RAJO FORUM

RAJO FORUM GOBLAY TV is an independent media outlet operating within Somaliland. It is a television channel where you will find reliable news and engaging programs.

Madaxweynaha Somaliland oo Dhirbaaxo ku dhuftay Wasiir ka tirsan XukuumaddaHargeysa — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ...
14/09/2025

Madaxweynaha Somaliland oo Dhirbaaxo ku dhuftay Wasiir ka tirsan Xukuumadda

Hargeysa — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Cirro uu dhirbaaxo culus ku dhuftay Wasiirka Diinta Somaliland, Cabdillahi Baashe, intii lagu guda jiray kulan gaar ah oo uu Madaxweynuhu guddoominayay.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda, ayaa xaaladdu gashay qalalaase kadib markii Wasiir Cabdillaahi uu si fool xun ah uga hadlay khilaafka wadaaddada dalka hadheeyay bishii ugu dambaysay. Sida wararku sheegayaan, hadalka Wasiirka ayaa si weyn u cadho galiyay Madaxweynaha, taasoo sababtay inuu si lama filaan ah dhirbaaxo ugala dul dhaco Wasiirka, isla markaana labada indhood kaga dhufto.

Markii dhirbaaxadu ku dhacday, Wasiir cabdillaahi ayaa daqiiqado wareeray, iyadoo dhacdaduna ku noqotay mid uu filan waayo. Inta uu isku dayay inuu ka baxsado goobta, ayuu ku dhacay kursiga Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdalle Sandheere, taasoo sababtay in Cabdalle isna dhulka ku dhaco.

Fowdadaasi kaddib, Madaxweynaha ayaa si degdeg ah ugu dhawaaqay in kulanka xidhan yahay, iyadoo jawigu noqday mid yaab ku reebay wasiirradii kale ee goobta joogay.

Warar kale ayaa intaas ku daraya in Wasiir Cabdillaahi Baashe uu si toos ah u aaday Hotelka Casood, halkaas oo uu xaaladda ku dhacday la wadaagay xubno masuuliyiin ah oo beesha uu ka soo jeedo ah, kuwaas oo iyaguna ku waaniyag in uu dhacdada qariyo oo iyaguna ay si hoose ku dhamaynayaan khilaafka isaga iyo Madaxweynaha.

Goblay TV

MW Xassan Sheikh ayaa kahor imaanshihiisa xukunka si weyn u dhaliilsanaa xariiradii Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo si w...
09/09/2025

MW Xassan Sheikh ayaa kahor imaanshihiisa xukunka si weyn u dhaliilsanaa xariiradii Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo si weyn u tarmiyey in Masar ay walaalo u tahay Soomaaliya, oo Itoobiya aan looga hiilin karin.

Hayeeshee, Masar oo aaminsan in wadnaheedii maanta Itoobiya dhaawacday ayuu madaxweynuhu kaqeybgalay furitaanka biya xireenka Abay ee Itoobiya, taas oo kadhigan in Madaxweyne Xassan Sheikh qaaday talaabo aysan madaxdii kahoreysay sameynin, dhaawicina doonta xariirka diblumaasiyada 2-da dhinac.

Booliska Somaliland oo Qabtay Wiil TikTok-er ah oo Hub ku Sita HargeysaHargeysa  Ciidanka Booliska  Somaliland ayaa maga...
08/09/2025

Booliska Somaliland oo Qabtay Wiil TikTok-er ah oo Hub ku Sita Hargeysa

Hargeysa Ciidanka Booliska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Muscab Cadde, kaas oo lagu arkay isagoo baaskoolad sita, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska.

Muscab Cadde, oo kasoo yimid magaalada Muqdisho, ayaa lagu xidhay kaddib markii muuqaal laga duubay lagu arkay isagoo hub watay, arrintaas oo dareen iyo walaac ku abuurtay bulshada caasimadda.

