkaasi waxay ruugi jireen ama gubi jireen caleemaha tubaakada muddo dheer. Kadib kolkii uu bilowday gumeysigii Yurub, tubaakadu waxay noqotay ganacsi caalami ah, gaar ahaan Koonfurta Mareykanka oo caan ku noqotay beerista iyo dhoofinta tubaakada.

Dabayaaqadii qarnigii 19-aad, shirkado waaweyn oo tubaako ayaa laga hirgeliyay dalka Mareykanka, kuwaas oo dhaqaallo badan ka sameeyay iibinta tubaakada.

Muddadaas laga soo bilaabo, Warshadaha tubaakada farsameeya waxay kusii fideen dunida inteeda kale, waxaana maanta tubaakada laga isticmaalaa dalal badan oo caalamka ah.
Marka la eego boqollayda dadka qaangaarka ah ee caalamka kuwaa oo isticmaala tubaakada maanta, waxa ugu badan dalalka: China, India, Nauru, Myanmar, Kiribati, Papua New Guinea, Bulgaria, Serbia iyo Indonesia.

Dalalkan qaar badan waxay leeyihiin heerar aad u kala sarreeya oo ay ula qabatimeen tubaakada noocyadeeda kala duwan, gaar ahaan dadka da’doodu ka weyn tahay 15 sano.

Sida ay sheegtay WHO, dhammaan dalalka caalamka maanta waxaa laga isticmaalaa tubaakada jaadadkeeda kala duwan (sida sigaarka, shiishada, iyo tubaakada la ruugo).
Nasiib xumase, maanta dalal badan ayaa beerta, dhoofiya oo suuqgeeya tubaakada, ha noqoto mid ceeriin ah ama mid warshadaysan.

Ayada oo maanta ku astaysantahay maalinta Caalamiga ah ee Tubaako La’aanta haddana tubaakadu waxay weli qayb muhiim ah ka tahay dhaqaallaha waddamo badan oo dunida ah. Dalalka ay ugu caansan ee wax-soo-saarka iyo ganacsiga tubaakada ku xeeldheer waxaa ka mid ah China, United States, Brazil, India, Zimbabwe, Malawi iyo Tanzania.

Dalalkaan, tubaakadu waxay ka tahay il dhaqaalle oo ay aad uga faa'iidaan, iyagoo malaayiin doollar ka hela iibinteeda iyo dhoofinteedaba; taas oo door muuqda ka qaadata koboca dhaqaallahooda.

Tubaakada:
Tubaakadu waa maandooriye si weyn dunida ugu sii faafaya, waxaana laga sameeyaa caleemaha geedka tubaakada oo la qalajiyo lagana farsameeyo sigaarka, shiishadda iyo noocyo kale oo la ruugo ama la nuugo.

Maaddada ugu muhiimsan ee ku jirta tubaakada ee waxyeellada weyn keentaa waa Nikotiin (Ni****ne), taas oo aad u qabatin badan kana mid ah sumaha waxyeellada weyn u geysta maskaxda iyo jirka bini’aadanka.

Kolka uu qofku isticmaalo tubaako ama maandooriye kale, Nikotiinku wuxuu faragelin ku sameeyaa hababka ay unugyada maskaxda u wada xiriiraan, taasi oo keeni karta dhibaato ku timaadda xusuusta, diiridsaarida, qabatin xad-dhaad ah iyo fikir badan. Dhibaatooyinkaan awgood qofku wuxuu dareemaa inuu mar kasta u baahan yahay inuu isticmaalo tubaako, maadaama uu la qabatimay.

Wax walba oo waxyeello u geysta maskaxda waxay sidoo kale saameynayaan jirka oo dhan, maadaama maskaxdu tahay xarunta laga maamulo dhammaan xubnaha jirka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaana sheegtay in tubaakadu ay disho malaayiin qof sanad kasta, isla markaana aysan jirin heer badqabeed oo loo isticmaali karo tubaakada ilaa ugu dambeyntii loo geeriyoodaba.
Maantana waxay noqotay mid dhibaato ku ah bulshada dhan caafimaad iyo dhaqaallaba.

Waxyeellada Tubaakada:
Tubaakadu waa maandooriye waxyeello weyn u geysta maskaxda, sambabada, wadnaha iyo xubnaha kale ee jirka, waxayna sababtaa cudurro halis ah sida kansarka, dhiig karka iyo wadno xanuunka. Dadka isticmaala tubaakada waxa la gudboon inay fahmaan dhibaatada ay leedahay, isla markaana ay ku dedaalaan joojinteeda

Sababtoo ah, Nikotiinka iyo kiimikooyinka kale ee ku jira tubaakada, waxay dhaawacaan unugyada afka, sida: cirridka, xanuunno afka ah, ilkaha oo qofka daata, ur afka ah iyo nabarro afka kasoo baxa.
Waayo, Nikotiinka waxaa si fudud u nuuga unugyada afka iyo candhuufta, taas oo qofka ka dhigta mid si degdeg ah ula qabatima tubaakada. Sida ka aragnay dadka tubaakada isticmaala waxay ku laabaan faruuryaha hoose iyo cirridka, halkaas oo ay si tartiib ah ugu sii nuugaan sunta Nikotiinka; ilaa unugyada afka ay dhibaatooyin soo gaaraan.

