22/01/2026
ISKUULKA Banooda Primary and Secondary School
Ogeysiis Muhiim ah
Dhammaan waalidiinta qaaliga ah, ardayda, iyo macallimiinta sharafta leh ee Iskuulka Banooda Primary and Secondary School waxaa si xushmad iyo tixgelin leh la idin ogeysiinayaa in, kaddib marka uu si guul leh u soo dhammaaday Imtixaanka Teeramka 1-aad (Nisfiga), uu iskuulku galay fasax rasmi ah.
Fasaxan wuxuu bilaabanayaa maanta oo ay tahay Khamiis, 22-da Janaayo, si ardaydu u helaan waqti nasasho, dib-u-eegis iyo u diyaar-garowga teeramka xiga.
Waxaa sidoo kale la idin ogeysiinayaa in iskuulka dib loo furi doono Sabti, 7-da Febraayo 2026, Insha Allaah, isla markaana waxbarashadu si caadi ah u bilaaban doonto maalintaas.
Maamulka iskuulku wuxuu dhammaan waalidiinta iyo ardayda ka codsanayaa inay:
Ka faa’iidaystaan muddada fasaxa,
Ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan,
U diyaar garoobaan bilowga teeramka xiga.
Ugu dambayn, maamulka Iskuulka Banooda Primary and Secondary School wuxuu idiin rajaynayaa fasax nabad, caafimaad iyo barwaaqo leh, wuxuuna idinka mahadcelinayaa wada-shaqeynta iyo kalsoonida aad mar walba siisaan iskuulka.
Mahadsanidiin.
Maamulaha Iskuulka
Mudane Cabdi Fataax Maxamed Cabdullaahi