18/08/2026
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐W๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ (๐๐๐๐๐๐๐๐)
18-ka Agoosto 2022 waxay ahayd maalin murugo iyo xusuus weyn ku reebtay ummadda Soomaaliyeed, markii uu geeriyooday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).
Maanta oo laga joogo afar sano, waxa aynu dib u xasuusanaynaa haldoor aan ku suntanayn oo keliya gabay iyo suugaan, balse ahaa codkii bulshada, hal-abuurkii jiilal badan iyo ilaaliyihii afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Hadraawi waxa uu ku dhashay Burco, 1943, waxbarashadiisana qayb weyn waxa uu ku qaatay magaalada Cadan, halkaas oo uu sidoo kale ku bilaabay hal-abuurkiisa. Sannadkii 1966 ayuu curiyey riwaayaddii โHadimoโ, taas oo ka mid ahayd raadadkii h**e ee hal-abuurkiisa.
Markii uu Soomaaliya yimid, gaar ahaan Muqdisho, waxa si weyn u soo baxay hibadiisii suugaaneed. Gabayadiisa, heesihiisa, riwaayadihiisa iyo silsiladihii maansada sida โSiinleyโ iyo โDeelleyโ waxay noqdeen qayb aan laga goyn karin taariikhda suugaanta Soomaaliyeed.
Hadraawi waxa uu ahaa abwaan aan ka aamusin waxa uu aaminsanaa. Suugaantiisa waxa ka dhex muuqday xorriyad, wacyigelin, midnimo, caddaalad iyo dareenka bulshada, taas oo sababtay in waqtiyo adag uu la kulmo cadaadis iyo xadhig. Eebbe godka ha u nuuree, waxa uu geed dheer iyo geed gaabanba u koray inuu ummaddan ka dhigo ummad aan u waayin qayb kasta oo nolosha ka mid ah suugaantii ay ku cabbiri lahaayeen, isagoo aad u eegi jiray meelaha aanay abwaannada kale ka maansoon, kagana hadli jiray suugaan cuddoon.
Alle ha u naxariisto abwaanka. Isaga oo nool ayuu inala hadlay wixii aynu ka yeeli lahayn marka uu dhinto, waxaana uu yidhi:
โQABRIGAYGU DEYR MALE
DUGSAHIYO AG JOOG MALE
ILMO LAYLA DABA GALO
DUXI IIMA SAARNEE
LAFAHAYGA DUUGA AH
YAAN LOOGA SII DARIN
NINKA II DUCEEYOOW
ILAAHAY KU DARAJEE
NINKA IGA DUCAYSTOW
DUMADAADA WEEYAANโ
โ ABWAAN HADRAAWI (AHN)
Abwaanku waxa uu u sii duceeyey qofka u duceeya marka uu dhinto, waxaana uu iska reebay wixii intaa ka badan ee wayn, sida in qabrigiisa lagu dawaafo IWM.
Allow ha u raxmado.