El-bur Youth Development Organization -EYDO

El-bur Youth Development Organization -EYDO fadlan ku soodhawaaw El-bur Youth Development Organization --EYDO--

Degmadama facaweyn ee ceelbuur waxa ey sanadkii labaad nasiib u yelatay iney ka qeyb gasho tartan aqooneydka   warbaahin...
15/03/2024

Degmadama facaweyn ee ceelbuur waxa ey sanadkii labaad nasiib u yelatay iney ka qeyb gasho tartan aqooneydka warbaahinta qaran

waxaan kulankeena ugu horeyeeya la tartami doonaa inshlh Aadan yabaal
waxaana degmada facaweyn ee Ceelbuur sanadkan u rajeyneynaa guul

FG waxaan dhamaan aqoon yahanada reer ceelbuur ka codsaneynaa iney garab is taagaan

mahadsanidiin

Guutada Cali Bin Abi Dalib oo uu hogaamiyo Gaashaanle Sare Ismail Abdi Malik, Ciidamada Danab iyo macawiislayda degmada ...
25/08/2023

Guutada Cali Bin Abi Dalib oo uu hogaamiyo Gaashaanle Sare Ismail Abdi Malik, Ciidamada Danab iyo macawiislayda degmada ayaa gacanta ku dhigay Degmada Ceelbuur oo muddo 8 sano ah gacanta ugu jirtay khawaarijta.

26/04/2023

Agaasimaha Caafimaadka iyo Guddiga Maamulka Isbitaalka Guud ee degmada Ceelbuur oo ka warbixiyay waxqabadka 4tii bilood ee u dambaysay ee Isbitaalka.

Muqdishu, 23 April, 2023 waxaa ka qabsoomay kulan muhiim ah oo warbixin looga dhagaystay agaasimaha caafimaadka ahna dha...
23/04/2023

Muqdishu, 23 April, 2023 waxaa ka qabsoomay kulan muhiim ah oo warbixin looga dhagaystay agaasimaha caafimaadka ahna dhaqtarka guud ee Isbitaalka Degmada ceelbuur Dr. Abdirahman Ahmed Sabriye, waxaana ka soo qeybgalay guddiga Isbitaalka iyo qaar ka mid ah dhalinyarada.

Dhaqtarka oo muddo kooban oo fasax ah u jooga Muqdishu ayaa ka warbixiyay waxqabadka 4tii bilood ee ugu dambaysay ee isbitaalka, waana tan warbixintii dhaqtarka oo qoraal ah:-

1. Dhiig ku shubis lacag la'aan oo loo sameeyay 15 ruux oo baahi weyn u qabay inay helaan hadii kale ay xaaladoodu qatar ku sugnayd.

2. Qeybta gargaarka degdega ah ee Isbitaalka oo la soo gaarsiiyay 23 ruux oo qaba dhaawacyo la xariira toorey iyo ulal lagu soo dhuftay kuwaa oo qaarkood xaaladooda aad u liidatay balse loo sameyay gurmad caafimaad oo degdeg ah.

3. Qaabilaada bukaan socod gaaraya 200 oo ruux oo daruuf iyo diif aad u daran ka muuqatay kuwaa oo aan awoodin qarashaadka caafimdkooda iyo u fidinta adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah.

4. Qeybta caruurta ee Isbitaalka waxaa la soo gaarsiiyay caruur gaareysa 15 caruur ah oo uu naqasku ku dhaganaa una baahnaa oxygeen masaafa aad ufogna laga keenay, kuwaas oo helay daryeel caafimaad oo la xariira baahidii ay qabeen.

5. In dhaqtar ka si bilaash oo bilaa number ah dadka ula kulmaan.

6. Sheybaarka iyo daawada oo qiimo dhimis balaaran lagu sameeyay.

Isbitaalka Guud ee Degmada oo muddo kooban halwgaly ayaa u muuqda mid si weyn u daboolay baahiyaha caafimaad ee dadka degmada iyo deegaanada ku xeeran ku nool, iyada oo looga imaanayo tuulooyin badan oo ku xeeran degmada.

Waxaana isbitaalka muddo laba asbuuc gudaheed ah uu ku qaabilay 193 ruux oo bukaan socod ah, 5 ruux oo u baahnaa gargaar degdeg ah iyo 2 ruux oo dhalmo ah.

Waxaan sii kordhaysa tirada bukaanada ee uu qaabilayo iyadoo dadka deegaanku aad ula dhacsanyihiin adeega xirfadlayaasha caafimaad iyo adeegyada isbitaalka.

Dhamaad
.............

04/04/2023
Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa caawa kulan afur ah u sameeyay dhallinyarada kasoo jeeda Degmada ...
04/04/2023

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa caawa kulan afur ah u sameeyay dhallinyarada kasoo jeeda Degmada Ceelbuur iyo deegaanada hoos yimaada.

Ujeedada kulankaan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo sidii dhallinyaradu uga qeyb qaadan lahayeen horumarka degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Ogesiis Dhamaan Dhalinyarada reer ceelbuur waxaan ogesiina tartan aqoonedka Ramadan ee warbahin qaranka aan nasiib u yel...
21/03/2023

Ogesiis Dhamaan Dhalinyarada reer ceelbuur waxaan ogesiina tartan aqoonedka Ramadan ee warbahin qaranka aan nasiib u yelanay inaan ka qeyb galno qof walbo oo reer ceelbuur waxaa loga bahanahy inuu ka qeyb qaato.

Ceelbuur vs hodan 6 Ramadan

Address

Ceelbuur
Ceelbuur

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when El-bur Youth Development Organization -EYDO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share