SOYDAVO

SOYDAVO Non-profit making and Non-governmental NGO established to better vulnerable and people in need. .

04/01/2026

Halkan Ka Daawo Dood Furan: Xoojinta Fahamka Xuquuqda Muwaadiniinta iyo U-Diyaargarowga Aqoonsiga Qaranka.

Waxaanu caawa kula xusaynaa Magaalada Hargeysa, Machadka Shaqaalaha Dawladda, munaasabadda soo-xidhitaanka Toddobaadka T...
31/12/2025

Waxaanu caawa kula xusaynaa Magaalada Hargeysa, Machadka Shaqaalaha Dawladda, munaasabadda soo-xidhitaanka Toddobaadka Tartanka Dhaqanka.

Waxaanu mar walba u taaganahay xoojinta iyo soo nooleynta isticmaalka dhaqanka.

Waxaanu Magaaladda Ceerigaabo ka fulinnay olole wacyigelineed oo ku saabsanaa kor u qaadista wadaniyadda, xoojinta faham...
31/12/2025

Waxaanu Magaaladda Ceerigaabo ka fulinnay olole wacyigelineed oo ku saabsanaa kor u qaadista wadaniyadda, xoojinta fahamka masuuliyadaha muwaadinku ka saaran yihiin dalkooda, iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka firfircoon ee dhalinyarada iyo haweenka ee arrimaha siyaasadda iyo hoggaanka.

Ololahan ayaa ujeedkiisu ahaa in la abuuro bulsho feejigan, ka warqabta xuquuqdeeda iyo waajibaadkeeda, isla markaana door muuqda ka qaadata horumarka iyo xasiloonida dalka.
————————————————————————————

We conducted a public awareness campaign in the city of Ceerigaabo, aimed at promoting patriotism, strengthening citizens’ understanding of their civic responsibilities, and encouraging the active participation of youth and women in political and public affairs.
The campaign focused on building an informed and engaged society that understands both its rights and duties, while empowering young people and women to play a meaningful role in leadership, governance, and the overall development and stability of the country.

We sincerely thank the European Union for its continued support of our initiatives and community-focused efforts.

Waxaa farxad weyn noo ahayd in habeenimadii xalay aan magaalada Hargeysa ku qabanno dood lagaga hadlaayey sidii loo xooj...
31/12/2025

Waxaa farxad weyn noo ahayd in habeenimadii xalay aan magaalada Hargeysa ku qabanno dood lagaga hadlaayey sidii loo xoojin lahaa fahamka xuquuqaha muwaadiniinta, isla markaana bulshada loogu diyaarin lahaa masuuliyadooda marxaladdan aqoonsiga.

Doodda waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha, garyaqaanno, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo ruug-caddaa saxafadeed.

Dooddu waxay ahayd mid aad u midho-dhal ah, waxaana rajaynaynaa inay wax badan ka beddeli doonto fahamka bulshada.

Doodda oo dhamaystiran waxaa dhowaan laga baahin doonaa TV-ga Saab TV

Tonight at Ambassador HotelAn engaging panel discussion on Understanding Citizens’ Rights, Responsibilities, and Readine...
30/12/2025

Tonight at Ambassador Hotel

An engaging panel discussion on Understanding Citizens’ Rights, Responsibilities, and Readiness for National Recognition.

Join the conversation shaping our nation. Stay tuned!

Dhalinyaradii la siiyey maalgelintii koobnayd ee ay iska kaashadeen SOYDAVO, Midowga Yurub iyo Dawladda Hoose ee Burco, ...
30/12/2025

Dhalinyaradii la siiyey maalgelintii koobnayd ee ay iska kaashadeen SOYDAVO, Midowga Yurub iyo Dawladda Hoose ee Burco, ee hal-abuurka bulshada, aya socota hirgelintii fikradahoodii hal-abuurka. Waxaanu rajeyn in ay noqoto shaqo togan oo si muuqata uga dhex muuqata bulshada.

SOYDAVO waxaa ka go’an in mar walba ay kor u qaaddo hal-abuurka bulshada, xoojisana isku-xidhka bulshada iyo dadaallada Dawladda, si wadajir loogu gaadho horumar waara.

———————————————————————————

The youth who received community-led initiative grants, jointly supported by SOYDAVO, the European Union (EU), and the Burco Local Government, aimed at promoting community innovation, are actively engaged in implementing their creative ideas. Their work is ongoing and continues to generate a positive and visible impact within the community.

SOYDAVO remains committed to promoting community innovation, strengthening social cohesion, and reinforcing collaboration between community and government efforts in pursuit of sustainable development.

SOYDAVO Congratulates the People and Government of Somaliland on International RecognitionSOYDAVO extends its heartfelt ...
26/12/2025

SOYDAVO Congratulates the People and Government of Somaliland on International Recognition

SOYDAVO extends its heartfelt congratulations to the people and leadership of Somaliland on the historic achievement of international recognition. This milestone reflects the resilience, peace-building efforts, democratic governance, and determination of the Somaliland people over decades.

