15/05/2026
HAMBLYO MUNASABADA 15 MAY
MAALINTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED.
Dhalinyaradu waa udub-dhexaadka horumarka iyo halbowlaha qarannimada Soomaaliyeed iyaga ayay ku taallaa rajo-gelinta mustaqbalka iyo curinta hal-abuurka ka dhigaya waddankeenna mid la jaanqaada dunida casriga ah.
Xarunta NAHARSO waxay maanta, oo ku beegan 15-ka May, si sharaf leh ugu hambalyeynaysaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyadoo u rajaynaysa guul, midnimo, iyo inay helaan fursado ay ku muujiyaan cududdooda aqooneed iyo kartidooda hoggaamineed.
Maalintan qiimaha badan waa xusuus qoto dheer oo ina xasuusinaysa doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii SYL ay u soo mareen xorriyadda iyo sharafta dalka sidaas darteed, waxaa waajib nagu wada ah inaan iftiinkaas sii wadno. NAHARSO waxay idinku dhiirigelinaysaa inaad noqotaan hormuudka isbeddelka togan, idinkoo ku hubaysan aqoon, dulqaad, iyo waddaniyad daacad ah oo saldhig u noqota dhismaha Soomaaliya oo innaga wada dhaxaysa.