Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Aw Jaamac Cumar Ciise

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Aw Jaamac Cumar Ciise Naadigani waxa uu ka jiraa deegaanka Buuhoodle. Wuxuuna ka shaqeeyaa Akhriska iyo Qoraalka.

Maalin wanaagsan saaxiibbayaal. Habeenka jimcuhu soogelayo 13-11-2025, maktabadda dadweynaha ee Buuhoodle waxaa innooga ...
12/11/2025

Maalin wanaagsan saaxiibbayaal. Habeenka jimcuhu soogelayo 13-11-2025, maktabadda dadweynaha ee Buuhoodle waxaa innooga qabsoomaya haddii Alle idmo geeddiga 28aad ee Barnaamijka Cawayska Haldoorka.

Ustaad Cabdiweli Yoonis Yuusuf ayaa marti innoogu ah geeddigan. Ustaadku waxa uu soo jeedin doonaa Mawduuca:
" lafagurida Qoraal Aqooneedka"
_Analysing Of Academic Writing"

02/11/2025

Muuqaal----

Shirweynihii Naadiga.

SHIRWEYNAHA NAADIGASida caadada ahayd sannadkii ba halmar waxaa xubnaha naadiga u qabsooma kulan guud oo isxogwaraysi iy...
01/11/2025

SHIRWEYNAHA NAADIGA

Sida caadada ahayd sannadkii ba halmar waxaa xubnaha naadiga u qabsooma kulan guud oo isxogwaraysi iyo kala warqaadasho ah. Kulanka oo qabsooma dhammaadka mudda xileedka golaha fulinta ee markaa joogta. Shalay oo taariikhdu ahayd 31 Aktoobar 2025 waxa xubnaha naadigu ay isugu yimaaddeen shirkoodii sannadlaha ahaa. Kulanku intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dhowr qodob, oo ay ka mid ahaayeen waxqabadka sannadkii tagay ee xilhaynta golaha fulinta, iyada oo ay guddoomiyaha iyo guddidiisa fulintu ay xubnaha kale la wadaageen wixii u qabsoomay iyo qorshayaasha intii aan u qabsoomin.
Waxaa kale oo lagaga hadlay kulanka arrimaha doorashada guddoomiyaha naadiga oo muddaxileedku gabaabsi ka sii yahay, faallayn ka dib waxa ay xubnaha naadigu si gacan taag ah oo aqlabiyad leh ugu codeeyeen in xilhaynta loogu daro hal sano oo kale, sidaana uu xilka Guddoomiyaha naadiga uu ku sii ahaado guddoomiye Cabdirisaaq Xasan Maxamed, oo sannadkii u dambeeyayna ahaa guddoomiyaha naadiga.
Ugu dambayntii waxa xubnaha naadigu isla qaateen in dibu-eegis lagu sameeyo xeerarka naadiga si wax ka beddal iyo kuddaris ba loogu sameeyo qodobo dhawra oo xeerarka naadiga ka mida.

17/10/2025

Galabta waxaa maktabadda dadweynaha ee Buuhoodle ka qabsoomay, kulan u dhaxeeyay qaar ka mida xildhibaanada ku metela gobolka Golaha Sharci Dejinta ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari iyo madaxda Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Aw Jaamac Cumar Ciise.

Guddoomiyaha Naadiga mudane, Cabdirisaaq Xasan Maxamed ayaa xildhibaanada uga warbixiyay, asaaskii maktabadda, maraaxishii ay soomartay, baahiyaha jira, shaqooyinkii uu magaalada ka qabtay IWM.

Ugu dambayn, kulanku waxa uu ku soo dhammaaday nabad iyo wanaag.

12/10/2025

Qayb ka mid ah xubnaha Naadiga ayaa Jimcihii ku kulmay Masjidka Salaaxu-Diin. Salaaddii kadib, raggu waxay kuwada shaahayeen maqaaxida Qawdhama, halkaas oo ay ku gorfeynayeen isbeddelka siyaasadeed ee gobolka ka socda iyo sida uu Naadigu door muuqda uga qaadan lahaa arrimaha horumarinta gobolka.

Shirka waxaa soo agaasimay gudoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Aw Jaamac Cumar Ciise Mudane Cabdirisaaq Xasan Maxamed

Habeen wanaagsan saaxiibbayaal. Habeen danbe oo jimce soogelayo 02-10-2025, maktabadda dadweynaha ee Buuhoodle waxaa inn...
01/10/2025

Habeen wanaagsan saaxiibbayaal. Habeen danbe oo jimce soogelayo 02-10-2025, maktabadda dadweynaha ee Buuhoodle waxaa innooga qabsoomaya haddii Alle idmo geeddiga 26aad ee Barnaamijka Cawayska Haldoorka.

Ustaad Jaamac Yuusuf Cumar ayaa marti innoogu ah geeddigan. Ustaadku waxa uu soo jeedin doonaa Mawduuca:
" Doorka waxbarashadu kuleedahay Horumarka Bulshada, Caqabadaha horyaala ardayda Soomaaliyeed & Xalka la filan karo"

Habeen wanaagsan saaxiibbayaal. Habeenka khamiistu soogelayso ee 03-09-2025, maktabadda dadweynaha ee Buuhoodle waxaa in...
02/09/2025

Habeen wanaagsan saaxiibbayaal. Habeenka khamiistu soogelayso ee 03-09-2025, maktabadda dadweynaha ee Buuhoodle waxaa innooga qabsoomaya haddii Alle idmo geeddiga 25aad ee Barnaamijka Cawayska Haldoorka.

Ustaad Cabdiraxmaan Axmed Garaad ayaa marti innoogu ah geeddigan. Ustaad Cabdiraxmaan waxa uu soo jeedin doonaa Mawduuca:
Xirfadaha Horumarinta Nafta (Self Development Skills)

Ka sooqaybgal wanaagsan.

21-ka July, 2025 Waxaa Maktabadda Akhriska ee Buuhoodle ka qabsoomay kulan lagu soo dhawaynayey xubno cusub oo ka mid no...
21/07/2025

21-ka July, 2025

Waxaa Maktabadda Akhriska ee Buuhoodle ka qabsoomay kulan lagu soo dhawaynayey xubno cusub oo ka mid noqonaya Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Aw-jaamac Cumar Ciise. Xubnaha cusub waxaan u rajaynaynaa wadashaqayn, dedaal, nafhurnimo iyo dhiig cusub oo ay ku shubaan shaqada dadka iyo deegaanka loo hayo.

CIID WANAAGSAN!Dhammaan Muslimiinta waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidda. Waa maalin farxad iyo m...
29/03/2025

CIID WANAAGSAN!

Dhammaan Muslimiinta waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidda. Waa maalin farxad iyo mahadnaq ah oo aan ku weynayno nimcada Eebbe, isla markaana aan la qeybsanno ehelkeenna, asxaabteena iyo dhammaan Muslimiinta kale.

Allah ha naga aqbalo cibaadadeenna, soonkeenna, salaaddeenna, sadaqadeenna, iyo camalka wanaagsan ee aan sameynay inta lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadaan .

Waxaa la gaaray xilligii aan isu muujin lahayn jacayl, walaalnimo, iyo wadajir. Aan cafinno oo aan is wanaajino, si Allah noogu naxariisto.

Ciidan Ciideeda Kale Nabad iyo Barwaaqo Allah ha inagu gaarsiiyo!

CIID MUBAARAK!

Address

Buuhoodle

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Aw Jaamac Cumar Ciise posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Aw Jaamac Cumar Ciise:

Share