26/12/2025

Halkan ka daawo Warka xafladda ku dhawaaqista guuleystayaasha Tartanka Hindisayaasha Bulshada iyo faahfaahinta barnaamijka.

Farxad gaar ah ayay noo tahay inaan ku dhawaaqno maalgelinta 10 fikradood ee tartankii  hal-abuur ka bulshada, kuwaas oo...
26/12/2025

Farxad gaar ah ayay noo tahay inaan ku dhawaaqno maalgelinta 10 fikradood ee tartankii hal-abuur ka bulshada, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay dib-u-soo nooleynta iyo horumarinta adeegyada iyo ka-qaybgalka bulshada. Maalgelintani waxay noqon doontaa tallaabo bilow ah oo lagu mideynayo awoodda dhallinyarada iyo tan dowladda, laguna xoojinayo mutadawacnimada, isla markaana bulshada lagu dhiirrigelinayo inay door muuqda ka qaadato horumarka deegaankooda iyo kobcinta hal-abuurka.

Hay’adda SOYDAVO waxaa ka go’an taageeridda dhallinyarada si loo ogaado, loo kobciyo, loona hirgeliyo hibadooda iyo kartidooda hal-abuur.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Dawladda Hoose ee Burco, oo door lama huraan ah ka qaadatay hirgelinta barnaamijkan, iyo Midowga Yurub (EU) oo bixiyey maalgelinta suurto-gelisay in hindisahan miro dhasho.

Wadajir ayeynu u dhasi karnaa bulsho firfircoon, hal-abuur leh, mustaqbal ifayana u jihaysan.

————————————————————————————-

Celebrating Youth-Led Community Innovation!

We are incredibly grateful and proud to nominate the awarded 10 youth groups from our Community-Led Initiatives Competition, which we launched just a weeks ago.

This grant aims to establish and promote innovative, community-driven initiatives at the neighborhood level, empowering residents—especially youth and women—to propose and implement solutions that address pressing local needs while strengthening civic engagement and local ownership.

We extend our sincere appreciation to the European Union (EU) for the generous funding that made this initiative possible, and to the Burao Local Government for their strong collaboration and support.

Congratulations to all the nominated youth for their dedication, creativity, and commitment to positive change in their communities. This is just the beginning!

We are proud to be part of the Good Governance Heroes Campaign.  For the past three years, we have been honored to suppo...
20/12/2025

We are proud to be part of the Good Governance Heroes Campaign. For the past three years, we have been honored to support this impactful initiative by helping identify and uplift outstanding individuals in our communities who truly embody the values of good governance.

We extend our heartfelt gratitude to ISIR and Accountability Lab for recognizing our efforts with an Honor Award. This recognition inspires us to continue contributing to programs that celebrate integrity, accountability, and positive change.

17/12/2025

Halkan ka Daawo Warka: Kulan ka Wada-tashiga ee lagaga hadlaayey sidii natiijooyinkii cilmi-baarista ay sida wadajir ka ah u sameeyeen jaamacadaha dalka iyo kuwa Maraykanka loogu beddeli lahaa xalal siyaasadeed.

We  held a Policy Forum in Hargeisa focused on translating joint research findings by Univeristy of Burao , University o...
17/12/2025

We held a Policy Forum in Hargeisa focused on translating joint research findings by Univeristy of Burao , University of Washington and Case Western Reserve University into practical policy solutions, particularly in the area of Islamic approaches to mental health care. The forum brought together government officials, universities, health experts, religious scholars, and civil society representatives.

Participants included the Deputy Minister of Religious Affairs and Endowments, the Regional Coordinator of the Ministry of Religious Affairs and Endowments, and the Deputy Director of the Mental Health Department at the Ministry of Health Development.

Discussions explored how Islamic healing practices can be integrated with modern psychology into national health policies, with expectations that the forum will generate actionable, evidence-based policy recommendations aligned with community needs.

————————————————————————————

Waxaanu qabaney Kulan Wada-tashi oo diiradda lagu saarayay in natiijooyinka cilmi-baaris aanu wada sameyney jaamacadaha Burco iyo Jamcadaha University of Washington iyo Case Western Reserve University loogu beddelo xalal siyaasadeed oo la fulin karo, gaar ahaan daaweynta Islaamka ee caafimaadka maskaxda.

Kulanka ayaa isu keenay masuuliyiin dowladeed, jaamacado, khubaro caafimaad, culimo iyo bulshada rayidka ah, waxaana ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Isuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, iyo Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Caafimaadka Maskaxda ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Address

Lihle 6 Village, Burao District
Burao

Opening Hours

Monday 07:30 - 14:00
Tuesday 07:30 - 14:00
Wednesday 07:30 - 14:00
Thursday 07:30 - 13:00
Saturday 07:30 - 14:00
Sunday 07:30 - 14:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SOYDAVO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SOYDAVO:

Share