08/06/2025
📍Mashruuca Udxiyada 2025
Ururka Samekaab sanadkaan 2025 wuxuu farxadda Ciidda la wadaagay shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan barnaamij Ciidul Udxiya ka fulinnay degmooyinka Cadaado iyo Godinlabe, oo labaduba ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.
Waxaan qalnay 510 neef, kuwaasoo ay ka faa’iidaysteen 3000 qoys, oo iskugu jira agoon, barakacayaal iyo qoysas danyar ah.
Sidoo kale, xoolaha waxaan ka iibsannay dadka deegaanka, taasoo saameyn togan ku yeelatay dhaqaalaha iyo dakhliga degmooyinka Cadaado iyo Godinlabe iyo tuulooyinka hoos taga.
Waxaan u mahadcelinayaa dadka samofalayaalka ah ee la baxay lacagaha barnaamijkaan aan ku fulinnay. Allah haka aqbalo.
Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa maamullada iyo hoggaamiyaasha bulshada ee labada degmo oo wadashaqeyn iyo fududeyn ka geystay fulinta mashruuca.
Waa sanadkii 9aad, oo Samekaab, si toos ah u fulinayso barnaamijka Udxiyaha.
Waana sii wadi doonna, Idamka Alle.
̈barekolsun