10/05/2026
Madasha Bulsho-kaab oo kaashaneysa xubnaha madasha ee qaaraan bixiyayaasha ah iyo dowladda hoose ee Degmada Cadaado ayaa hir galisay hanaan tijaaba ah oo lagu xaka meynayo plastic ga mar isticmaalka ah ee jidadka daadsan.
Arrinkan waa isku day billow ah oo sare loogu qaadayo nadaafadda deegaanka iyo bad qabkiisa.
Madasha Bulsho-kaab waxa ay ku shaqaysaa 2 dolar oo ah qaaraan bille ah oo laga qaado xubnaha madasha inta diyaarka u ah ineey dhiibaan lacagahaas yarka ah balse marka la isku geeyo wax wayn tari kara.
Mashaariicda aad aragteen ee deeq bixi yayaashu ka fuliyaan gudaha waddankeena badankood waxa ay ku yimaadeen lacaga yar yar oo sidaan oo kale loo soo aruuriyay.
Laba doolar oon wax kuu dhibeyn bixi oo ka qayb qaado horumarinta deegaankaaga 🤞
Waxii faah faahin ah la xariir WhatsApp ka madasha 0619232580.
Aan is kaalmeysanno 🤝