Sidoo kale, tubaakadu waxay kordhisaa: Wadno xanuunka, cudurrada sambabada iyo xididdada dhiigga.
Waxay saameyn ku yeelataa taranka ragga iyo dumarka, waxayna keeni kartaa madhalaysnimo, hoos u dhac shahwada ah, dhibaatooyin uurka ah, waayo waxay waxyeello gaarsiisa carruurta uurka ku jirta marka haweenka uurka leh ay isticmaalaan tubaakada.

Waxay hoos u dhigtaa dhaqaallaha, sababtaa saboolnimo, kordhinta kharashaadka isbitaallada
iyo inay yarayso wax-soo-saarka bulshada.

Sidaa oo kale, tubaakadu waxay sababtaa kansarro kala duwan sida:
Kansarka afka
Kansarka carrabka
Kansarka sambabada
Kansarka hunguriga
Iyo Kansarka ganaca.

Aqoonbaarisyo caafimaad ayaa muujiyay in tubaakada ay ku jiraan kiimikooyin kansar keena oo loo yaqaanno Carcinogens. Kiimikooyinkaas waxay dhaawacaan unugyada jirka, waxayna sababaan in unugyadu u koraan si aan caadi ahayn oo aan la xak**ayn karin, kadibna Kansar Allaa ka magangalnayee.

Kansarku wuxuu bilaabmaa marka unugyada jirka ay lumiyaan nidaamkii caadiga ahaa ee koritaanka, taas oo mararka qaar keenta burooyin iyo cudurro halis ah.

Ugu dambeyntii, maanta oo ay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Tubaako La’aanta, waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo khatarta ay tubaakadu ku leedahay caafimaadka iyo nolosha bini'aadanka.
Joojinta tubaakaduna waxay badbaadin kartaa caafimaadka qofka, dhaqaallaha qoyskiisa iyo mustaqbalka carruurta.

Maalintaana waa fursad muhiim ah oo lagu xoojin karo wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, si looga hortago la qabatinka maandooriyaha iyo noocyada kala duwan ee tubaakada.

Dalkeennana, waxaa sii kordhaya baahida loo qabo ololeyaal joogto ah oo bulshada ku baraarujisa saamaynta xun ee maandooriyaha iyo tubaakadu ku leeyihiin caafimaadka, dhaqaallaha iyo kobaca bulshada. Ka fogaanshaha tubaakaduna waa tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada iyo mustaqbalka jiilasha soo koraya.
Eebbe ayaa ka magangalaynaa wax kasta oo waxyeello leh. Mahadsanidiin.

Tixraacyo:
WHO
Global State of To***co Harm Reduction (GSTHR)
CDC
World Bank Data
Our World in Data
Sawirka:
Gemini

W.D. Luul C.Qaadir ‘Ardayad’ ✍️

Buuggan “Cilminafsiga aAadanaha” ee uu qoray Abdulkadir Abukar Mursal, waa qoraal cilmiyeed diiradda saaraya fahamka naf...
30/05/2026

Buuggan “Cilminafsiga a
Aadanaha” ee uu qoray Abdulkadir Abukar Mursal, waa qoraal cilmiyeed diiradda saaraya fahamka nafsiga aadanaha. Waxa uu ka hadlayaa sida maskaxda iyo fikirradda qofku u shaqeeyaan, iyo sida ay u saameeyaan hab-dhaqanka iyo nolosha bani-aadamka.

Sidoo kale, buuggu wuxuu iftiiminayaa akhristaha, isaga oo siinaya macluumaad muhiim ah oo kaa caawinaya inuu fahmo naftiisa iyo dadka kale ee ku xeeran. Waxa uu u adeegayaa sidii hagitaan qofka u horseedaya inuu yeesho aragti qoto dheer oo ku saabsan nolosha.

Qoraagu wuxuu dadaal gaar ah geliyay in uu soo bandhigo buug cilminafsi ah oo af Soomaali ku qoran, si uu uga faa’iideeyo bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay yaraayeen buugaag noocan oo kale ah oo si fudud loo heli karo.

Buuggan waxaa si gaar ah uga faa’iidaysan kara:

Ardayda jaamacadaha

Macallimiinta iyo aqoonyahannada

Qof kasta oo xiiseeya cilminafsiga iyo horumarinta nafta

Intaa waxaa dheer, buuggu wuxuu isku xiraa aqoonta casriga ah iyo fahamka diinta Islaamka, isaga oo muujinaya sida labaduba uga qayb qaadan karaan hagaajinta nolosha qofka. Waxa uu qofka ku dhiirigelinayaa inuu helo nolol leh ujeeddo, farxad iyo degganaansho.

Ugu dambayn, buuggan waa il aqooneed muhiim ah oo ka caawinaya akhristaha inuu fahmo naftiisa, horumariyo fikirkiisa, isla markaana si wanaagsan ula tacaalo caqabadaha nolosha.

IIDSANIidsan, ayaamo suubban iyo aayatiin sugan, ayaan idin leenahay dhammaantiin, anaga oo ah bahda Xarunta Dhaqanka iy...
26/05/2026

IIDSAN

Iidsan, ayaamo suubban iyo aayatiin sugan, ayaan idin leenahay dhammaantiin, anaga oo ah bahda Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye. Ku iida samo iyo sugnaan.

Mahdin badan.

Address

Dhuusamarreeb

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share