Booliska Somaliland ayaa sheegay in tallaabadani qayb ka tahay hawlgalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga, iyaga oo caddeeyay in sharciga la marsiin doono cid kasta oo lagu qabto hub sharci-darro ah.

War-saxaafadeedSanaag – 8 September 2025Axmed Maxamed Maxamuud Axmed Liiban, oo muddo ku dhowaad 30 cisho la baadi-gooba...
08/09/2025

War-saxaafadeed

Sanaag – 8 September 2025

Axmed Maxamed Maxamuud Axmed Liiban, oo muddo ku dhowaad 30 cisho la baadi-goobayey kana tirsanaa Ciidanka Booliska, islamarkaana lagu qiyaasay da’ ahaan 30 jir, ayaa ugu dambayntii maydkiisa laga helay buuralayda gobolka Sanaag, gaar ahaan aagga Dhabardhicireed ee dhanka qorax-dhaca bariga.

Sida ay ii xaqiijiyeen ciidamada ammaanka iyo qoyskiisa, marxuumka ayaa goobta lagu arkay isaga oo deldelan. Axmed waxa uu muddooyinkii dambe la daalaa dhacayay xaalad caafimaad, waxaana baadi-goobkiisa si weyn loogu baahiyey baraha bulshada.

Geeridiisa waxa ay murugo iyo tiiraanyo ku reebtay qoyskiisa iyo bulshada deegaanka.

> “Alle ha u naxariisto Axmed Maxamed Maxamuud Axmed Liiban, qoyskiisana samir iyo iimaan ha siiyo.”

1087 arday ayaa maanta ka qalin jabinaya  jaamacada camuud dufcadii 24aad.
08/09/2025

1087 arday ayaa maanta ka qalin jabinaya jaamacada camuud dufcadii 24aad.

Khariidad run ah oo muujinaysa Geeska Afrika Waxaana si cad loogu muujiyay Jamhuuriyadda Somaliland.
07/09/2025

Khariidad run ah oo muujinaysa Geeska Afrika Waxaana si cad loogu muujiyay Jamhuuriyadda Somaliland.

Baahin Qandaraas dhismaha Xabsiga Degmada Oodweyne
07/09/2025

Baahin Qandaraas dhismaha Xabsiga Degmada Oodweyne

07/09/2025

Ku dhawaaqid Musharaxnimo. Abyan Ayanle Cali

Aniga oo ah Faarah Ayaanle Ali (Abyan), maanta oo ay taariikhdu tahay 7-September 2025, waxa aan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa in aan ahay musharax u taagan doorashada Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, anigoo ku matalaya shacabka gobolka Saraar.

Waxa aan bulshada gobolka Saraar u ballan-qaadayaa in aan si dhab ah uga shaqayn doono baahiyaha aasaasiga ah ee maanta ay la daala dhacayaan, gaar ahaan horumarinta arrimaha bulshada Waxbarashada , caafimaadka ,Biyaha .

Sidoo kale, waxaan xoogga saari doonaa Kor u qaadista koboca dhaqaalaha gobolka Saraar , Abuurista ilo dhaqaale oo dhalinyaradu shaqooyin ka helaan iyo Horumarinta ciyaaraha (Sports) gobolka saraar .

Waxa aan ka midho dhalin doonaa derejo bedelka Magaalada Caynaba, anigoo adeegaya qorshayaal cad iyo hufnaan buuxda.

Waxaan si kal iyo laab ah ugu baaqayaa shacabka gobolka Saraar in ay igu garab istaagaan taageero iyo talo, isla markaana ay codkooda igu aaminaan si aan u noqdo codkooda, uguna shaqeeyo danahooda iyo horumarinta gobolka iyo guud ahaan dalka.

Hal-ku-dheg:
“Codkaaga Maanta waa Horumarka Beri”

ALLA MAHAD LEH

Faarah Ayaanle Ali (Abyan)
Abyan Waa Codka Saraar

Address

Burco

Telephone

+252634590535

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RAJO FORUM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to RAJO FORUM:

Share