16/09/2026
WASIIRKA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED OO DAHAFURAY TABABAR KU SAABSAN IS-QIIMEYNTA DUGSIYADA
Baydhabo – Talaado, 15 Sebtember 2026
Tababar ku saabsanaa Nidaamka Is-Qiimeynta Dugsiyada (School Self-Assessment) ayaa shalay si nabad ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo.
Tababarkan oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada degmada Baydhabo, ayaa diiradda lagu saaray sidii dugsiyadu u qiimeyn lahaayeen waxqabadkooda, u ogaan lahaayeen meelaha u baahan horumar, isla markaana kor loogu qaadi lahaa tayada adeegga waxbarashada.
Tababarka waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Cismaan Xaaji Jiidow.
Agaasimaha Waaxda Tayo-dhowrka iyo Halbeegyada ayaa ka qeybgalayaasha siiyay sharaxaad ku saabsan muhiimadda nidaamka is-qiimeynta dugsiyada, habka loo adeegsado iyo doorka uu ka qaadanayo horumarinta tayada iyo waxqabadka dugsiyada.
Tababarkan ayaa sidoo kale laga hirgeliyay qaar ka mid ah degmooyinka Koonfur Galbeed, oo ay ka mid yihiin Afgooye, Wanlaweyn, Marka, Buurhakaba iyo Waajid.
Ugu dambeyn, tababarkii magaalada Baydhabo ayaa si nabad ah oo guul leh ku soo dhammaaday, iyadoo maamulayaasha dugsiyadu ay ka faa’iideysteen aqoon iyo faham ku saabsan nidaamka is-qiimeynta dugsiyada.