26/09/2026
Hay’adda Horn Center Dialogue, oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ku soo gabagabeysay wadatashi socday muddo laba maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayay wada-hadalka, xallinta khilaafaadka iyo dhexdhexaadinta dhinacyada is-haya.
Wadatashiga waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, guddiyada nabadda iyo guddiyada xalinta khilaafaadka, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-hadalka iyo xal waara loogu heli lahaa khilaafaadka jira.
Gabagabada wadatashiga ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo guddiyada nabadda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda, wada-noolaanshaha iyo xalinta khilaafaadka, iyadoo la sii ambaqaadayo dadaalladii iyo barnaamijyadii h**e ee Cabudwaaq laga hirgeliyay.